Baaq Nabadeed & Talo Soo Jeedin ay soo Jediyeen Jaaliyda Jubooyin Beelaha Absame & Adeerkood ee Wadanka Findland
Waxaa magaalada Helsinki ee caasimada wadanka Finland shir weyn isugu yimid jaaliyadda Jubbooyinka Beelaha Absame iyo Adeerkood ee ku nool wadanka Finland. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay odayaal, aqoon-yahano, haween, iyo dhalinyaro ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka ee wadanka Soomaaliya.
Ajendaha shirka ayaa ahaa isbedeka ka dhacay gobollada Jubbooyinka. Ajendaha shirka ayey xubnaha jaaliyaddu aad uga doodeen, isla markaana aad loo jeex-jeexay. Wada-hadal dheer iyo kala war-qaadasho ka dib, waxay jaaliyaddu soo saartay taageero iyo baaqan hoos ku xusan.
Ugu horeyn Jaaliyaddu waxay taageero u diraysaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, kuwa Raaskambooniyiinta iyo ciidamada milateriga wadanka Kenya oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM guulaha ay ka gaareen gobolladda Jubbooyinka iyo xoreynta magaaladda Kismaayo. Jaaliyaddu waxay ciidamadda hawl-galkaas ka qeyb-qaatay ay ku dhiiri-gelinaysaa in meelaha ku haray gacanta cadowga, ay ka xoreeyaan, isla markaana ay sugaan amaanka guud ee gobolladaas si nabad iyo horumar loo gaadho.
Sidoo kale, jaaliyadda beelaha Absame iyo Adeerkood ee wadanka Finland waxay taageeraysaa wada-hadalladda ka socda magaaladda Nairobi, Kenya ee maamulka loogu sameynayo beelaha soomaaliyeed ee wada dega gobollada Jubooyinka.Waxay jaaliyaddu masuuliyiinta arrimahaas gacanta ku haya ugu baaqaysaa in la ilaaliyo midnimadda, lana soo dhiso maamul metala dhamaan beelaha gobolladaJubbooyinka.
TALO SOO JEEDIN
Jaaliyaddu waxay umadda Soomaaliyeed talo ahaan ugu soo jeedinaysaa in laga wada shaqeeyo soo celinta sumcadii iyo sharaftii Soomaalinimo ee umadda ka maqneyd mudada fog..
Jaaliyaddu waxay soo jeedinaysaa qodobadan.
Jaaliyaddu waxaa ku baaqaysaa in dhamaan dadka Soomaaliyeed ay ka fogaadaan xumaanta iyo qabyaaladda.
Jaaliyaddu waxay ku baaqeysaa in la ilaaliyo xaq-u-lahaanshaha Dastuurka Federalka Qaranka Soomaaliyeed uu dhigayo ee ogolaanaya dhismaha maamulladda gobollada. Sidoo kale, Jaaliyaddu waxay ku baaqeysaa in deegaanada Jubbooyinka laga daayo kala faquuqa. Jaaliyaddu waxay ka xun tahay hadallo ka soo baxay siyaasiyiin iyo dad wax-garad isku sheegaya oo tibaaxaya in deegaanada qaar ay xaq u leeyihiin in maamul ay sameystaan, halka shacabka gobollada Jubooyinka la leeyahay dowladda dhexe ayaa maamul u sameynaysa” Arintan ayaa ah mid cadaalad darro iyo kala eexasho ah.
Jaaliyaddu waxay dhamaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in gobolladda Jubbooyinka laga daayo gacan bidixeynta, hujuunka iyo weerarka kaga imanaya siyaasiyiinta dowlada qaarkood iyo dad isku sheegaya wax-garad.
Jaaliyaddu waxay dhamaan siyaasiyiinta arrimahaas ka hadlaysa ugu baaqaysaa in ay u hadlaan si masuuliyad leh, kana fogaadaan xad-gudubka shacabka gobolladaas wada-dega, kuwaas oo si gooni ah ay kooxda Al-shabaab dhibaatooyin ugu hayeen.
Jaaliyaddu waxay dadka ka soo jeedda gobolladda Jubbooyinka ugu baaqaysaa in gacmaha ay is qabsadaan, kana fogaadaan wax walba oo colaad iyo kala qeybsanaan horseedi kara.
DIGNIIN
Jaaliyaddu waxay ka digeysaa wararka ka soo ifbaxaya warbaahinta qaarkood, laguna doonayo in lagu kala dhantaalo nabadda Goboladda Jubooyinka, iyadoo dadka lagu khaldayo qabyaalad siyaasadeysan.
Jaaliyaddu waxay saxaafadda uga digeysaa in umadda Soomaaliyeed aan la sii kala fogeynin, lana abuurin colaad hor leh. Taas badelkeeda saxaafadda waxaa loogu baaqayaa in ay umadda u soo gudbiyaan war hufan oo runta ku qotoma, iskana ilaaliyaan wixii dhibaato horseedi kara.
Jaaliyaddu waxay sidoo kale siyaasiyiinta Soomaaliyeed uga digaysaa inaysan danahooda siyaasadeed u adeegsanin ka hadalka arrimaha Jubbooyinka oo aysan hurunin colaad iyo kala fogaansho.
Jaaliyaddu waxay geba-gebadii u mahad-celineysaa warbaahinta sida runta ah uga soo waranta arrimaha Soomaaliya, waxayna ku boorineysaa sii wadida soo gudbinta akhbaarta runta ah.
Jaaliyadda Jubbooyinka Beelaha Absame Iyo Adeerkood Finland
Abdullahi Hussein
buraale8@hotmail.com
Tel: 358-468456263 (Cell phone)












waa siyaasad cusub oo xaqdaro u dirir ah markaad leedihiin Absame iyo Adeerkood kumuu ahaa Adeerkood, jubooyinka waa in laga ilaaliyaa nimanka koytida ku ah oo raba inay dadka xoog ku maamulaay waalayaqaan dadka daga jubooyinka ee yaan lagu khaldamin gumaysiga cusub ee dawladaha dariskaa ay wadaan oo rabaan in soomaaliya lagaliy, waxa lagu soodhisayo kenya waa khido cusub oo gumaysi waa inaysan soomaalidu guud ahaan iyo dadka jubooyinku ka raaliy noqon wax lagusoo dhisay kenya, waa in dadka dhaladkaa ee jubooyinku ay isu yimaadaan ayna aayahooda ka tashadaan, dadka dibadaha ka qalaadaya uma hayaan waxaan ahayn gumaysi kalkaal ee yaan lamaqal qalaadkooda iyo boor iku qarintooda.
WALEE KENYA WAXBA KUUMA GASHO,WAXA AAD WADIIN WAA DAGAAL MA HURTA,RAGII GOBALADA DHEXE AYAAD CAYAAR IYO SACAB U BILAABEYSAAN ,HADDII AAD KAKUMA KA SOO SOKEYSAAN RAG MA NIHIN
Adeerkood maad dhameestirtid Somalida kula taqaanee.
Harti Miyaa?
Su,aasha waxay tahay absame iyo sdeerkood oo kaliya maa dego jubbaland.
aaway dadkii u badnaay oo meesha dago.
DAD badan ayaa kibray laakiin waxaa la maqli doonaa hadal si kale loo dhahaayo.
maalin kalena war kale ayaa la maqlaa ,wati dhow ama waqti dheer.