19-Jir Noqotay Haweeneydii Ugu Da’da Yared Baarlamaanadda Africa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

19-jir reer Uganda oo noqotay gabadhii ugu da'da yareed baarlamaanda Africa

19-jir reer Uganda ah oo noqotay gabadhii ugu da’da yareed baarlamaanda Africa

Kampala (RBC Radio) Qaarada Africa waxa ay ka mid tahay meelaha aan si saaniga ah dumarka looga qeybgalin arrimaha siyaasadda.

Si kastaba, Proscovia Oromait Alengot waa 19-jir u dhalatay dalka Uganda, waxa ay noqotay gabadhii ugu horreysay ee da’daas ka mid noqoto baarlamaanka qaaradda Africa.

Dadaal ay sameesay ayaa bishan loo doortay xubin ka tirsan baarlamaanka dalka Uganda, waxa laga soo doortay degmada Katakwi  ee bariga dalka  Uganda.

Wali shaki ayuu keenay da’da ay jirto Ms. Oromait iyo in ay xitaa ka mid noqoto baarlamaanka dalka Uganda, iyadoo la baaray DNA

Ka hor inta aan loo dooron xubin baarlamaan waxa ay jecleed baarlamaanka, inta badan waxa ay waqtigeeda ku qaadatay Jaamacadda iyo dhismaha baarlamaanka.

Alengot waxa ay howashan si weyn uga soo dhex muuqatay markii uu dhintay aabaheed, Michael Oromait, oo u geeriyooday cudurka dhiigkarka, subaxnimadii Sabtida July 21,sannadkan. Waxa ay ku guuleesatay xubin baarlamaan gobalka Usuk.

Qaad ka mid ah dadka deggan xaafada ay ku nooshay Alengot  waxa ay lee yihiin waxaaba ay jecleed xubin baarlamaanka ama wasiirka waxbarashada dalka Uganda.

Wargeysyadda dalka Uganda ayaa soo xigtay qaar ka mid ah qooskeeda waxa ay lee yihiin Alengot aad ayey u rabtay in ay noqoto xubin baarlamaan markii uu dhintay aabaheed.

Waxa ay noqotay wararka ugu waaweyn ee lagu sheekeesto deeganka in 19-jir ay noqoto xubin baarlamaan dalka Uganda.

Waxa ay ku guuleesatay 54.2 % codadka la dhiibtay,

Alengot sannadkii ugu horreyhay waxa ay baratay maadada is-gaarsiinta communication Jaamacadda Christian University ee Mukono ee Kampala.

Qaar badan oo ardayda wax ka barta dalka Uganda waxa ay u arkeen tallabada ay sameesay  Ms. Alengot mid dhiiri galinaysa in dhallinyarada ay ka qeyb qaataan siyaasadda.

Uganda maanta waxa ay u dabaal degeysaa 50-guuraddii ka soo wareegtay markii ay xornimada qaatay. Wali dalka wax aka jira caburin lagu hayo mucaaradka.

RB C Radio

Xafiiska Wararka Kampala

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

2 Responses for “19-Jir Noqotay Haweeneydii Ugu Da’da Yared Baarlamaanadda Africa”

  1. Diirshe says:

    Soomalidana Gabar dhalinyaro ah dhowr iyo sodon jir ah bay u diideen inay Madaxweyne u orodo.

  2. Aadbaan ugu faraxsanahay in aan yeelannay raysulwasaare cusub oon ku meelgaar ahayn, aadbaan ugu faraxsanahay in PUNTLAND ay soo dhawayso raysulwasaaraha cusub ee madaxwayne xassan uu soo magacaabay kaasoo aan filayno inuu noqon doono ninkii soomaali u baahnayd haddaysan wadadu ka qaldamin.
    TALO SOO JEEDIN:
    DOWLADDA SOOMAALIYA:
    Talada haddaan lawadaagin wax ma saxmaan soomaali hawada tashato
    waxaan kula talinayaa madaxda cusub inay ogaadaan in dadka soomaaliyeed ay isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal.
    1. inaanay boogaha damqin.
    2. waa inay ka dheeraadaan eexda iyo nacaybka.
    3. Waa inay kadheeraadaan qabyaaladda iyo caddaalad darida, iyo
    4. Waa inay kadheeraadaan wax walba oo keenaya in halkii lajoogan sanado kahor dib loogu laabto.
    PUNTLAND:
    waxaan kula talinayaa madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee puntland inay ogaadaan in ummadda soomaaliyeed isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal u halgama sinnaanta iyo caddaaladda.
    waxaan idin oran lahaa waad ku mahadsantihiin sida aad isugu howsheen in soomaaliya ay dowlad aad ka midtihiin yeelato, waxaad ku dadaashaan
    1. puntland waxaan ka codsanaynaa inaysan soomaaliya ka go’in.
    2. in ay u dulqaataan waxwalba oo khalad ama is fahan waa ah oo uga yimaada madaxda cusub.
    3. in dowladda soomaaliya ay kala shaqeeyaan sidii dalka dib loogu dhisilahaa.
    4. in soomaalida ay ka caawiyaan in maamuladooda ay dhistaan iyagoo madaxbannaan oon lagu samayn wax faragalin ah.
    5. in ummadda soomaaliyeed ee ay dib u dajinta siiyeen ay sii hayaan lana dadaalaan.
    6. in dastuurka iyo sharciga ay il gaara ku hayaan si dalku aanu dib isugu dhexyaacin, maxaa yeelay wixii lagu heshiiyay haddii laga bayro waxbaa qaldama.
    SHACABKA SOOMAALIYEED
    Shacabow RABBI utoobad keena, kana tuuga in dal iyo dad midaysan uu nasiiyo oo barwaaqo iyo horumar ku jira inta adduunka ka dhimman.
    FG:
    Waxaan ogaysiinlahaa soomaalida arimo dhowr ah:
    B. ogaada soomaali waxa halkaa ina dhigay waa caddaalad darro aan inagu dalbanay, hadii aanan caddaaladda baadigoob ugu dhaqaaqinna sidan kama baxayno.
    T. soomaali muddo badan ayay wax inaga qaldanaayeen sidii loosixilahaana waa adkaatay, mar haddii maanta aan heshiinay helnayna dowlad aan ku meelgaar ahayn waa inaan dhowrnaa wixii soomaali ku heshiisay, ku dadaalnaa midnimo iyo isku soodhawaansho wanaagsan.
    Mahadsanidin
    ASALAMUCALAYKUM W. W. B.

Leave a Reply