Xog: Sheekh Shariif Oo Sameysanaya Xisbi Siyaasi ah


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [Radio RBC] Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay RBC Radio ayaa sheegaya in uu madaxweynihii hore DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu magaalada Muqdisho ka wado abaabul ku saabsan in uu sameesto xisbi siyaasi, si uu markale ku soo laabto siyaasadda Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed oo sannadkii 2009-kii loo doortay madaxweynaha KMG ah Soomaaliya doorasho ka dhacday dalka Djabuti ayaa maalinta barri waxa uu wareejin doonaa xilka madaxweynaha isagoona si rasmi ah ugu wareejin doono madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishan ka guuleestay 21-musharrax.

Hadaba waxa soo baxay tan iyo markii looga guuleestay Shariif Sheekh Axmed doorashadii toddobadkii hore ka dhacday Muqdisho, waxa uu kulamo aan kala joogsi lahayn uu la lahaa xubno siyaasiyiin horey xilal u soo qabtay iyo kuwa ka tirsanaa dowladiisa.

Kulamadaas ayaa la sheegay in looga hadlaayay tallaabada uu damacsan yahay Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore Soomaaliya, waxaba la sheegay markii doorashada looga adkaaday madaxweynuhu in uu go’aan ku gaaray in uu ka fadhiisto siyaasada isla markaana uu dalka uu kato.

Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan xilka xafiiska ku wareejiyay madaxweynaha cusub kaddib markii madaxweynaha cusub loo wareejiyay xarunta madaxtooyadda Villa Somalia, taasoo daba socotay weerarkii lagu qaaday madaxweynaha cusub, ayaa la sheegayaa in Shariif la dajiyay guri uu lee yahay Cali Mahdi Maxamed oo horey madaxweyne u soo noqday bilowgii sagaashameeyadii.

Shariif Muxuu Rabay Markii Hore?

Shariif Sheekh Axmed ayaa markii hore rabay markii uu arkay in looga adkaaday doorashadii madaxweynaha in uu ka tago dalka, isla markaana uu ka baxo siyaasada, isagoona aadaya dalalka isku taga immaaradka carabta ama Turkiga halkaasoo loogu diyaariyay guryo waaweyn oo uu dego.

Laakin ilo lagu kal soon yahay ayaa sheegaya in Shariif Sheekh Axmed uu kulamo la yeeshay beesah uu ka soo jeedo, kuwaasoo u soo jeediyay in uusan siyaasada ka bixin isla markaana uu sameeyo xisbi siyaasi si markale uu siyaasada uga soo dhex muuqdo.

Si kastaba, dadka kula taliyay qorshahaas waxa ka mid ah Cali Khaliif Galeyr oo horey ra’iisal wasaare u soo noqday iyo Cali Mahdi Maxamed.

Madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madax u ahaa xisbi la dhaho xisbiga Xisbiga Nabadda iyo Horumark.

Sheekh Shariif ayaa markii loo sheegay warkan waxa uu go’aan ku gaaray in uu dalka iska sii joogo dhawaana uu ku dhawaaqi doono xisbi siyaasi oo uu madax ka yahay.

Radio RBC

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Share

Tags:

13 Responses for “Xog: Sheekh Shariif Oo Sameysanaya Xisbi Siyaasi ah”

  1. Wiil-Mudug says:

    Good Move! Mr President, wadankaaga yaad ugu tagaysaa, Shaqada taal waa inaad wax ka qabataa adoo muwaadin Soomaaliyeed ah, maxaa yeelay hadaad wadanka kale u guurtid talooyin badan oo lagaaga baahnaa baad la guuraysaa. Runtiina waxaan qabaa inaad muujisay Dowlad wanaag, laakiin Rag xun xun aad siyaasada kula saaxiibtay, kuwaas oo sumcadaadii dilay, siyaasadii dowladana dhulka ku jiiday.

  2. cadaalah says:

    talo xun bey galeyr iyo cali mahdi madaxweyne shariif u sheegeen alla dhulka lama gooyee, sh. sharif sh ahmed joogidiisa waxay qalqal ku tahay nabad socodka habka nabada ee hadeer soomaliya ay cagta saartay, sh. shariif sh ahmed waxa uu xiriir qoto dheer la leeyahay nabadsugida iyo saraagiisha qaaska u tababar ee wadanka jooga kuwaas oo asaga markii hore is qaas ah loogu soo dababaray. hadii uu soomaliya sii joog madaxweynaha waxaa gali kara damac in uu qaarajiyo madaxweynaha cusub si uu talada ugu soo laabto. marna soomaliya uma fiicna nin quwad iyo sirdoonka xiriir dhow la leh in wadanka nagaadi ku ahaado. xaga qalaalasaha nabada waxaa ka sii xag jirta mida siyaasada. waxaa laga yaabaa madaxweynaha cusub iyo xukuumada talaabooyin ey rabaan in ey qaadaan ama fuliyaan in uu madaxweyne shariif sh ahmed uu caqab ku noqdo oo mucaarad bilaa sabab uu noqdo.

    sh. shariif sh ahmed wadanka isaga tag oo turkey ama emiraati iska adaa adiga oo dalka, dadka, iyo diinta u daneyneysid

  3. Sama_Kataliye says:

    Waxaas waa sheeka raqiis ah, Shariif afgaduud iyo Shariif Sakiin gacmahooda dhiig badan baa ka qoyan hanti badanna qaranka Soomaaliyeed way ka dheceen (musuqmaasuq). Marka, shariif kuma noolaan karo soomaaliya. Haddii dowlad cadaalad ah soomaaliya ka dhalato Shariif maxakamad baa la soo taagi doonaa, haddii Soomaaliya haysan dowlad cadaalad ah helinna shariif kuma noolaan karo Soomaaliya nabadgalyadda naftiisa iyo reerihiisa awgeed.

    Dani waxay ugu jirtaa in uu cararo inta goori goor tahay!!

  4. samawade says:

    Shariif aniga waxan kugula talin lahaa in aad go aan kagi hore qadatid dalkana isaga baxdo waayo waxad noqotay madaxwaynihi ugu dulimadka badnaa siyaddana waa lagaga adkaday waxyalo badanna wad ku fashilantay sida in aad ciidan qaran o isla shaqayn kara dhistid lagana marmo cidamada shisheye umaduna isbadal ayay rabtaa. Dibudhiska ka qayb qado ayan ku oran lahaa adiga oo muwadin caadiya o somaliyeed ah. Hadadba ka baxsato in danbiyo laguguso oogo sida nusuqnasug iwm Wadna ogtahay somaliya halkay ka ciyartay intaad madaxda ahayd dal falshilmay

  5. Fiqi says:

    Qofkii xisbigiisa iyo kan Sakiin iyo kan faroole gala adigu weelkaaga wax ma ku siin lahayd!!

  6. goosan ari ah says:

    cadaalah@ waad asiibtay joogitaankiisa waxay khatar ku tahay madaxwaynaha cusub meeshuna waa siyasad xita qaraxii aljazeera alshabaab tip aya la siiyay oo information sax ah aya dad dowlada ku jira soo siiyeen marka labo shariif waa in ilgaar ah lagu eega

  7. hersi says:

    nimankaas waa tageen ninkii tagana ma sooo noqdo rag badan oo tagay baa raftay qaarna waa quusteen qaarna hadayba soo jeedaan oo cagta jugta loogu dhuftaa ku filan

  8. Atoore23 says:

    Assc.
    Waxaa wax lala yaabio ah in uu Shariif Jawhar yiraahdo bilkastaba ha la ii qoro $50,000 oo doolar.
    Waxaa ayana ka sii yaab badan in uu haddiiba u dacwodo dhaqaalo uusaan xaq u lahayn.Tan kale maba jiro dunidaan qof bishii mushaar u qaata $50,000 oo doolarka ameerika ah.Aniguna waxaan oran lahaa Shariif deg-deg ha loo soo xiro oo maxkmad dhaqso ha loo geeyo.Sababtoo ah Shariif waxuu ka mid yahay DHIIG YACABKA soomaaliyeed.Shariif waxuu amray dagaalo badana oo ay ku dhinteen dhawr oo wada soomaali ah.

  9. xaayoow says:

    sida u dagsan sharciyada caalamiga ee dowladaha horey u maray waa in hadii madexweyne laga
    adkaaday doorasho waa in uu ka fogaadaa siyaasada mudo hal sano ah shariifoow waxaa kuula
    gudboon sidii cali mahdi ama abdiqaasin ama abdullaahi aad sameesid oo aad wadanka isaga
    baxdid oo turki aadid oo weliba cuntada diyaarada laguugu keeno meeshaas inta dowladaan
    laga dhisaayo markaad taagta heeysaay talo maadan heeynin hada waxaad wado waa qas ee
    tolka bariiska ciid ha ooga shubin ayaan kuula talin lahaa shariifoow.

  10. Cadaado says:

    ASC, dhamaan. Another cheap shot waaye tan. Madaxweeyne Shiiq Shariif asagoo guri kuleh Xamar,deegaan ahaana kasoo jeeda, sidee buu uga tagaa oo xildhibaan gaas iyo dad kale oo pintiland ka yimidna u joogaan Mogadisho. Taas dhici meeyso. Waxaan kaloo umada Somaliyeed xasuusinayaa in xildhibaan Gaas iyo qaswade Faroole joojiyaan si dag dag ah faragalinta eey ku haayaan shaqada Madaxweeynaha cusub Xasan Sheikh Mohamud, taasoo ah tilaabo qaswadayaal ah. Shirarka iyo howlaha kabaxsan xildhibaanimada waa in uu si dagdag ah u joojiyaa Gaas. 2012 ayaa la joogaa, ma ahan waqtigii dadka qaarnka xoolaha dhaqan jireen oo ceelasha shuban jireen, dadkalena eey maamulka wadanka inta afduubtaan ku tagrifali jireen. We are watching you all.

  11. ahamednsir says:

    @Cadaado soo ma ogid in reerrkiinu joogan puntland adigoo geela dhoofiyo iyo ariga mise odeygii ahmed ee gudoomiya beelaha baa isku aftihiin isagaa CADAADO ka yimide war puntland muqdisho uma baahna hadana nabadan iyadaa ka shaqeyseeey iyo in aa xogaa madaxa soo qaadid waxa kugu jira hawiye intiisa kale kuma jiraan ee cuqdada iska saar. sidoo kale samadade iyo samakataliye midkina caqli maleh qabiilka baa cancer idinku noqdeey.

  12. Somalijecel says:

    kkkkk 10 xisbi ankee hadduu furto waa la bartay sheekh beenlow ah tuug ah yaa dooranaayo?cajiib qofku hadduu fashilmo waxaa wanaagsan in uu iska fariisto siyaasadda waxaa la rabaa in aanay qofka u noqonin meherad uu nolasha ka raadsado

  13. amaano,says says:

    markii hore ayaaba qalad weyn ey galeen maryooleyda shariif markii lagu wacaayo ma isagaa shariif ah

Leave a Reply