Al-Shabaab oo Xalay Weeraray Saldhig Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dawlada Ku Leeyihiin Duleedka Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii xalay fiidkii dhexe dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab ay soo weerareen saldhig ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Soomaaliya ku leeyihiin duleedka degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo u muuqday mid ku-dhufoo ka dhaqaaq ah ayaa wuxuu socday qadar saacad ku dhow, waxaana dad degan degmadaasi saaka u sheegeen Raxanreeb inay maqlayeen hubka culus iyo dhawaqa rasaasta yar yar oo la isweydaarsanayo taasoo illaa saacad socotay.

“.. Abaare 9:00 fiidnimo xalay ayaan mar kaliya maqalnay qarax weyn kadibna waxaa bilawday dagaal israsaaseyn toos ah oo cabaar socotay.  illaa hal saac ayay socotay ciidamada AMISOM waxay ridayeen hub waaweyn..” sidaasi waxaa Raxanreeb saaka u sheegay mid ka mid ah dadka degan Dharkeenley.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira dad rayid ah oo ku sugnaa xaafado ku dhow saldhiga la soo weeraray oo ku yaalla agagaarka isgoyska Xoosh oo ka tirsan degmada Dharkenleey.

Ma jirto wax war ah oo saraakiisha AMISOM iyo kuwa dawlada ka soo saareen weerarka xalay lagu soo qaaday saldhigaasi.  Ururka Al-Shabaab ayaan iyaguna ka hadlin.

Xaalada ayaa saaka degan sida dadka degmada oo aan la hadalnay ay sheegayaan.

Weerarkan wuxuu dhacay waxyar kadib markii maqribkii shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaway raysul wasaaraha cusub ee dalka oo loo magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Dhanka kale abaanduulaha ciidamada Xooga Dalka Gen C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan ayaa sheegay in hawlgal shalay ay qaadeen ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay ku gaareen duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose oo qiyaastii 90-km u jirta Muqdisho halkaasoo ay horey u heysteen Al-Shabaab.

 

 

RBC Radio

Share

Leave a Reply