Yaa Mudan Guusha Shariif, Gaas, Farmaajo Mise Salaad Cali Jeele?
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweyne Shariif Sheekh Sadax sano oo uu ahaa madaxweynaha dalka wuxuu soo magacaabao sadax Raysal wasaare, waxaana haatana asaga iyo waliba labo ka mid ah Raysal wasaarayaashiisii ay yihiin Musharixiin.
Horay ayaa loo yiri guushu mar walba way Aabayaal badantahay halka guuldaraduna aysan Aabo lahayn, laakiin ninka kasta wuxuu yahay waxaa hubaal ah in ay taariiqdu xusayso.
Shariif Sheekh Axmed.
Wuxuu madaxweyne ka ahaa dowlada KMG ee waqtigeeda uu dhamaaday, waxaana xafiiska uu joogay mudo sadax sanadood ah, intii uu joogay dowladiisa waxay wajacday dagaalo badan oo ay la gashay Al-Shabaabka ka soo horjeeda dowlada, iyo waliba qilaaf iyo isqab qabsi.
Shariif Sheekh Axmed asagoo ka hadlayay xarunta baarlamaanka ee guriga Umada ayaa wuxuu sheegay in mudadii uu xafiiska joogay uu wax daban wax ka qabtay, sidoo kalana ay jireen caqabado badan oo ka horyimid dowladiisa.
Wuxuu si gaar ah ugu faanay Madaxweyne Shariif in dowladiisa ay wax ka qabatay Amaankam, Siyaasada, Dhaqaalaha, Ladagaalanka Musuqmaasuqu, sidoo kalana ay guul wayn ka gaartay dagaalada lagula jiro Al-Shabaab.
Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in loo baahanyahay howshaas dhan sii loo sii wado oo aysan u kala go’in, sidaa darteedna wuxuu balan qaaday in uu sii wadi doono hadii la doorto, isla markaana mar kale uu xafiiska ku soo laabto.
C/wali Maxamed Cali Gaas.
Wuxuu ahaa Raysal wasaarihii ugudanbeeyay ee dalka wuxuu qudbad dheer ka jeediyay xarunta baarlamaanka wuxuuna ka waramay wax qabadkiisa iyo waliba waxa haatan u qorsheesan maadaama uu yahay musharax madaxweyne.
C/wali Gaas wuxuu sheegay in xukuumadiisii ay leedahay Magaca BAD BAADO QARAN, wuxuu sheegay in ay bad baadusay dalka isla markaana wax badan ay ka badashay xaalada dalka sidii ahaa markii la dhisay xukuumadaasi ka dib.
Musharaxa Madaxweyne ee C/wali Cali Gaas wuxuu meesha ka saaray in ay jireen wax qabad asaga ka horeeyay wuxuuna xukuumadiisii ku amaanay in ay wax walba ayadu ay qabatay.
Wuxuu si gaar ah ugu faanay meel marinta Road Map-ka, iyo waliba dagaalada lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada asgoona sheegay in xukuumadiisa ay ku guuleesatay in Al-Shabaab lagala wareego magaalooyin badan oo ka tirsan Soomaaliya.
C/wali Maxamed Cali Gaas wuxuu ahaa Raysal wasaare wuxuuna xukuumadiisa ay shaqaynaysay mudo halsano ah, waxaana xafiiskaan uu yimid markii uu meesha ka baxay Raysal wasaarihii ka horeeyay, oo isku casilay qilaaf soo kala dhexgalay asaga iyo waliba madaxdii kale ee dowlada.
Maxamed C/laahi Farmaajo.
Wuxuu ahaa mar Raysal wasaarihii Soomaaliya, waxaana la magacaabay markii uu xafiiska ka tagay Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo ahaa raysal waarihii ugu horeeyay ee dowlada Madaxweyne Shariif.
Farmaajo xukuumadiisa waxay shaqaynaysay mudo Lix Bilood ah, waxaana Raysal wasaare farmaajo uu ahaa raysal waasrihii ugu horeeyay ee soo dhisaa xukuumad isku xiran oo hadana kooban sadaxdii sano ee ugu danbaysay.
Musharax Farmaajo wuxuu sheegay in xukuumadiisa Alah ka sakow ay ahayd tii ugu horaysay ee bilowday in wax la qabto oo fadhiga laga kaco, wuxuuna sgheegay markii uu imaanayay in dowlada ay heesatay qayb aad u yar oo Muqdisho ka tirsan.
Farmaajo wuxuu aad ugu amaanay xukuumadii in ay wax wayn ka qabatay, dib u dhiska ciidamada wadanka, mushaarsiinta ciidanka, Shaqaalaha Dowlada, Xildhibaanada, Daryeelka ciidanka Naafada xooga dalka, Xorayna magaalada caasimada ah ee Soomaaliya, iyo wadashaynta haydaha dowlada.
Musharaxaan baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu hor dhigay in ay labo kala doortaan taasi oo ah in ay doortaan, nin bad baadin kara dalka iyo nin bur burin kara dalka.
Salaad Cali Jeele.
Hadii Wax la soo sheegay oo nin walba is amaanay guulka uu ku faanay Musharax Salaad cali Jeelle ayaa asana dhankiisa wuxuu yiri GU’ iyo DAYR waa wayn oo GU’ anigana waxaana ahay GU’ wixii iga danbeeyay oo dhana waa DAYR.
Musharax salad Cali Jeele wuxuu sheegay xili ay adagtaya in dowladnimo la sheegto, in uu sheegtay in uu dowlad yahay isla markaana uu badbaadiyay guud ahaan wadanka oo dhan asga.
Wuxuu si gaar ah ugu Faanay xiligii uu ahaa wasiirka Gaashaandhiga in uu wax badan ka qabtay ladagaanka waxa uu ugu yeeray Aragagixisada, badbaadinta wadanka, sidoo kalana uu asagu masuul ka haa keenista ciidamada AMISOM ee wadanka.
Doorshada Madaxtinimada Soomaaliya
Waa mid haatan si aad ah indha loogu wada haayo oo la sugayo waxa ka soo bixi doona, waxaan dadka Soomaaliyeed ay iswaydiinayaan 25-musharax yaan dooranaa?
Fanaanada da’ada yare e HIBAAQ MAXAMED C/LAAHI ayaa dhahaysa.
Dadwaynow dadweyne doorshaa jirtee
Yaan yaan dooranaa.
Waan daalanayow dowladbaan rabnaa.
Duruufihii nasoomaray dad dawaynka raan dooranaynaa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho



















Waxa an doorman lahaa salaad. Sababtoo ah. Luuqad ay fahmi Karaan Somalida danyrta ah ayuu ku hadlay. Tan kale waxaa jira inaan colaadii soomaliya beeluhu wali ka he shiin oo farmaajo waxaa Wada AMA buunbuuniya hawiye oo is leh yaan. Nin kayimid putland xukun qaban. Sababtoo ah. Maamlka putland Ayaa xoog siyasd deed u noqanaya , sababta farmaajo loo rabo Waa jufadiisa oo Aan lahayn maamul taagera oo u noqdo garabkaa siyasd deed tusaale 6bilod oo xukunka uu hay ay. Xamar madhafin xataa mate gin caabudwaq oo uu ku dhashay markaa Waa hawiye oo bra inay want koda, kan daaroodkana. Ay u dooraan. Qof. U shaqeya.
Aadbaad u mahadsantahay wariye. Su’aashaada ah yaan dooranaa waxaan uga jawaabaynaa Hadeynu nahay shacabka soomaaliyeed, Faarmaajaan Dooraneynaa.
Horuu noogu doornaa hadana waan dooranaynaa.
Guuuuuuuuuuuul Farmaaaaaaaaaaaajoooooooooooooooooo
Nooooooloooow. Ma Daaaleeee, Ma daaale, Nooolooow ma daaaalooow!
Bulsho! —————–> <~~~~~~~~~~~~Bile!
Maanta maanta maaaanta Waa maalin weyne maaantaaa, Maanta maanta maaanta Madaxweyneheena maantaa.
Maanta maanta maaanta waaa Maxamed Farmaajee maantaa. Maanta maanta maaanta madaxeen bannaane maaantaaa. Guuul! Mudane Madaxweyne Farmaajo.
a/c/w/w dhamaan bahda raxanreeb iyo umada somaliyeed meel kasta aad joogtaanba salaan kadib hadaan u soolaabto yaa mudan madaxweynenimada soomaaliya waxaan is oran lahaa farmaajo ayaa mudan in madaxweyne laga dhigo maxaa yeelay 4ta nin isku mid maahan1 farmaajo waa wadani dhab ah oo dadka dalka iyo diintaba u adeegi kara 2 sheikh shariif pm yada wuxuu kahor sheegay inuu musuq maasuqa ladagaalamidoono marka sadex sano ayuu madaxweeyne ahaaye muxuu musuq maasuqa uladagaalami waayay intu ahaa madaxweeynaha mahaduu is gartay mise haduu musharaxiinta kale kamaqlay musuq maasuqaan ladagaalamayaa 3musharax cwli asagu noocba maahan xataa hal tuulo kuma aamini laheyn 4 salaad cali jeecle kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk wasiirka madadaala haloo magacaabaan dhihilahaakkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk walaahi mr jeecle is so funny he only paid the ten grand for the candidate to make more fun infront of the mps lol
Madaxweyne Shariif hasii wado kol hadii uu nasiibkiisu siiyey inuu madaxweyne ahaato markii alshabaab wadanka laga saarayey madaxweynane waxaa lagu qiimeeyaa waxqabadka dowladiisa sidaas darteed Farmaajo iyo C/wali waxey ka mid yihiin Dowladaii Madaxweyne Shariif.hadiise madaxweyne Shariif weynayo Farmaajo ayaa n dooran lahaa maxaa yeelay wuxuu helay shacbiyada umada somaliyeed oo aan qabiil laheen.
farmaajo ayaa mudan in uu madaxweyne noqdo somali oo dhan ayaa taagersan farmaajo waa wadani daacad ah farmaajo nooloow adaan ku rabnaa in aad na hogaamiso
aniga waxaan siiiyay codkeeyga mudane ama dr c/wali gaaas maxa yeelay qudbadiisa waa isoo jiidatay dhankasta waaaaaaaaaaaa madaxweynaha dalka somaliya 2012 wuu noqonkaraa wan u codeeyay (gaas)
Gaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaas deserves to be the leader!
prof.samatar ama dr.baadiyow alle ha ina waafijiyo
Guushana waxaa mudan
gobanimo ku caan baxay
geesiga farmaajee
isagaa garaaddiyo
caqli guuna yeeshoo
isagaa gardaadshoo
shacabkeenna garab galay
geesigu ma liiceee
guulayso Nabadoon
Farmaajoow gudoonkiyo
qabo gacanta shicibkoo
na hoggaami guul wade!
Na hoggaami Guuk wade!
dhamaantood ninka ugu runta sheega badan waa salaad cali jeele al sheydaan waxuu kula dagaalamay af iyo idin viva salaad
Waxaaa Mudan in ladoorto Sh Shariif Sh Axmad oo Soomaliya hadda wax badan ka badalay haddii uu xilkana sii qabto waxaan is dhihi karaa Soomaliya guul woo gaarsiin karaa insha allah
Farmaajo. Ayaa. Run sheegay intaa kale alle ka cabsiga
ayaa ku yar mihiimku. Waa fursada umada soomaliyeed
ay haystaan maalinta isniintaa ma heli doono maalin talaadada ah
hadii ilaahay dhibka naga saarayo hogaan fiican ayaan heli doonaa
maalinta isniintaa hadii aan dhibka ku sii jiraynana gaas
iyo shariif ayaa dib noogu soo noqonaya
intaan raysal wasaare gaas dooran laha waxa idhaanta salaad cali jeelle wayo waba nin karti leh abdiwali gaas maanta markuu khudbada akhriyay lamooday qof diltoogasho ah ku xukuman sida uu nervous u ahaa kkk war shikh shariif ugu shuba ama cali jeelle kolay gaas diidnay
farmaajo ayaa doodiisa run ahayd waa hadii alle u qoro balse anigu sh shariif ayaan jeclaan lahaa.
La yaab ma alahan inta aad aduunka dushiisa ku nooshahay in aad aragtid ama aad maqashid wax aad la yaabto. Waxan maanta aragnaa Raisul wasaare sheeganaya wixi madaxweynihii isaga soo doortay uusan sheegan. Waxan aragnaa Raisul wasaare aan kala garanayn Dowlad iyo Xukuumad, ma waxan dhihi karnaa aqoon uma lahan waxa uu sheeganayo? Maya wuu u leeyahay aqoon, laakiin waxa ka maqan waxa la yiraahdo”Wisdom” amaba “xikmad”. Waxan maanta aduunka ka maqalnaa dowladdo ay ka mid tahay Dowladda Ruushka oo baarlamanka ka codsanaysa in xiligga ama Termka madaxweynaha laga dhigo 5 sano halka ay iminka ka tahay 4 sano si Madaxweynuhu fursad ugu helo wax qabad muuqda oo la taaban karo. Maanta waxan Somalia ka maqlaynaa Raisul wasaare 6 bilood iyo Sanad shaqaynayay misana ku faanaya shaqo uusan isagu hormuud u ahayn. Wax qabadka Dowlad kastaahi XUMAAN iyo SAMAAN waxa iska leh cidda leh awoodda HEAD OF STATE sidda Raisul wasaare ama Madaxweyne. Tusaale, ka waran haddii Madaxweynaha Dalka Ethiopia Mr Girma uu sheegto wax uu qabtay Raisul wasaaraha dalka. Sidaas oo kale Raisul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ma sheegan karaa howl uu hormuud u yahay Mr. Mkibaki suaashu waa maya. Dowladii Alaha u naxariistee C/laahi Yusuf ayaa Prof. Geedi lagu nacay Xukuumadaydda…. Xukuumadaydda. Haddii Raisul wasaaruha sheeganaya wax qabad isaga ka horeeyay misana looga sareeyo, maxaa iminka ku qasbaya in uu u tartamo jago Madaxweyne oo hadhow raisul wasaraha uu magacaabi doono, sheegan doono wax qabadkiisa. Dowladda hadda jirta cidda hormuudka u ah misana u soo dhabar adaygay, u halgamay, ku dadaalay dhisidda iyo niyad u dhisidda ciidamadda qalabka sida, Dalacsiiyayna markii uu mushaar u waayay, isla markaana saxib ka dhigtay ciidamadda qalabka sidda watana tuutuhii uu gashtay laba sano ka hor, misana aan ka hadlaynin guushii uu gaaray oo ay sheeganayaan dadkii uu isagu soo magacaabay waa Sheikh Shariif . Xaqiiqadu waxa ay tahay in uu buuxiyay shuruudihii “the real leader” oo ay saldhi u yihiin SAMIR, DEGENAAN, AKHLAAQ, ISLA WEYNI LA,AAN, XUSHMAD DAACADNIMO. Waxan ku soo gabagabaynayaa nidaamka xagga maamulka waxaa kula xisaabtamaya cidii kuu magacawday jagadda aad heysid haddii aad raisul wasaare tahay waxa ku magacaabay Madxweynaha xumaan iyo samaan waxad la timaadid isaga ayaa qaadanaya oo waxaa la leeyahay Dowladii hebel way fahilantay ama wax bay qabatay oo la dhihi maayo Raisul wasaarihi dowladaas ayaa wax qabtay. Imisa raisul wasaare ayaa wadanka soo martay oo aan la sheegin? Muxuuse maanta cudurka madaxweyne dadka ugu wadda dhacay? Koley xubanaha baarlamanka ee codka laga doonayo wey ogyihiin cidii wax qabatay iyo cidaan wax qaban, laakiin waxoogaa dadka aan aqoonta fog lahayn waa la iska beer laxawsan karaa. Ogoowse haddaad meel walba la istaagtid xukuumadaydda iyo anigaa wax qabtay, xitaa haddii ay dhab tahay dadku wey kugu nacayaan,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
TO:XILDHIBAANADA SOOMAALIYEED:Mudanayaal iyo Marwooyin:waxaan idin oran lahaa Ilaahayna talo saarta,waxaadna doorataan nin aan dalka iyo dadka kala jarayn inta hadda is haysata,inta sii cararaysana soo jiidan kara,si ayna u kala daadan inta hadda is sheeganaysa oo isu sheegata si Fedaraalnimo ah,haddii kale wax badan baa la’israadraadin,haddii ladoorto kuwa diidan Federaalisimka in wax lagu qaybsado.
Waana in uu yahay mid isku soo jiidi kara bulshadii kala baaday,oo iswada cuntay,dawaynna kara boogaha dhiyidda u baahan,adduunkana nagu xira oo waxaa la yiri far kaliya fool ma dhaqdo,si aan ula taabaqaadno bulshooyinka horumaray ee aan ka harnay,warbalkaas inoo xula inta goori goor tahay,guuuuuuuuuuul baynu gaaridoonaaye,iskana daaya nin jelaysiga,koleeyba looxa Alle midbaa ku qoran,balse wadada toosan Alle ha’idinku duwo[[aamiin]].
Ayaanle
bro si beey wax kaaga qaldan yahiin. Madaxweynahu waa soo magacaabay raisalwasaaraha laakiin xukuumada waxa dhisay oo howsha gacan ku haya raisalwasaaraha. Madaxweynahu head of state waana ceramonial shaqadiisu iyo in uu qaabilo safiirada iyo madaxda kale ee soo booqda. Adigaa afkaaga ka qiray in madaxweynaha Eithopia sheegan karin howl uu raisalwasaaruhu qabtay hadana waad ku murmeysaa wax qabadka raisalwasaarayaasha soomaaliyeed.
Raxanreeb
fadlan caadifada hoose iyo dagaal shaanshiga waa laga fiican yahay. Ereyada aad u kala isticmaashen laba nin oo wada siman waxeey kuu muujineeysaa dhinacaad dadka wax u tuseeysaan. C/Wali waa ku faanay waxuu qabtay, Farmaajana wuu amaanay waxuu qabatay waxeey ku tuseeysaa halka eey idinka mareeyso xaglinta!!!!
hadanan u hatlo qabiil nacceeb iyo horumar la aan farmajo iyo sh.shariif hadaan u hatlo wadani nimo iyo horumar c/waligaas waxa aan sas uleeyahay waxay tahay xaqiiqada farmaajo waxmuuqda uu qabtay majiraan waxuu kufanayo waa been mr gaas nin hadal badan ma ahan ee wa nin waxqabat badan wayna muu qataa marka dandeena waxay kujir taa in aan dorano nin wadan ka iyo datka ba anfacaayo WAANA C/WALI GAAS
SCWW salan kadib war keyga oo kooban waa aan wada dhageystey meesha waxaa ugu fiicnaa oo mudan Pro Ahmed Ismail Samater iyo qor shaha uu wado oo ku dhisan cilmi hadii qabiil lagu diido
Waxaan siin lahaa Mohamed Farmaajo oo wax qabad dhab ah soo bandhigey umada somaliyeed na ay rabto hadii loogu diido harti iyo majeerteen baa la waaynayaa waxaan siin lahaa,
Abdiwali Gaas oo aan is leeyahay qudbadiisu ma xumeyn balse faroole ayaan iska xijineynaa si uusan inoo qasin dawladuna noogu shaqeyso abdiwalina waa nin wax loo sheegi karo
guuleysta reer Raxanreeb hawsha wada
the best webside raxanreeb
Ku: Puntland 4ever
Walaal adaa sidaada meel kale oga didsane Raxanreeb waxba ma haleyn. Hadii aad inta is dejisid sheydaanka iska naartid oo intaad dib u yara fikirtid Qalbi saliim ah aad ku fiirisid Qoraalka wuxuu kuugu muuqan doonaa mid iska caadi ah.
Caadifadaa badanaa keenta iyo dhabiiltanka Cadaalad darrada ah inay wax iska caadi ah khalad u muuqdaan.
kuligiin ilaaah ka cabsada qofkaad rabtaan taageera lkn naga daayta qabyaalada qofka xataa hadaad isku qabiil tihiin ku tageer mowqif iyo waxqabad ha ku tageerin qabyaalad
Farmaajo VIVA anigu waxqabadkiisa iyo qofnimadiisa ayaan ku taageerayaa
farmaajo ayaa haysta taageerada dadka ugu badan ee somaliyeed meel kasta hajoogaane
xataa reer somaliland markaad waydiiso way kuu sheegayaan in ninkaas ay taageersanyihiin
puntland 4 ever waxaad tahay waxgarad illaah hakudhowro xumaanta aad kucadeysay RR somalidana waxay kumaahmahdaa AWR NIN LEH BAA UDOOBSHA awalba RR ujeeddoodu waxay aheyd farmaajo waana inkaar-qabayaal xasadkuna kuraagay warbaahintoodana moyaane bal car hasidayeen commentigeyga
ASC dhamaantii. Raga aad sheegteen(Shariif,A/weli iyo Farmaajo) midna madoorteen kumana nacayo qabiilkood ama wax qabad la,aan inkastoo ay jirtaa dhaliilo aan u hayo laakiin waxaan nimakaa ku diidanahay xasarada ay wataan iyo sida aynu hadaynu soomaali nahay aynu ugu kala qabsanahay iyadoo caadifadi ina hagayso taasina kuma fiicna inaynu wax ku doorano caadifad wax ku diidno caadifad kalkaynu wax qabad ama mabda aynu wax ku dooran lahayn ama ku diidi lahayn.
Sidaa darteed,anigu waxaa mabda, ku dooran lahaa Ahmed Ismai Samatar. mahadsanid