Bandow Saaka Ka Jira Beledweyne
Beledweyn (RBC Radio) Wararka saaka naga soo gaarayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiran, ayaa sheegaya in saaka magaalada ay ka jirto xaalad bandow ah, taasoo ka dhalatay markii xaley guri ku yaalla halkaas uu isku qarxiyay ruus isoo miidaamiyay.
Sida ay sheegayaan dadka ku sugan magaalada, waxa xiran gabi ahaan goobaha ganacsiga magaalada, waxana gaaf wareegaya magaalada ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ilaa hadda ma jirto wax faah-faahin ah oo laga helaayo qaraxa xaley ka dhacay magaalada, laakin waxa la sheegayaa in uu jiro khasaaro.
Dhaq-dhaqaaqa magaalada ayaa aad u yer, waxana dadka ay ka cabsi qabaan in ciidanka ay baaritaano ka sameeyaan xaafadaha.
Magaalada waxa dhawaan ka dhacday fatahaad, taasoo sababtay dhismasho iyo barakac xooggan, wali qaar ka mid ah dadkii ku barakacay fatahaada, ayaa la sheegayaa in weli ay ku sugan yihiin meelaha buuraha.
Magaalada dhawaan waxa gaaray hey’addo QM ka socda, kuwaasoo soo arkay inta ay la egtahay khasaaraha ka dhashay fatahaada Wabiga Shabeelle, kaddi markii roobab mahiigan ah ay ka da’een halkaas.
Magaalada waxa ku sugan ciidamada Djabuti oo qeyb ka ah howgalka AMISOM, iyo kuwa Ethiopia, kuwaasoo dagaallo kula jira Al-Shabaab.
Magaalada horrey ayaa bandow maalintii uu uga jiray, waayo dhaq-dhaqaaqa aad ayuu u yaraa, marka ciidamada Ethiopia ay doonayaan in ay biyo soo dhansadaan, gabi ahaan waxa la xiraa wadooyinka magaalada, waa la hakiyaa dhaqdhaqaaqa dadka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] Read More: Bandow Saaka Ka Jira Beledweyne [...]