Yuusuf Indha Cadde Oo Ka Hadlay Dilalka Iyo Qaraxyada Ismiidaaminta Ee Ka Bilowday Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [RBC Radio]  Yuusuf  Maxamed Siyaad Indha Cadd oo mar horey wasiiru dowlaha gaashandhiga u soo noqday ayaa caawa ka hadlay dilalka iyo weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Indha Cadde oo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadda maxaliga ee dalka ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay dilalka qorsheesan ee magaalada ka dhacay dhowrkii maalmood ee u dambeeyay, kuwaasoo lagula kacay shaqsiyaad aan xiriir la laheyn dowladda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

“ Marka hore waan cambaareenayaa dilalkaas iyo qaraxyada ka dhacay magaalada waa wax aan aad uga xunahay in dad rayid la dilo kuwaasoo aan waxbo galabsan waliba lagu gumaado maqaaxi”

Waxa uu Indha Cadde sidoo kale sheegay in hey’addaha ammaanka dowladda ay ka gaabiyeen shaqadooda oo jileec ay la soo daristay, ma dhahayo iyaga ka dambeeyay laakin waxaa ii muuqata in ay ka gaaabiyeen shaqadooda” ayuu yiri Indha Cadde oo ka mid ahaa hoggaamiyaal kooxeedkii dalka ka arriminaayay intii uu burburka jiray.

“Shaley anniga waxa aan ku tukaday madaxtooyada, marka madaxweynaha iyo madaxda dowladda waan isla joognay, waana u sheegay in la adkeeyo ammaanka dalka gaar ahaan caasimadda., marka ciidanka waxa laga rabaa in ay tobban jibaaran shaqadooda, maxaa yeelay xilli ay kasta ayey weerar ama dilal geesan kooxahaas” ayuu markale yiri Indha Cadde.

Hadalka indha Cadde ayaa ku aadaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka dhaceyn  seddaxdii maalin ee la soo dhaafay dilal qorsheesan iyo weeraro isqarixin ah, kuwaasoo ugu dambeeyay dil caawa loogu geestay degmada Waabari Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya isla markaana ahaa sodoga madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in uu noqday mid ka baxay gacanta, waayo dilal iyo weeraro ayaa ka dhacay magaalada oo ay ka baxeyn Al-Shabaab sannadkii hore, mana cadda qolyaha ay yihiin kuwa falalkaas sameenaya.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in uu la soo darsay cabsi ballaaran maadama  xildhibaankii ugu horreeyay baarlamaanka cusub caawa la dilay.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

17 Responses for “Yuusuf Indha Cadde Oo Ka Hadlay Dilalka Iyo Qaraxyada Ismiidaaminta Ee Ka Bilowday Muqdisho”

  1. [...] See the article here: Yuusuf Indha Cadde Oo Ka Hadlay Dilalka Iyo Qaraxyada Ismiidaaminta Ee Ka Bilowday Muqdisho [...]

  2. Isaga ayaaba ka dambeeya ma dhihi karnaa indha cadde qaraxyada ?

  3. hersi says:

    Inkaarta na haysata ayaa ah Indha Cadde oo gacan ku dhiigle ah ayaa taladii dalka wax ka tilmaamaya anagana noo sheegaya inuu Madaxooyada kuu soo tukaday. Bal hala weydiiyo meequu dily

  4. barakoow buloow says:

    haduusan indhacade ka danbayn ma hadli lahayn waayo waxaan maqli jiray war lagu aguma ogaynee maxaad baaankau timid lol

  5. axmed says:

    INdhacadde ,qanyare,cli mahdi,cabdiqaasin salaad,Tooxow,dagaal oogeyaasha xamar oo dhan haddi aan maxkamad shacbi ah lugu xukumin togasho sharci ah nabad sida ay ugadhalato ma jirto.

  6. Idris Malaaq says:

    Madaxtooyada yaan lagu aaminin midkan doqonka ah. yuu soo galin meel u dhow madaxtooyada.

  7. aabe nooloow
    warkaa hajiro haduu indhecade dhoofi lahaa reer mogadisho seed yeeli lahaydeen la aantiis

  8. acww
    naciimo waa runtaa indho cade waad u dadaashay mogadisho ee abti jannada gal

  9. ali says:

    kkkkkkkkkkk indha cade oo gacan ku dhiigle maba ka hadlayaa arimahaas walahi somaliya wa u dhamatay tuug kasto afkuu iska furanaa wuxuu rabo ayuu ku hadlayaaa , indha cade adigaaba xaraaan dadka ku heystee maxaa wax ka hadshaa adigaaba in lagu maxkamadeeyo u baaahan ladaro yoow qamarjiga ah shit

  10. kaaliye says:

    Soonaalidu waxaay dhahdaa ,hashu geela iyadaa cunta iyadaana cabaada.Marka Dilaaga khatarta ah, Ee Indhacaddaa ka dhigan,mishinada Xamar laga fuliyo waxaan Oran karnaa Qaayb ayuu ka Yahaay
    Qab qablahan Dadka uu ku dilaay Xamar,Afgooye,marka ,BaraawemShalanbood,JanaalenJilib,Barawe, Kismaayo,Jaawhar ,Balcad, Beledwaayne,Ceel buur,Qiyaas Maleh ,marka waa nasiib Daro inuu galo Madaxtooyada Gudaheeda,Ama uu dhaliillo Ciidanka qaranka intuu dadka shacabka ah soo laayo.

  11. Rugcadaa says:

    ninkani waa nin booli ku ilaashanya xamar oo rabin iney nabad noqoto waa ninka ka danbeyey qaraxyada oo al-shabaab u saariya marka xoolaha xaaranta ah halga baxo waa hadey nabad rabaan somaliya oo dowlad noqota waa iljeexda oo lagu caliyo goboladaii ay ka soo haymeen

  12. iftiimiye says:

    maxuu kawada madaxtoyada ayan kutukaday? midakale hadii u bakujiro indhacade madaxwee naha dat ka latali naayo madaxwenaha far baa kugodan nin kan wa in laqabtaa oo maxkamad la kee naa

  13. muna says:

    waa yaab sidee madaxweynaha isugu kaa aamiinay adiga hadii ay jirto inaad la joogtay madaxweynaha asagana waanu arki doonaa wuxuu soo gudbiyo

  14. qeylo dhaan says:

    indhacade ayaa madaxtooyada dhex fadhiya kan hada la doortay muxuu ahaa waagii maxkamadaha muxuu ahaa wakhtigii alshapaap xamar heystay su’aalahaas is weydiiya isagana waa kan la doortaye warkiisa raadiya ilaa 90kii indhacade in uu ka sii daraado maahane ka yareysan maayo.

  15. Mohamed says:

    Dhamaan dadka kasoo hadlay warkaan indha cade waxaan u fahmay dad qabyaalad ku jirto mid ayaaba iska soo qoray cabdi qaasim iyo magacyo kaloo badan inuu qabyaalad ku hadlayana waxa laga dareemaa cabdi qasim oo aan dagaal galin oo ah dowlada kali ee dagaal diiday inuu eedeyo waa iska qabyaalad cad waxan oran lahaa Soomaliyey qabyaalada iska ilaaba qaranimada fiirsha

  16. Mohamed says:

    Waxaa iga talaa in la iska ilaabo qaladadkii iyo danbiyadii ee galeen hogaamiya kooxedyadii hore oo qabyaalada la ilaabo lkn hadii dadka qaar oo qaab qabyaalad u hadlaya ee dhahan waanala dilay iyo reer hebel aa xamar heestay iyo fool xumo kale hala ogaado wali hogaamiye kooxedyadii hore sidoodi bee hubkodi u heestan awood buuxdana uleeyihin dowlad dhalatana way hor istaagi karaan marka aan hada danbiyadii hore ilowno markaan dowlad awood buuxda leh helnana qof walboo danbi laga galay kii ka galay maxkamad hala fuulo lkn dad dhan baan qabiil ahaan u eedeynaa misna awodii ee sheganayen wali leh baan ka daba hadlaa dad sii kala foges baan u arkaa

  17. qaloocow says:

    Indhacadde hadda kismaayo ayuu ku sii jeedaa ama qeyliya ama iska daayaa. Barre iyo iyo indhacadde waa hogaamiye kooxeedyo sida faroole, xasan abshir, jurille iyo dhammaan inta puntland ka taliso. marka iska daaya nin jecleysiga. ragga qaar magacyadooda markaad maqashaan waa is iloobeysiin sidee wax u jiraan. adeerayaalow waa soamli waada dambiile laakiin dambiilayaasha qaar waa halyeeyo cidda i´dinka yeeleyso u sheega.

Leave a Reply