Arooryo Roob Kacay. W/Q Dr. Saciid Ciise Maxamud


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Arooryo Roob Kacay
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka
saciidciise258@aol.com
Oktoobar 04 2012

Dr. Saciid Ciise Maxamud Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

Soomaalida meelkasta oo ay joogto waxaa niyad wanaagsan geliya oo rajo raxmad badan ku abuura qalbigooda roobka oo u da’. Waxaana niyadxumo weyn ku abuura marka ay saxansada roobka dareenkooda geliyaan oo ay arkaan caad badan oo korkooda ka curtay, haddana aan u di’in oo aysan ku diirsan roobkiisa. Soomaalidu waxey waayoaragnimo ka dhaxashay in hogosha kacda waabariga aysan inta badan noqon mid la helo roobka ay sido.

Wakhtiga uu dhaco isbedel siyaasadeed, shacabku wuxuu ka rajo dhiga waxqabadka madaxdii hore, waxeyna ku qancaan riditaankooda iyo iney xilka ka tagaan iyagoon la rabin. Waxey Shacabku soo dhaweynayaan rajada wanaagsan oo ay u qabaan madaxda cusub oo weliba si xiiso leh oo ay u wehliso jacayl xoogan oo ay ku muujinayaan dareenkooda rabitaaanka ay u qabaan madaxdaas cusub.

Soomaalida waxey dhowaan aragtay madaxweyne si kal iyo laaba loo doortay, waxeyna mudanahaas ka sugeysey dhismaha dowlad Soomaaliyeed. Waxey shacabku ka sugayaan madaxweynahooda in si dhaqso leh uu gudaha iyo dibeda uu uga soo dhiso dowladnimada Soomaaliyeed. Haddii dowladu ay dib ugu noqoto mariinka wadatashiga ku dhisnaa nidaamka qabyaalada, haddii dowladu ay isku mashquuliso wadaxaajoodka ku dhisan hogaamiyeyaasha koox dimeedka, haddii dowladu ay ganacsatada dembiileyaasha ah ay dowladnimada kala tashato, waxey keeneysa arrimahaas in shacabku ka rajo dhigo waxtarka laga sugayo dowlada mustaqbalka dhow. Waxeyna dadaaladaas wakhti dhumiska ah ay la mid noqoneysa waaberi roob curtay.

Waxaa dhab ah in dowladnimo Soomaaliyeed ay u baahan tahay maanta madaxweyne wakhtigiisa inta badan geliya ka shaqeynta curinta siyaasado dib loogu howlgelinayo shaqeynta hayadaha dowlada iyo abuurista saaxiibo shisheeye oo wadanka ku soo kordhiya abuuris shaqo iyo tababar waxbarasho. Adeegyada uu shacabka u baahan yahay ayaa muhiim ah in madaxda dowladu ay isku mashquuliso tabagelintooda, kuwaas oo u baahan in si cadaald leh dib loogu howlgeliyo aqoonyahanka dalka oo koox dimeed iyo qabyaalada aan ku imaan.

Waxey taloxumo ka muuqata xeelada uu madaxweynuhu ku doonayo dhismaha dowlada, xasilinta amniga dalka iyo qaabka uu u hagaajinayo xiriirka caalamka. Wadada uu u marayo dhaqangelinta umuurahaas waa mid dheere oo furfur gelineysaa dadaalda iyo xiisaha loo qabo waxqabadka dowlada. Waxaa muuqata in madaxweynaha cusub uu raaci doono wadadii ay ka baxeen dowladii ugu horeysey ee rayidka ahayd iyo tii lagu soo dhisay Carta. Hogaamiyeyashii dowladahaas kala hogaaminayey waxey ahayeen kuwo go’doon ah oo qolka xaafiiskooda ku xabisnaa.

Waxaa hadda bilowmaya walaac laga qabo hogaaminta madaxweynaha cusub, taas oo salka ku heysa go’aan qadashadiisa oo ah mid culus oo jiitameysa iyo xiriirxumada kala dhexeysa aqoonyahanka aan ka tirsaneyn kooxdiisa ku gadaaman. Waxaa suurtogal ah in madaxweynahan uu xilkiisa ku dhameysto isagoon waxna dhibin waxna tarin sida hogaamiyeyaasha labada dowladood oo aan kor ku soo xusay. Waxaa laga yaaba inuusan khilaaf keenin, heshiisyo nuxur lehna uusan abuurin. Waxaa laga yaaba inuu ku mashquulo Carab, shiikyadooduna ay ka jeestaan.

Waxaa xusid mudan dagaalka ka dhacay Kismaayo inuu muujiyey hogaanxumida madaxweynaha cusub. Kenya iyada oo aan la tashan Soomaalida ayey ogolaansho siisay iney soo galaan Soomaaliya oo dagaalkaas ay ka soo qeybgalaan ciidamada cirka, bada, iyo sirdoonka wadamada Israil, France, USA iyo wadamo kale. Waxaa marka la isweydiinayaa in Soomaliya wadankasta ay u furan tahay si ay ula dagaalamaan cidii ay doonaan ama ay u arkaan iney ka soo horjeedo danahooda. Wadanka waxaa ogolaansho ku yimid ciidamada Afrikaanka oo ay tahay iney gacan siiyaan ciidamada Soomaalida si ay ula dagaalamaan mucaaradka hubeysan oo hagjirka ah. Soo gelitaanka ciidan kale iney ka dagaalamaan gudaha Soomaaliya waa mid xadgudub ku ah qaranimada iyo Soomaalinimada.

Waxaa mudanahaas intaas u dheer inuusan u diyaarsaneyn qorshihii uu ku hogaamin lahaa dowlada Soomaaliyeed, taasna waxaa cadeyn u ah iskadabawareega ay ku qaadatay inuu soo magacaabo wasiirka kowaad. Musharax kasta ee u taagan qabashada xilka madaxweynenimada waxaa qasaba inuu horay u dejiyey qorshayaashiisa uu ku dhaqaaqayo haddii xilkaas loo doorto. Ma muuqato mana jirto qorshayaal degsan oo howsha dowladnimada lagu hogaaminayo. Waxaa soo baxeysa dibudhac balaaran oo dhinac kasta ka imaanaysa iyo in dib loogu noqdo marxaladihii siyaasadeed oo shacabka ku reebay rajobeelka. Ilaa iyo hadda waxaa shaqeyneysa dowladii Sheekh Shariif, waxeyna la’ yihiin cid ay xilka ku wareejiyaan oo maamulka dalka kala wareegta.

Shacabka Soomaaliyeed hal mar ayuu nasiib u helay shaqsi lagu tilmaami karo hogaamiye, kaas oo adeega aasaasiga bulshada geeyey degaan walba oo ka tirsan Dhulka Soomaaliya, haddana u abuuray xirriir caalamiya oo Soomaalidu ay sharaf caalamka ugu soo intifaacday, kaas wuxuu ahaa hogaamiyihi milateri ee kelitaliska ahaa, wadankana soo geliyey nidaamka shuuciyada. Dowlada cusub kama soo socoto hogaan wanaagsan oo ummadda u horseeda dibudhis guud, waxaase aan shaki ku jirin in shacabka soomaaliyeed ay dhowaan garawsadaan in rajadii xooga lahayd ay meesha ka sii baxeyso, dadkuna ay dib u soo bilaabi doonaan raadinta ay ku baadi goobayaan hogaamiye wanaagsan oo afar sanno kadib bedela madaxweynaha wixii laga filayeey looga hungoobey.

 

Dr. Saciid Ciise Maxamud

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

saciidciise258@aol.com

 

Share

Tags: ,

2 Responses for “Arooryo Roob Kacay. W/Q Dr. Saciid Ciise Maxamud”

  1. digniinow says:

    Asalamocaleykom wr bwr qoraalka waa ku mahadsanyahay walaalka ah dr Ciise laakn waxan oran lahaa soomaalida inta ay webabkaan wax ku qorayaan ma xuma laakin ma isku dayday dr Ciisow inaad fakarkan ula tagtid madexweynah,Madxweynah ummadda soomaaliyed ma isku dayayaa in uu qaato talooyinka saliimka ah haddii loo soo jeediyo,Waxan oran lahaa inta meelahn wax looga sheegi laa madaxda dalka ha loo tago ahaan la garab galo, waxan la yaabay dadka ka hadlaya sooaaliya wax asoo gaaly ciidan aan sharci aheyn, yaa akhii dr waxab wadaa dr, machallah, haddan , waxan ula jeeda dal aan hore inagu duminay ma qar ka tuurnay ba manata la leeyahay wa la soo galay sharci daro DR waxan ku weydiiyey nin weyn ba iigu muuqata ma ku hamisay in kenya ay maanta dalka soo gasho, waayo markaa naloo eego heerka ana ka gaarney ciidan iyo cudud ma aysna ka gaarin, Taas waxa cunay waa awoodeeniiye midnimadii oo la waayey, ee mdinimo ha la raadiyo, madaxweyna waxan oran lahaa sida walaalka sheegay ha la tashin kuwii dalka heerkaa uu manata marayo gaarsiiyey kuna burburiyey qabyaalad go,aan a qaado soo dhistanka Wasiirka 1aad, Madaxwena yeelo waxa la yiraahdo ama quranka ku taal BIDHAAN SAALIAXA wa la taliyo wanaagsan, waxan sameysan jiray dadkii rasuulku scw, uu ka dardaarmay in lagu daydo waa sida cumar dc, ha sameysna mid reer hebel kugla taliyo hore markoda sameyso mid kaala taliyo qaranimo dal jecelyl dad jaceyl horomar, DR waxan oran lahaa waqti ha la siiyo madaxweynaha yaan lagu radin webka ha lo tago hadad ka mid tahay kuwa ah Bidhaana saalix u tag wax u sheeg, aswr

  2. gundid says:

    Dr: siciid si fiican baan u garanayaa oo daris baanu nahay, caruurtiisana jamacad ayaan isla dhigan jirnay, wuxuu yahayna asaga unbaa isku ah lakin Ninkan qoraalkiisa hal arin ayaan uga soo horjeedaa, taasna waa arinta ciidamada shisheeyaha. Ciidamada shisheeyaha Somali oo dhan iskuma raacin in eey wadanka soo galaan, wuxuu tilmaamay in ciidamada Ugandha, Burandi eey ogolaansho ka heeystaan Dowlada iyo Shacabka meesha uusanba xusin Ciidamada Itopiya oo ilaa hada iska dhex fadhiya Hiiraan,Baydhabo iyo Gal-gaduud. Wuxuu daleeceeyay ciidamada Kenya oo uu xusay in dowlada iyo shacabka somaliyeed eeysan ogoleeyn. Hadaba shacabka juboyinka weey ogolyihiin ciidamada kenya in eey ka xoreeyaan Shayaadhiinta kor saarneeyd ee lagu fiirsanayay, Dowladuna shacabka rabitaankiisa waa in eey ku shaqeeysaa maadaama dowladu Fedraal tahay. Beelaha xamar daga laba wajinimo, qas iyo musiiba ayeey wadaan. Ciidamada itopiya, uganda iyo burandi wax lagama sheego lakin kuwa kenya subax kasto afka ayaa lagu hayaa. Arintani waa caqligii 20 sano oo dagaal sokeeya ah nagu kaliftay ee qof kasto xaqiisa haloo ogolaado, dowladuna cadaalad ha u horseedo shacabka somaliyeed hadii kale waa jug oo meeshaada joog. Madaxweeynaha markuu tagay beledweeyne wuxuu ku hadlay labo hadal oo la’yaab leh…1- wuxuu yiri asagoo ka hadlaya maamul u sameeynta beledweeyne in shacabka, ciidanka, odayada iyo siyaasiyiinta eey sameeystaan maamul u gaar ah oo hoos yimaada dowlada, dowladuna eey gacan ka siineeyso arintaas, waa hadal macquul ah oo laga rabay madxweeyne in uu ku hadlo…2- markii uu soo hadal qaaday jubaland wuxuu yiri cid aan dowlada ka eheeyn maamul uma sameeyneeyso, cidii sameesana lagama aqbali doona, hadaba beledweeyne xaqa loo ogolaaday maxaa loogu diiday jubaland, meeshaas maxaa ka muuqda somaliyeey, soo laba wajinimo, qabyalad iyo dulmi ma’aha in beledweeyne eey iskooda maamul u sameeystaan meesha jubaland loo diidanyahay in eey iskeeda u sameeysato. hadaba anigu waxaan leeyahay Dumarka ayaa iska hadla, Raguna weey ficiltamaan, Jubaland Rag baa la yimid ficil, Kuwa kalena ha iska hadlaan sidii dumarka lakin hadal aan waxba ku tareeynin xiliga colaada, marka naduna timaada xujo kugu noqda waa laga digtoonaadaa.

Leave a Reply