Al-Shabab Oo Mamnuucday Hay’adda Islamic Relief
Nairobi (RBC Radio) Xarakadda Al-Shabaab ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay goobaha ay maamusho ka mamnuucday hay’adda samafalka ee Islamic Relief.
Hey’addan oo xarunteedu tahay dalka Ingiriiska ayaa waxa ay ahayd hey’addii kaliye ee ka shaqeyn jirtay gobalada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya .
Al-Shabaab ay ku eedesay Islamic Releif in ay ka hor timaaday sharciyo ay u dejisya hey’addaha gargaarka ee ka howgala goobaya ay maamusho.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in sidaas dardeed ay kalsoonida kala laabteyn hey’adda Islamic Relief, sida lagu shaaciyay warkaas barta Al-Shabaab ay ku lee dahay Tweeter-ka.
Waxa intaas lagu daray Qoraalka al-Shabab in la ogaadya hay’adda Islamic Relief in qaab qarsoodi ah ula shaqeyso qaar ka mid ah hey’addo horrey loo mamnuucay, sida WFP.
Ma ahan markii ugu horreysay ee Al-Shabaab ka mamnuucdo goobaha ay ka arrimiso hey’addaha gargaarka ee ka howgala dalka Soomaaliya, horrey ayaa dhowr hey’addood uga mamnuucday Soomaaliya sida WFP, WHO iyo kuwa kale oo badan
Al-Shabaab hadda dhul badan ayaa laga qabsaday, oo ku yaalla Konfurta iyo bartamaha Soomaaliya, oo ay ugu dambeesay magaalada dekadda leh ee Kismaayo, halkaasoo dhaqaale badan uu ka soo gali jiray.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












[...] Link: Al-Shabab Oo Mamnuucday Hay’adda Islamic Relief [...]
waa sax waxii haayado ah waa in lala xisabtamo weeye.
puntland hay’addo badan ayaa ka furun,Somali land sidoo kale markaa waa in lala xisaabtama oo ay dowladaha hoos tagaan.lacagaha ay donors -ku ay bixiyaan o ay u soo mariyaan hay’addaha 50% ayey dad ki logu talagay gaaran 50 % kalena shaqalaha hay’adda ayaa ku takri fala !too much salary less work ayey ka dhigaan. African relief fun ,dekonia,relief international.iom, Islamic relief,PDRC iyo kuwa kale oo fara badan.
[...] (RBC Radio) Kaddib markii maanta Al-Shabaab ay shaacisay in ka mamnuucday goobaha ay ka arrimiso hey’adda samafalka ee Islamic Relief, ayaa warkaas waxa ka jawaabay [...]