XOG: Ilyaas Barre Shiil Iyo Sarkaal Kenyan ah oo Muqdisho Ku Sugan (Maxay Qabanayaan?)
Muqdisho (RBC) Ilyaas Barre Shiil oo ah la taliyaha raysul wasaaraha Kenya iyo sarkaal kale oo ka socda xafiiska Raila Odinga ayaa socdaal aan la sheegin ku jooga magaalada Muqdisho.
Ilo wareed aan rabin in la magacaabo ayaa Raxanreeb u sheegay in Ilyaas Barre iyo sarkaalka Kenyanka ay u joogaan ololaha dooorashada madaxtinimada Soomaaliya iyagoo ka masuul ah danaha Kenya ee ku wajahan Soomaaliya.
Ilyaas iyo koxdiisa ayaa olole ugu jira weli sidii ay ay ugu ololeyn lahaayeen musharax C/weli Gaas oo Kenya ay rabto inuu ku soo baxo xilka madaxtinimada maadaama Kenya ay C/weli u aragto saaxiib dhow oo ay ku leedahay gudaha Soomaaliya.
Socdaalka saraakiishan ayaa ka dambeeyay kadib markii dhowaan magaalada Nairobi kulan ay kula soo yeesheen Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Kenyanka isku fahmi waayeen in codadka taageerayaasha Shariif Xasan ee baarlamaanka ku jira [oo cid kasta indhaha ku heyso] lagu wareejiyo C/weli Gaas arintaasoo Shariif Xasan uu soo diiday kadib markii uu dantiisa ka dhex arki waayey.
Kulamo xalay dhacay
Sida ilo wareedka u sheegay Raxanreeb Ilyaas Barre iyo saraakiisha la socota waxay xalay kulan la qaateen xildhibaano ka soo jeeda beelaha Jubbooyinka oo ku jira baarlamaanka cusub iyagoo kala hadlay arimaha doorashada. Kulanka ayaa ka dhacay guriga C/weli Gaas uu degan yahay.
Mid ka mid ah xildhibaanadii kulanka xalay tagay ayaa Raxanreeb u sheegay in Ilyaas Barre Shiil kulanka uu kala hadlay xildhibaanada una sheegay in la taageero ololaha C/weli Gaas. Wuxuu kaloo xildhibaanku sheegay in waxyaabihii la soo qaaday ay ku jirtay dhismaha maamul goboleed laga hirgaliyo gobolada Jubbooyinka kadib marka Kismaayo laga saaro Al-Shabaab.
Ma cadda in xildhibaanada aqbaleen codsiga saraakiisha Kenyanka iyo in kale, hase yeeshee waxaa socda qorshe lagu kulansiinayo xildhibaanada beelaha Daarood iyo saraakiisha Kenyanka si ay uga wada hadlaan arimaha doorashada iyo aragtida Kenya oo rabta in C/weli Gaas la doorto inkastoo qabaa’ilada laftooda aysan taasi isku aragti ka ahayn.
Isla xalay waxaa jiray kulan kale oo inta badan xildhibaanada beelaha Daarood ay la yeesheen Musharax Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah xildhibaanadii cashada Ilyaas Barre Shiil ka soo qeybgalay ay haddana ka qeybgaleen kulankii Farmaajo ugu yeeray xildhibaanada.
Dawlada Kenya, gaar ahaan xafiiska raysul wasaare Raila Odinga ayaa si weyn ugu jira ololaha C/weli Gaas iyadoo waqtiga ololaha uu ku soo beegmay xilli Kenya ay shaacisay inay shidaal ka baaraneyso dhulbiyoodka gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya oo hadda ciidamadeeda ay ku sugan yihiin meelo badan oo ka mid ah.
Dhanka kale, olole ka soo horjeeda midka Kenya ayaa ka bilawday magaalada Muqdisho kadib markii saraakiil ka tirsan Ethiopia iyo Uganda ay soo gaareen magaalada iyagoo bilaabay inay ololayaal ku taageeraan musharax Shariif Axmed.
RBC Radio
















Somali waxeey ka dagi la’dahaya oo markii dalka maxaakiimta qabatay oo caasimadddii nabada noqotaya soo kaxeeeystay ethiopian dalkiina ku burburshay, maanatana waxaa muuqatta ineey kenyan soo wataaan si rajada yar ee soomaaliada u soo baxdaya u damiyaaan, waxaad intaas ku darsataaa ineey ahaayeen kuwii sayid c/alle xasan la diriray ee la saftay talyaaniga iyo ingiriiska, waxaad ku sii darsataaa in markii somaliya xoriyadda qaadaneeysi ee 10-ka sana ee wasaayada la galinaayay eey ahaayeen kwuii ku doodaya in laga dhiga 30sano, oo talayaani la hoos jooga mudda 30 sana ah, war waa su’aaale kuwani somali ahan miyaaa, waanba ka shakiyaya, sida la sheegaya baa mindhaa run ah oo ah ineey somalinimada iska sheegtaan ee eeysan laheeyn dareen soomaaliyeed, alloow xaqqa tus, hadeeysan u qorneeyn dhinac in dhaafi qoomkan qariban.
Uganda iyo. Amxarada. Haday wataan. Shariif, kenyana ay wadato gaas ,hadaba doorasho maxa loo galaa. May sidooda u jooga an.
Farmaajna. Waxaa lajira. Barakacayasha iyo dayniile. .
Now we know how far Sheik Sharif and Gaas went to sold Somalia. Waa qaa’imiin iibinaya Soomaaliya iyagoo dantooda qaaska ah ka fiirsanaya.
Sheekadu waa iska cadahey Kismaayo oo la qabtaa waxey dan u tahey Kenya oo dhulka ka baaraneysa Petrol ninka ay madaxweyne ka dhiganyaan waa nin siinaya kismayo iney qaatan Kenya haddaba waa iska cadahey in somaliya ay gashey maxali marka waxba yan laisku dilin madaxweyne iyo r/wasare Kenya waa ay sugtaaba waa kuwii ka gadanlaha dhulka ogaada sheekada meesha u socoto ninkani waa adoon lagu shaqeysto oo amxaar,iyo kenyan ayey u shaqo tageen ragaan
xaaladu caadi maaha waxaa la gaaray markii ay ”” noqon jireen wadaniyiin beena oo lagu qaraabto yaa loo sheegaa waxaas war beenta daaya raaca dadka wax garanaya
Waxaan maqli jirnay hogaamiye kooxeedyo ka jira dalka gudihiisa. Hadda mala oran karaa hogaamiye kooxeedyada gobolka Geeska Africa waa Kenya, Uganda iyo Ethiopia? Wexey ila tahay in hogaamiye kooxeedyada gobolka iyagane markooda loo qabto shir dib u heshiisiin ah, loona sameeyo baarlamaan kumeel gaar ah iyo xukuumad kuleel gaar ah. Waxaase su’aashu tahay: yaa u noqon doona madaxweyne KMG ah, goorma ayeeyna kabixi doonaan kumeel gaarnimada?
Mooryaantii. Baa markii. Siyasadu. Ku xumaato. Soo qaata. Wadani. Iyo maxakiim, Khawarijta iyo mooryaanta. Haday xaq ku socdan. Ma jabeen oo maanta kismayo kala carar Kama dhacayn. Oo soomaliya. Alqacida Ayaa qaban lahayd. Waxa mahadsantahay leh ilahaygii amxaro ku xasuqay, naiad Wang iyo jihad intii u dhimatay. Ilahaygii ha u naxariisto. Laakiin Khawarij,,mooryaan,Cadabta.
Kenya hakala baxdo arrimahayaga doorasha gacanta.
SOMAALI waxa midayn kara oo kaliya waa farmaajo. wallaahi inaan qabiilkiisa ahayn. Dhamaan qabaaisha waxa dani ugu jirtaa waa caddaalad. ee farmaajo ka raadiya.
Cabdiwali iyo Shariif axmad ha raaceen saaxiibkood.
Sayidka. Iyo. Daahir awees. Maxaa ku kala duwan yihiin “……
GUUL FARMAAJO WAXAA KULA JIRA ILLAAHAY IYO SHACABKA SOOMALIYEED IYO BAARLAMAANKA SOOMALIYEED ——— FARMAAJAA MUDNAANTA LEH ——– AAmiin
musaveni wuxuu soo taagan yahay ilaa 1986 wiiil uu dhalay oo uu general ka dhigay ayuu cukunka u rabaa marka doorashadu way dhibaysaa oo indhaha caalamka ayaa arkayo kuwaan qabiilka tigreeguna ma jecla doorasho oo waa dad yar xataa somalida ethiopia ayaa kabadan ayana marabaan sidaas bay waxay u rabaan sheekh shariifna inuu somalia iska fadhiyo oo hal bil 80 degamo dekareeto ku magacaabay meeday wasaaradii qorsheyn degamo waxay u baahan tahay saldhig boolis maxkamed post office isbitaal dugsi sare iyo ceel biyaha siiya marla waxaa laga rabaa markii uu dagmo magacaabo intaasna waa inuu soo raaciyaa, haddii kale waa danbi daarasho lugu gale macaga madaxweynaha oo ah astaanta qaranka iyo sharafta calanka dhulka mise waa geel idhokuul maxaas ka kasaa,
umad yahay qabiikiyo qaranimadu waa labo aan isqaadi karin—— dareenkii wadanigiyo yaan ka dhiman damiirkoo dhibaatadu damqaysaa?????????????????????????????
shariif sakiin sidii uu sheegay 3 nin ee hogaaminaysay dawladii ugu danbaysay makala hari doonaan
ama keenya heshiis beenaad lagal ama ugaanda heshiis lagal
meeshu waa muqdisho somalia ma ahan keenya iyo ugaanda
dadka baarlamaanka noqdayna kuwii hore oo kale ma,ahan %70 waa dad damiir iyo somalinimo leh aqoona ay udheertahay
sida profosr jawaari sheegayna waxay baarlamaankaan wax ku dooran doonaan rabitaanka shacabka meesha uu ubadan yahay somaaliduna way wada ogsoon yihiin ninka ay shacabku wataan
waan arki doonaa wax yar ayaa nooga harsan 10 bisha
Horta waxaa caado u noqotey soomaalida inay wax aan jirin sii sheegaan tan kale waa jirtaa in wadamada soomaaliya ciidamada ka joogaan mid walibaa qorshe gaar ah ka wadato qaybtoodaa la ogyahay oo ciidamadey ka biishaan oo dhaqaale aad u fara badan oo ay weligood arag taas waa macnaha ay u doonayaan inuu howshooda dheeraato madaxda qaar ma doonayaan inay wadanka ka baxaan ma aqaan saamigooda intuu le,eg yahay sababtoo ah dhamaantood wey isku xiran yihiin waa burundi, ugaandha, kenya,madaxda soomaaliyeed,marka we need wejiyo cusub waan ogahey waa dhibaato lakiin sida dad badan qabaan waa lama huraan waa hadii soomaali la doonayo inay dib u midoowdo
Naagtaan warka soo tabanayso ma caruurbay u sheekeynaysaa mise waxey aragtay dad wixii loo sheegaba iska qaata.
Cwali gaas shaqsi soomaali ah weeye dhulkana kaligiis malaha,hadii qof dhul gadan karo rag baa horay u gadan lahaa. Kenya ina famac wadatana la iskuma hayo laakiin why cwali ay uga doorteen umada kale oo dhan. Meeshaan siyaasad baa la ciyaarayaa ee ka fariiso sheesha. Filimkana halkaas ka daawo daangada iyo coocadana haku saxan, iskana dhaaf shaqsi naceybka.
Somali qabyaalad ayaa dilootay === nacaybkaa Sheikh Shariif haduu wadanka soo geliyey ajaanib cidka hadlaysa majirto laakin mark ii nin — ah lagu arko Kenya waa laqaylinayaa Kenya hada wadanka waa joogta cidka hadlaysa majirto maxaa yeelay Ninka keenay waa === shame on you dadka hada Kenya ka hadlaysa wadan baa loo saxii xayaa mar hore ayaa loo saxiixay hurdada ka kaca.
gaas waa qaa’inu wadan ku gor gortamaya badda somaaliyeed suu ku hello kursiga ———— wadani kama soo dhex baxo mid amxaaro keenay caasimada somaaliyeed iyo mid badda iibsada iyo mid shirkado shisheeye dhulka ku wareejiya bal fiiri waxay ku leeyihiin maxaa farmaajo loo jeclaaday oo gaas loo jeclaan waayay farmaajo quluubta somaaliyeed ayuu kas baday c/wali gaas waa neef ay kenya wadato waad aragteen sida farmaajo laagu dabaal dagay soo dhaweentiisina ay dadka ku dhinteen wadaniyadiisa ayuuna ku helay ixtiraamkaas bal arka cid c/wali gaas jecel xitaa shimbir uma banaanbaxayso waana qaa’inul wadan calool wayn
Asalaamucaleykum wr wb,
Horta anigu ma caytamayo nacnac iyo huuhaana laangaab cuqdad iska qaba baan udaayey,
aaribax, labo su’aalood aan ku weydiiyo adiga iyo inta kale taageerta farmaajo,
Ma noo sheegi kartaa wax lataaban karo oo farmaajo qabtey 6dii bilood uu xamar joogey? (ma rabo su’aasha in aad ku qaldanto waxqabad shaqsi kale sida alaha ha unaxariistee jaale maxamad siyaad barre) waxaa hada laga hadlayaa waxqabadka lagu sheegayo shaqsiga farmaajo layiraahdo, kow
Labo, geedisocdka iyo yididiilaha nabadeed yaa halkan soo gaarsiiyey oo maanta suurta galiyey in 70% xildhibaanada noqdaan dad shuruudo adag kusoo galey sida aad adiguba qirtay?
Raxanreeb Reporters are Profesionals. They know where to find a worthy, relayable news items, how to put them together, and how to deliver them. When it comes to the Timing, they are the best!
Thank you Raxareeb for informing us every hour in the day and night. Your efforts are appreciated.
Guul RR. Guul President Maxammed Cabdullahi Farmaajo! A year ago, More than a Million Somali Citizens predicted that Farmaajo will be the next President of Somalia and he will. (IA) Insha Allah he will! No matter what Raila Odinga, Ignorant Gaas, and This stupid Sujui Ilyas Barre do, Somalia will win with President Farmaajo. Guuuuuuuuul.com
ASC/
Marka hore waxaan u mahad celinayaa ilaahay SWT.
Marka labaadna waxaa mahad leh bahda raxanreeb oo mar walba u taagan inay noo soo gudbiyaan meesha wax marayaan.
Marka saddexaad waxaan u naseexaynayaa walaalaha soomaaliyeed ee halkan afkaartooda ka dhiibta. waxaan leeyahay walaalayaal ilaahay ka baqa oo afkiina hadallada xun xun ka ilaasha. waxaan dhibaato ahayn kuu keeni maayee.
Marka afaraad waxaan dhiibanayaa fikirkeyga ku aadan arrintan. anigu walaalahay c.wali gaas iyo shiikh shariif waxaan dhihi waxaad madax u tihiin dal weyn oo soomaaliya la yiraahdo. iyo ummad qiimo badan oo soomaali la yiraahdo. walaalayaal ilaaheyna iyaguu aakhiro idinkala xisaabtamayaa sidaad ugu shaqayseen. walaalayaal inaad shacabka soomaaliyeed cid aan ahayn kalsooni ka raadisaan waa la idinku halaagayaa.
Walaalkey FARMAAJO waxaan dhihi lahaa illaa hadda waa ninka keli ah ee ku kalsoon shacabka soomaaliyeed, waxuu aaminsan yahay inuu codkooda iyo rabitaankooda wax ku noqon karo.
weligay ma arag una malayn maayo inuu jiro qof soomaaliyeed oo maqlay FARMAAJO waxaa wata awood shisheeye.
Ilaahay waxaan ka rajaynayaa inuu doorashadan soo boxo qof ay AGOONTA, DUMARKA RAGOODII KA DHINTAY, CARRUURTA DARBI JIIFYADA AH, KUWA BARAKACAY, KUWA KALE EE MASAAKINTA AH EE DARIIQYADA WAX KU GADA. inuu soo boxo.
farmaajo waa shaqsiga kaliya oo afrikaan ah oo shacabkii oo u mudaharaaday oo u dhinteen jacayl ay u qabaan oo aduunkoo dhan looga mudaharaaday xataa puntland ayadoon qabiil loo eegayn anigu qabiilkiisa maahi waa wadani hal adag dadkuna waa u siman yahay kuwa qabiilkayga ah asagaan ka jeclahay
ACWW:WHO IS ILYAS BARE SHIIL:Ilyas bare shiil wuxuu ahaa MP Kenya wuxuu ku dhashay isaga iyo aabihi Kenya wuxuuna ka yimid asal ahaan gobolada Puntland wuxu la beel yahay Dr GAS.Ma ahan asal ahaan beesha Faarax Macalin,Gaandi,ama Ahmed Madobe, ee dagaanka ayuu ku soo koray kuna dhashay si kastaaba sidaa ayuu ku helay MP.
Maanta ma ahan MP waana qof caadi ah,waxaa la sheegaa inuu yahay la taliyaha Kenyan parminister lama hayo wax cadaynaya waana nin gal gal badan.Maanta muxuu yahay dawladda Kenyase ma og tahay howsha uu ku jiro?Dawlada Kenya si toos ah ayay u sheegtay in aanay compaing ugu jirin Gr Gaas iyo qof kale,Ilyar waxaa uu lacag ka qaatay Dr Gaas maadaama u yahay nin Kenya galgalkeeda ku fiican in uu bridge u noqdo Gaas ILYAS BARE SHIIL WAA JUST BROKER AMA DULAAL haddii ay u hagaagtana waa siduu rabay ankee Nairobi waxaa taal in uu iskii isu abaabulay marka arrinta ninkan aad ayaa looga badbadiyay internet yada somalida un bayna ku eg tahay
waxaa layaab ah inay sarakiil kenya iyo ithopa ay u shegaan xildhibaanada soomalia Qofkay dooranayaan iyo Waxaa layaab kale ah inay Casho kenyaan ku Sameeyeen Guriga c/gaas ay kaqayb galaan.. Su,aal waxay tahay keenya iyo wadamada kale ee africa miyaan usheegnaa siday wax u dooranayaa miyey talo naga siiyaan? Jawaabtu waa maya sidee Xildhibaanada soomlaiya u yeelayaan Talada gaaladanafricaan ka ah oo dadkeena Xasuuqaaya wadankeenana dhacayaa bad iyo Barina……Hadii Musharax keenya iyo ugandha iyo ethopia u Cod u raadinaayaan ay parlmenka Soomaalia ay doortaa Waa Taarikh madow Kamana filayno Xildhibaanada Cusub Inay talada kenya aataan ama Shaqshi kudoortaaan,,, Haday dhacdana uma soomlaiya waxay ogaanaysaa inaan Parlmemaan soomaliya Jirin ee Parlmaanku yahay parlmaaan keenya iyo Ugaan,,,,
wadani xaareyohow xaaruhu dhalay kuwii ethiopia waqtigii alshabaab watay maxay ahaayeen hadase yaa amison wata war waxa wadanka qasaya waa reer koonfur oo sidii xoolihii nabada lala rabo dawlad micneheeda baro jamhadaynta iska daayeh mida kale dr.gaas kenya haday wadato shariifna ugandha wadato maxaa ku jaban
DHIBTA HAYSATO OO AY WADANKOODA U XUREYN LA’YIHIIWAA KAN INA SHIIL OO KALE DABADHILIF KENYA IYO KUWO ITOBIYA U AH SIDA INA-ILEEY…
WALEE WELIGIIN GUMEYSI KAMA BAXDAAN INTA AAD IDIN HORKACAYAAN MACAAN KU NOOLKAAS AAN WAXBA GARAN EE CAQLIGA KA SUULAY….
CULUMADIINA ISKA FARIISTEEN … OO ADUUNN KU MASHQUULEEN…
Sayd maxamad cabdulle xassan baa laga hayaa yamyam iyo qadaad wayn baa la iiga maara waayey hada ma kenya iyo uganda iyo amxaaraa soomaaliya laga hahayaa bal adba
[...] Markii kulanka uu furmay, Wasiirka arimaha dibadda Kenya Sam Ongeri ayaa madaxweynaha cusub u sheegay inuu rabo in jagada raysul wasaaraha dalka Soomaaliya loo magacaabo C/WELI GAAS oo horey xilkaasi u soo hayey mudo sanad iyo bar ah, dawlad Kenya ay taageero buuxda ku siineyso dawlada Soomaaliya dardargelinta hawlaha amaanka ee dalka gaar ahaan qabashada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo hadda ciidamada Kenya ay ka dagaalamayaan. Horey ayey dawlada Kenya olole ugu gashay tartankii doorashada madaxtinimada in C/weli Gaas ku soo baxo xukunka laakiin ololahaasi laguma guuleysan sababo la xiriira taageerada gudaha iyo dibadda oo uu waayey. Akhri warbixin Raxanreeb ka qortay [...]
Afkaga cano la qabay suubanti sanaag, both these guys ilaahba na dhaafshay, somaliya hanoolato
[...] kaliya ayaa Ilyaas Barre Shiil isagoo ka wakiil ah raysul wasaaraha Kenya wuxuu booqashooyin ku tagay Muqdisho iyo Hargeysa halkaasoo uu wada hadalo kula yeeshay madaxda siyaasadda. Xilligii ay soo dhowaayeen [...]