Somaliland oo soo dhawaysay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya
Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo uu ku sheegay inaanu midnimada Soomaaliyeed u mari doonin jujuub diblamaasiyadeed iyo mid awoodeed toona.
Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo xalay illaa maanta siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha iyo ta dibedda, ayaa sheegay inay Somaliland soo dhawaynayso hadalka Madaxweynaha Soomaaliya uu kaga hadlay arrinta midnimada iyo sii waditaanka wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.
“Marka hore waannu soo dhawaynaynaa hadalka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, mar labaadna waannu u hambalyeynaa waxaanannu u rejaynaynaa hawlaha hor yaalla inuu ku guulaystay. Hadalkii shalay ka soo yeedhay waxa ka muuqday ka fiirsasho iyo taxadir, wadahadalkiina in la sii wadaa waa arrin fiican oo aannu soo dhawaynayn.” Sidaa ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Cumar.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, waxa uu intaa sii raaciyey oo uu yiri; “Somaliland waxay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 21 sano ka hor, immikana waxay Somaliland samaysay horumar ballaadhan, la soo noqoshadaasina waxay ku salaysan tahay rabitaanka shacabka Somaliland.”
“Waxa ka dhexeeya xidhiidh, waxaannu damacsannahay inaannu iskaashi samayno, Madaxweynaha cusub waxa uu sheegay in ahmiyadda koowaad iyo labaad-ba uu siinayo xasilinta amniga ee Soomaaliya. Somaliland khibrad bay u leedahay………Midawgii hore halkii halkii laga hagayey waxay ahayd halkan. Wax badan oo faa’iido u leh Soomaaliya, Somaliland iyo Mandaqaddaba, ayaa dhex-mari doona.” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, mar uu ka hadlayey wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yiri; “Wadahadalladu waa kuwo ka yimi Soomaaliya iyo Somaliland oo labadoodu ay garteen iyo baaqii beesha caalamka ee shirkii London, wadahadallada Madaxweynihii hore waannu la bilawnay, Madaxweynaha hadda xilka qabtayna.”
“Waxa ka muuqatay miyir, ka fiirsasho iyo taxadir siyaasi ah oo loo baahan yahay, waana tallaabo wanaagsan, rabitaanka Somaliland-na waa mid shacabkeedu gaadheen oo aanay doodi ka furnayn, waxaanannu rejaynaynaa oo aannu ugu baaqaynaa dawladda Soomaaliya inay tixgelin siiso arrintaas, eegtana waxa tan ka weyn ee labada dal dhex-mari kara. Halka ay Somaliland ku socotaana waa inay ictiraaf buuxda beesha caalamka ka hesho.” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Prof: Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay lagu caleemo saaray Muqdisho, ayaa munaasibaddii caleemo-saarkiisa ka sheegay in arrinta midnimada Soomaaliyeed ay muhiim tahay, isla markaana dawladdiisu ka shaqayn doonto, hase ahaatee, aanay u mari doonin qaab qasab awoodeed iyo jujuub diblamaasiyadeed ku salaysan, uuna sii wadi doono wadahadalkii bishii June 2012 u bilaabmay dawladdii ku-meel-gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.












asc asxaabta wadahadaladi maahi kuwo somalidu wadadto waana kuwo lau qasbanyhay in ay sii socdaan waayo somalida hada waxa isbadalka ka sameeyay waa beesha caalamka dhibatadayduna dani ugu jiro se go,aan dad ayaa leh ilatahy reer somaliland waxay rabaa hadii muranku batano waxa laga qadayaa cod kaas aya aduunka lagu kala baxaa
Bilaa sharuud baad ku timid 1960.haddana 20 sano meel aad aado ayaad weyday,waad iska joogi sharuud la’aan,yaa ku heystay labaatan sano iyo dheeraad,affermetive action ayaa la idin siin jiray haddana waa la idinsiin.
Hal reer baa goosi iyo cudur hayaa,waxaa waqooyiga Somalia ku nool lix qabiil oo kale oo aanu goosi iyo cudur kale hayn,mana dhici doonto in hal reer u hadlo.
shan farood iyo calaacal baa lagu dhacshay xoriyada somaliland mid baryo ku timid maaha ee waa mid ku timid qori caaradii isagii ayaana lagu difaacayaa, markaa waa ku khasbanyay inuu isagoo koonfur madaxwayne u ah xasan uu soo fadhiisto..kkkkkkkkkkkkkkkkk
Aad baanu u soo dhaweynaynaa hadalka madaxweynaha, Anagaa nimi 1960, 1991 anagaa noqonay, waa kaa codka dadka reer somaliland, dhamaan gobolada somaliland waxay ku jiraan gacanta somaliland, dadka yar ee fara ku tiriska ah ee beenta loo sheegayna waxaanu leenahay Calafso ciidaada.
Waraa hadalka iska dhaafa somaliland ha go,aan wax dhib ah male madaxweynahana wakaa sheegay
sideedaba dadku waxay isku afgartaan wada hadalka xooluhuna urtaa layidhi
markaa halawada halo maxumee maxa laga wada hadlayaa talow ma midnimo kale iyo waxan soconayn
mise sidii loogala guranlahaa ee nin waliba dhulkiisa iyo dadkisa umaamuli lahaa
lkn taasi way adagtay inay aqbalaan walalaha koofureed hayeeshe wax laga baryayo maaha
haday manaaga diidaan gacanba alaysula tegidoonaa oo waa lahuraan ina in waliba awoodiisa adeegsado
lkn waayaaba maxa layska horgaynayaa ciidamo 22sano ladhisayay iyo mooryaan meel waliba xabadi kaga taalo oo laysukeen keenay bal waynu daawan doonaa waxay ku dambayso hadaynu si noolaano wabilaahi tawfiiq
Shigshigow waa runtaa shuruud la’aan baan ki imid anigoo raadinaya soomaaliwayn. Maantana anigaa isaga hadhay kadib markay dhib igasoo gaadhay wixii soomaaliwayn Danbe iyo midnimo aan suurogal ahayn iila yimaadana xabad ayaan kaga shaqaynayaa.Somaliland maaha wax layska yidhi ama iska yimid waxa ku daatay dhiig fara badan kii raba inuu aayar sidaa ku heli ha u diyaar garoobo in xabadi kasoo horayso waxaana u dhimayanaya yar iyo wayn