Beelweynta Harti oo Baaq Kasoo Saaray Arimaha Jubooyinka [Akhriso]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Taariikhdu markay ahayd 29/09/2012 shir ka dhacay hoolka shirarka ee jaamiya mall loo ay ka soo qayb galeen isimo, nabadoono, siyaasiyiin,aqoonyahano,saraakiil iyo waxgarad ka soo jeeda beesha harti, oo lagaga tashanayey sidii midnomo loogu wajihilahaa is bedelada siyaasadeed ee wadanku gudagalay, isla markaana looga hortegilahaa cidkasta oo caqabad ku ah midnimada isku duubnida iyo masiirka beesha harti.

Shirkaas oo socdey mude sideed saacadood ah oo laga soo jeediyey warbixino dhinacya badan taabanaya waxaa ka soo baxay qodobadan soo socda:

1: Beeshu waxay hanbalyo u direysaa,taageereysaana ciidamada dawladda federaalka soomaaliya iyo ciidamada dawlada kenya oo qayb ka ah ciidamada Amisom hawlgalada ay ka wadaan gobolada jubboyinka,gaar ahaan qabashada magaala xeebeeda kismayo.

2: Beeshu waxay digniin u soo jeedineysaa cidkasta oo isku dayda in ay magaca beesha harti ku carqaladayso habsami u socodka shirka dib-u-heshiisiinta iyo awood qaybsiga ee Nairobi uga socda beelaha wada dega gobolada jubbooyinka.

3: Beeshu waxay u xaqiijineysaa, DAWLADA KENYA,IGAD,BEESHA CAALAMKA IYO BEELAHA SOOMAALIYEED EE DANTA IYO DEGAANKU NAGA DHEXEEYO, Sidaad wada ogtihiin Harti waa qabiil balaaran oo leh isimo, nabadoono, siyaasiyiin,aqoonyahano iyo gudiya u dhisan oo ka taliya masiirkooda talada hartina ay ka go’do, Sidaa darted beeshu waxay ka cudur daaraneysaa inaan taladooda iyo masiirkooda la marin habaabin.

Sidoo kale waxaan mar laabaad idiin xaqiijineynaa in talada beesha harti ka go,do Guddiga liiskaan ku qoran oo uu gudoomiyaha u yahay Maxamad Xaaji Jaamac,Guddigaas oo isugu jira dhaqan, siyaasiyiin, aqoon yahano iyo wax garad beeshu ay dooratay.

LIISKA GUDIGA MARJACA EE AY KA GO’DO TALADA BEESHA HARTI EE GOBOLADDA JUBOOYINKA

1. Maxamad Xaaji Jaamac Guddoomiyaha Guddga
2. Cabdiraxmaan Maxamad Jibriil Gudoomiye Ku-xigeen
3. Xildhiban Xaaji Cabdi YARE Xubin
4. Maxamad Xasan shakuur Xubin
5. Cabdullaahi Muusa Xay Xubin
6. Maxamad Abshir Walde Xubin
7. Cabdisalaan Xandule Xubin
8. Maxamad Haruun Maxamud Xubin
9. Xaaji Xasan Hilaale Xubin
10. Hiirad Ismaciil Maxamad Xubin
11. Bashiir Ciisa Cali Xubin
12. Mursal Maxamad Xasan Xubin
13. Faarax Ileeye Warsame Xubin
14. Xasan Guuleed Cabdalle Xubin
15. Maxamad Cumar Maalin Xubin

LIISKA SAXIIXAYAASHA BAAQA

1. Mr Xaamud Maxamad Xuseen G/Kuxigenka Golaha Guurtida Beesha Kablalax
2. Dr Maxamad Axmad Mustaf Gudoomiyaha Jaaliyada Harti ee Bariga Africa
3. Axmed Siraad Baqow Nabadoon
4. Maxamud Cali Samantar Ganacsade
5. Cali Warsame Jama
6. Nur Hirsi Maxamed Nabadoon
7. Axmed Cabdirisaq Handal
8. Gaashaanle Sare, Cabdirisaq Maxamud Yusuf (Afguduud)
9. Aadan Ciise Ali
10. Maxamed Ibrahim Maxamed
11. Mukhtaar Aadan Yusuf
12. Maxamed Haaruun Maxamuud
13. Hiirad Ismaaciil Maxamed
14. Cabdullahi Xasan Maxamed
15. Cali Magan Ducaale
16. Daahir Xasan Sooyaan
17. Cabdullahi Khalif Saleeban
18. Cabdiwahid Cabdi Xaashi Nabadoon
19. Faarax Ileeye Warsame
20. Cabdidaahir Cilmi Cali
21. Maxamed Cumar Maalin
22. Sheekh Muxumed Yusuf Hasan
23. Cabdi Axmed Ciyaale
24. Aadan Ciise Cali
25. Yaasin Cabdisalan Yusuf
26. Cabdirisaaq Axmed Yusuf Carab
27. Cabdullahi Maxamed Ahmed Xineeste
28. Cabdullahi Axmed Geele
29. Ibrahim Maxamed Yusuf
30. Dr Cabdulqaadir Maxamed Nur
31. Cabdirisaaq Maxamed Faarax
32. Cabdiqani Cabdiqaadir Daahir
33. Haykal Haaji Daahir
34. Axmed Caraale Jama
35. Xaliimo Maxamed Xirsi
36. Ibrahim Sheekh Maxamuud Mire
37. Axmed Caraale Jaamac

Waxaa Raxanreeb.com Baaqaan soo Gaarsiiyey
Abdifitah Hamid Mohamad
xaamid4@hotmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

46 Responses for “Beelweynta Harti oo Baaq Kasoo Saaray Arimaha Jubooyinka [Akhriso]”

  1. abdulgani says:

    kkkkk markay dan ay leyihn timado ayay dhahan ta lagu kala tag yan bab urka cusubi idinka buuxsamin ban idin oranlahaa

  2. [...] View article: Beelweynta Harti oo Baaq Kasoo Saaray Arimaha Jubooyinka [Akhriso] [...]

  3. Diirshe says:

    Maansha Allah waa arrin aan soo dhoweynayo.

  4. Ok hore u socda lkn cidna marti ha.ugu noqonina arrimaha kismanyo kenya xattaa

  5. Geedi says:

    waa arrin fiican ilaahay khayr ha ka dhigo wax garad fara badan ayaa isu tagay waxaan filayaa inay positive result ay ka soo baxday waana wax lagu farxo maamulka laga samaynayo JUBBOOYINKA iyo GEDO(JUBBALAND OF STATE)
    Waxaan aad ugu faraxsanay beelweynta oo isu timaada waxaanna hubaa inay dawlad iyo maaul dhab ah dhisi karaan sidii tii PUNTLAND lagu dhisay oo kale ayna qaeyb ka ahaayeen beelaha kale ee deegaanka dega.
    waxaan kaloo aad u jeclaan lahaa inay beesha isu timaado sidan oo kale mowqif adag oo wax tar leh na ay ka qaataan arrimaha jubbooyinka.

  6. prof piccolo says:

    kuwani cid ay matalaan majirto waa xukun doon marka yay ku qaraban magca nin inuu sheegto waa laga fiican yahey ee bay ka go’daa talda halga tashado

  7. Kilwe says:

    waa hayb sare oo hoos u kala bax baxday kana tagtay markaa maaha maantoo Qaranimo Somaliyeed la raadinayo in dad gaar ah ay awrkooda ku kacsadaan sidii caadada ahayd “Tolla’ay yaa ” Sheekadaa waa hore ayaa laga gudbay ama Shekadaa Eey aa Cunay waa halkee reer Xamarkee.

    Arinta Kismaayo Dawladda Somaliyeed ayey u taallaa iyada ayaa looga fadhiyaa inay u samayso Maamul cadaalad ku dhisan oo laga wado qayb geliyey dhamaan Qabaa’ilka dega Degmada Kismaayo iyo guud ahaan G/Jubadda Hoose.

  8. Somalijecel says:

    kkkkk qof ma kaga dhintay xoreynta jubooyinka?MAYA MAYA MAYA ankee qof kama dhaawacnim.Cajiib maanta maxaa soo nooleeyay?CAJIIB ayaa isbahaysi been ah la rabaa in colaad lagu galiyo?Dhulkan ayaan dhib iyo fidno loo horseedin hala digtoonaado xaaladda kismaayo waa arrin dhibkeeda leh horey u kala dishay maantana la rabo in dib loosoo nooleeyo dhibkii kala gaaray ee ragga qaar halkaan ku qoran ay sal u ahaayeen tolow waa iga talo nabad ayaa naaso la nuugo leh,tolow waa iga talo haddii degaanada qaar lala jeclaado nabad inta kalena waa xaq in lala jeclaado isnahaysiga aan micno samaynay halaga joogo iyo waa lagu kala tagay,maxaa micno ah oo ay hadda samayansaa?

  9. jilbis says:

    Waa war wanaagsan

  10. Maxamuud says:

    Asc dhamaan dadkan meesha Aad soo galiseen
    Qaar ka mid ah Ayaad been ka sheegaysaa iska hubiya waa ceeb in qof Aan shirkaas ka Qayb galin Aad magaciisa xumaysaan waayo
    Heshiis ah ma jiro yaan dadka been loo sheegin meel uu wada fadhiyo Ayaa lagu heshiisiin karaa

  11. Mursal ahmed says:

    Nathing wax ay yihiin majirto dhul aysan lahayn ayey ku haminayaan war isla yaaba oo puntland ha idinku filnaato jubada hoose kaliye ayeysan ku filnayn iskabadaa oo boqolkiiba 1 u ogolnahay, iyo meeshii lagu arko hala laayo waa shabaabe.

  12. nabadon says:

    Maamulkii waqooyi bari wuu baaba,ay oo siyaasad xumada madaxweyne Faroole ayaa kala dirtey ee sidee buu jubooyinka u shaqeynayaa

  13. daacad says:

    sheekooy ku nacay sheekadii dhamaatay waa hor faroole waa waasheeen hadaad wax ugu qabaneeysaan aaaway laascanood maad wax u qabataan sheeko dhamaatay been been waxaas waa habar dhali weeyday aleyleh ku waalatay kismanyo ninkii xoog leh baa u hari dooona

  14. ali says:

    wax la dhaho ma jiro awalba ayaa awrka ku kacsanjiray anagu hadaa nahay khaladkii aan horay u galnay mar labaad gali meeyno ayaan taaganahay iyo somaliweyn harti filinkiisa waa dhamaaday faroole iyo wiilkiisa ha la weeydiiyo,

  15. Somane says:

    Wax layiraahdo majirto koonfur ayuu kashaqeeya miya dhabayo iswaydiya indinku

  16. Faysal says:

    War soo kismaayo ma ilaawin maxay u Jeeni weyday Cidan wax KA xoreeya haday wax kadagan yihiin

  17. bitaale says:

    walaahi waa yaab hadiii laysku soo urursanaayo qabiil ahaan kismaayo
    dagta kismaayo kudoodahayaan yaa waaye waxay moodaan xoog in kismaayo kinya ugu qabanayso walee hadaa kiinya rabtaan inaa dhulsoomaaliyeed idinku maamusho sida kililka 5 shanaad
    inaan taasi dhacayn soomaali waa is taqaan halnin oo qayb kaqadan kara majiro kismaayo
    haday taas dhacdana 1991 oo kalaa imaanaysa 2 dagmo kadagaa jubooyinka
    hadaa maqasho waa sheeko dabada kawado hadii wanaag isku hayo shalay wiilashii xabashi laga iibsanayay bartamaha galkacyo maxaa nimadu ushaqayn waysay maantoo dhul aan boobno miyuu shaqaynaysaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk cajiib inuuu dowladaha soomaaliya dhulka kahaysta inuuu soomaali kusoo hogaamiyo oo dhulhorleh uqabsadaan miyay dan moodeen waa wax lala yaabo
    bari markaa xayle isdagashaan milas waa dhintee kinyaa rabtaan inaa kasoo jamhadaysaan
    itoobiya arintaas haka fiirsato intay goori goortahay wabilaahi towfiiq

  18. war waamaxay beelaha shiraya waxaa la isku ogaa gobol gobol inlooshiree,ma faroolaa markii road mapkii dibirseexato kusoo dhacday miyuu qabiil naf kadayey,adeer qabiil warki waa dhamaaday,waxaan kula talin lahaa beelaha dga jubooyinka inaysan idinla sidban maantay jaanis baadhaysataane …ogaadana”BAADIDA RAGBAA KULA DAYDAYI DAALKAABANE OONA DOONAYN INAAD HESHAA DAA IN IBIDKAAYE” waa(gabay) waxaahabanti ah hadii jubooyinka iyo gado ay isku noqdaan hal maamul oo awoodleh inaad dadka intoodakale farta ugu yeerkartaan…FG:inigu runtii jubooyinka iyo gado midna kam soojeedo laakiin waadalkayga iyo dadkayga oo aan jeclahay inay nolol wanaagsan kunoolaadaan waligood

  19. Dahabi says:

    Oo kaaley maxaa kismaayo ka galey war ordaya aayar garowe iska jooga dhulkaan shaqo kuma lihidine laakiin guryo waad ku leedihiine ee maxaad u sameyn weydeen gobolka banaadir sida aad kismaayo u sheegateen ileen xamar babad kaga guryo badneydne

  20. ali farah harti says:

    soow laysinkama fadhiyi waayin, wax la yiraahdo ma jirto, kuligeen ayeeynu hoos tageeyna, waa laynoo wada duubaya sidii ciyaal spoilers ah. usha macalin intiisa badan idinkeey idinku dheceeysa, kalle, iyo kalle waa iskala xamaalaneeyna hadii mar-mar nala dhegedeeyona waa iska dulqadaneeyna, micna malleh ninka qaarta weeyn eey ku dheceeyso waa boowayaalken. inka daaya ciyaarta oo safka gala, iyo horay ayaan uga quusanay, anaga ayaa la hadleeyna nabad iyo soomalinimo ayaa loo bahan yahay. keliya waxuu naga rabaa centeral system government inaan qaadano intaan kuligeen danteena ayaa ku jirta. keliya decentralize system ayaan u bahanahay oo danta dalku ku jirtaa. lakiin xiligaan yeeynaan ku noqon 91 kii iyo yaa reer hebelooy taas ninka ku riyoonaya waa iska riyoodee qabyalad ku riyoode waxun ku riyoode.

  21. gundid says:

    iyo dowlada faraha hakala baxaan arimaha Jubaland, sheekooy ku nacay, Ciidan ma’eeysan keenin, dhaqaale kuma taageerin,af iyo adin kuma taageerin balse dowladu si xun beey uga soo horjeeday in uu hir-galo maamulka Jubaland, Jubaland wexeey khuseeysaa taladeeda iyo aan wadan, ayaga ayaa usoo dagaalamay, hadii eey wax tari ha soo celiyaan laascaanood maxaa kismayo ka jira. Aniga waxaan taaganahay Somali Vs Jubaland hadii eeysan Somalidu dhibka joojin iyo qaska ku saleeysan fara-galinta qaawan. Bosaso qabiil beey gaar u tahay, Hargeysa sidoo kale, Xamar oo Casimadii ah qabiil baa looga samray, maxaa Kismayo ka dhigay meel Somali oo dhan wada sheekato, ninkii hal guri lehba waxuu doonayaa in uu kismaayo maamulo, waa cajiib lakin dadbaa 20 sano hurdo iyo Samir ku jiray maantana hurdadii iyo Samirkii ka dhamaaday oo diyaar u ah 20 sano oo dagaal danbe ah ee yaan la’is lug gooyn

  22. sooyaal says:

    maansha alaah waa is raacay mardhow nah waxaa is raacidoonah oo dhan hadii ale idmoh

  23. Abdirizak says:

    cidamada mesha u sohalgamay kumajirto waxayna natusaysa sida la isagaga degan badan yahay mesha marka waxay sogasho wa kalinta 3aad

  24. dab damis says:

    horta waa in wax laga weydiiyaa dadka kismaayo dega noocay doonaan ha noqdee ayagaa taladu ka go,daa tan kale kismaayo waa magaalo soomaaliyeed ay wada degaan qabiilo fara badan oo soomaali ah markaa ayagu heyso yimaadaan haka hadlaan
    kuwaan la leeyahay hub bay u soo wataan kuwaan shiraaya kuwaan kenya dabada ka wado al shabaab
    dhamaantoood waa xukundoon sida raga qaarkii sheegeen markaa meesha waxa macquul ugu dhaw dowlada dhexe inay dhex dhexaadiso qabiilada soomaaliyeed ee dhulkaa wada deganaa quruumaha ay ciday rabaan ayagu doortaan si dimuqraadiyad ah taas baana xalku ku jiraa
    ogow meesha waxaa ku herdamaaya waa kenya, etoobiya, oo midna kan kale waxba u ogoleen iyo
    ugaandha oo leh meeshaan anagey dowladu nagu socotaa yaan cid kale wax la weydiin
    marka bilaha soo socda xaaladu waxay noqoto waan ogaan doonaa
    lakiinse waxaan anigu ku talin lahaa hadii is famanku soconwaayo waa in ciidan dowlada soomaaliya leedahay oo aan kan kenya lagu soo tababaray in lageeyo oo dowladu maamul u samayso
    ciidamada kenya soo tababartayna gobolo kale la geeyo sidaana waa xalku ugu fiican

  25. hogol says:

    bowe meeshan rag baa isku haya sheekadiinu ana waa i kan miyaa kkk dadka dhinac ka raac bowe magalladan howsheeda ragii qabtay oo usoo halagamay aya iska leh

  26. hersi says:

    Hawshu waxay u socotay Gobol ee maxaad dib ugu noqonaysaan waa laa isu baahanyahay ee ha la is ogaado. Dhulka doyga yaan la moogaanin

  27. Husseinkafi says:

    Wallaahi waa cajiib! Waxaan moodayey in qolada waaya aragnimo uga korodhay wixii lasoo maray. Waakuma ay sheegayaan ee la talada ah malaha waa kii kaa ayey isku dambeeyeene maxaa yeelay: shirshooroo camiran maalinbaa cawda loo jaray, c/qani garaadiyo ragii caan ahaa tage, ka carooyey xaabsade sidii loo calaanjiyey. caray kala tageen cirif nugaaleed, iyo waa horey callaha fuuleene, ceelaayo iyo buur madoow cidamaa ujira. War xishooda oo wax isku fala halkii aad geyseen kama soo noqone. Tan kale maanta arrinka jubooyinku uma baahna yaa reer hebel ah iyo anaa leh waayo horey ayaan usoo niri natiijadiisina waan soo dhadhaminay ee yaan ummadda la lugoyn.

  28. reer aargo boy says:

    masha lah walahi waa rin lagu farxo marka hore, marka xigto waxay udubdhaxad u yihiin maamulkasta oo dalka somalia lagadhisayo, kan jubooyinkalagadhisayo waayba u yihiin asaas gurina asaasaani mataagmo,,,,,,, marka somali bilaa waa raashiin bilaa milx,,,,,,, viva and long life

  29. gedogril says:

    asc waxan la yabay magacan marka aad aragtan miyaa la isku bahaysta marka kala wax laiskuma taree kuwa faroole laha somaliland xaga ka soo garac aniga intaan ka garacaya maha miyaa? looooooooool tankale waxa ila ficaan kismayo sheegashadeeda inaad ka xishoodan dad baa reer migigoodi lagu layay bal mid xoraynaya iska daye adinkana diiq xata idinkagaga dhiiman maxase idiin daba dhigay kismaayo anagaba garoowe masheegane isbahaysiga beenta ma baratan miyaa?kismaayo waxa ka tashanaya dadka wada daga jubooyinka nin reer koorad ah loogama bahna plzzz

  30. Farhan says:

    @bitaale…. waxaad tahay mid xaqiiqda aan inaba waxba ka ogayn hadaad ka xun tahay tirada beelweynra degta Ogadenia NFD Bakool Jubada dhexe Jubada Hoose ogoow intaas oo dhul ah faataxo kuma degana wa degaankooda cid ay u dba fariisanaayaana ma jirto midaa ogoow cid iyaga aan talo ka gelina qaasatan jubooyinka wax usoconaaya malahan tusaale ahaan jubada hoose waxay ka kooban tahay 5 degmo kismaayo afmadow badhaadhe jamaame xagar intaas magaalo 3 iyagaa iska leh oo cidkale lama degmo magaalada kismaayane ugu yaraan afarta xaafadood 2 xafad ayay degan yihiin magaalada jamaame xitaa doorashooyinkii iyagaa kasoo geli jirey oo laga soo dooran jirey oo an hebel hebel ku odhan karaa ….. kismaayo waxaa leh ninka meel u dego ee ugu ay tahay faafax dhuun iyo mudug indhaha fur xaqiiqdana hakaa soo daadagto WSC

  31. asad yare says:

    yaa la dhahaa ma wadanbaa?? mise baa dan leh tolow?

  32. supper power says:

    Kkk cajiib , iyo kuwa calooshoda u shaqaystiyaasha ah ee cadowga keenya la socda ee ah midkoodna dhulkaas ma laha , waa dhul . Somali waa istaqaan, yaan kenya been idiin sheegin. Waa dhammaaday waqtigii afka laga sheegan jiray kismaayo.

  33. Waa sax Kismaayo iyo Nawaaxigeeda ayagaa iska leh Viva Thanks

  34. Ahmed Kismaayo says:

    Kismaayo waxaa iska lahaa koox la isku oran jiray oo kala ahaa Saxda ah iyo intooba waxaa loo yaqiinay Waxaana laga heli kara maktabadaha ingiriiska iyadoo aad ugu tagi kartid odayaashii waagaas heshiisyada la saxiixday ingiiriska bal iyo goortay jubooyinka soo degaan dadkii joogay baaba nool weli taariikhdu ima duugin

  35. Mr.muwaadin says:

    Kkk walaahi wax lagu qoslo waxaa ah.
    Goormaad maqashaan Beesha ?
    Goormaad maqashaan Beesha ?
    Goormaad maqashaan Beesha ?
    Goormaad maqashaan dawladda Federaalka ah? Lol

    Intaba dad baa loo danleeyahay ( ) ()
    Culumadu waxay seegeen ; :
    Dagaal baa beesha guud ee ,
    Dad baa dadkoodii difaaca Shacabkooda ku waayey. ! !
    Maxay xuquuq ku leeyihiin kismaayo mise adiga ayay marti kuu yihiin ?
    Sida kuwaad u bixisay ?

    Maanta ciidamadaan Ina Godane iwm oo 10 jirtaadii guurkeeda bannaystay cidda xoraynaysa
    Waa RaskiamBOni Army iyo Mainly !!! Ma baa ?
    Kismaayo waxaa Iska leh reer kasta oo somali ah iyo shaqsi kasta oo Muwaadin ah.
    Kala qoqobka iyo waswaaska ka jooji Soomaali ha israacdee.
    Dr iyo engineer iyo Shikh aan waxba lagu dheefin baad tihiine. Kkkkkklkl nabadeey

  36. abdi ciise jamac says:

    wakusalaamay ninka wabs soqorayoow ok adoo mahadsan waxaan garan waayey waxa kugu kelifey been abuurka intaa le eg bal adiga maxaa kuhaya maihid hartiga aad kool koolinasid anaga ayaa udhalanay waana kaxishoonaa inaanu sheegano markaa waxaan kugulatalinlahaa inaad illaahay kabaqdo oo aadan cidkale kabiqin hadii aadreermooday inay risiq ama nolol iska saar oo kaxoroow ooaad meelaha lagu xoroobo inta aad uhaysato in illhkuuyay mjtn kuuma aha hadaba maqal lylks waa bir aanjabin adaa nugul waxa kunugleeyena waa gartay alle hakaadaweeyo hadaan halkaa kudhaafo haunoqon been abuurka aad qorasid hadaad ogayd harti shira waa dhintay mana soonolaandoono adigu hakaraamo seegin ee magacaaga aamin iyo dhalashadaada aamin hadii aad dhibqabtid igala soxdhii iimaylkaa alle geesi hakaadhigo adigu aamiin isudheh by by

  37. Abdi Jama says:

    ma dhalashaa? Mise waa wax awrka lagu kacsado? magacaa way dishaye mid kale ha radsato. hada iyo wax kale ayaaba la sheegayaye. beenbeena wakhtigiisii wuu dhamaadaye nolol raadso.

  38. Qoodh iidoor says:

    Sool iyo sanaag bari iyo buuhoodle baa idinka maqan idina jubooyinka ayaad ku mashquusheen kkkkkk jubooyinka aada sool iyo sanaag dhamaanba nooga baxa ileen wax kuma falaysiine xataa nugaal iyo bari ku dara Kkkkkkkk

  39. yasin says:

    asc dhamaan umada somaleyed waxaan usheegaynaa hadaanunahay beesha reer khaatumo in aanaan wax luga kulahay shirkaa lasheegay ee kasoconaya nayroobi,wax oo wax isigujiraana majiraan been lasoodhoobdhoobay weeye hadii aad iskudilaysaa beesha anagu kumajirno dhulkaana waxaan leeyahay dadka wadadagaa iskaleh ee si walaaltinimoleh uguheshiiya
    wabilaahi tawfiiq

  40. wiil sanaag says:

    kkkkkkkkkkkkkk meel kasta dadka ha ku qabsado waxaanu ogeyn inuu sool iyo buuhoodle odhan jiray anaag leh ma haday dheheen kisaamyo anaag leh

  41. kulahaa war nagadaya odayga aad xabaasha ugu galaysaan walee cid baa idin leh tashay muumul buu leyahay khatumo markaad dan ledihiin baad oday 60 kii dhintay ku oradaan xiniinyihiina ku taga jubo anigu aan nolado kaligay walee gunimo ama ama idinka sabab u ah

  42. fadumo says:

    WAX la yidhaahdaa ma jiro ee haday xaalkiinu yahay aan cuno eh waa inaan idhaahda waalaahay hadii ayaa u dambeeyey iyana ta shade beri hore ayuu tegey dhowaana waxay dhegihiinu maqli doonaan iyo soomalida oo dhami hadalkan oo sicad looga hadlay lona beeniyeye in sha alaah waxana hadlaya garaadada KHAATUMO ESTAT iyo WERSENGELI OO IYANA ka mid ah dadka jubaaoooyinka dega waxayna ku feker yihiin IYAGA IYO WAA ISKU GO,AAN WAYNA KA LA SAXAEEX DEEN IYAGA IYO MARKA IDINKAA OG WIXII IDINLA AH

  43. libaxa jubba says:

    kkkkkkkkkk reer khaatumo si fiican ii maqla kismayo maba ahan ianad k ahadshan waayo dhulkii reer khaatumo astaanta u ahaa baad kasoo cararteen qaarna caloshood u shaqaysta yaal beesha ku abtirsado cadowga ugacn geliyay ilaa cada qatayaashasi beesha magaceeda xumeeyay loogu magacdaro fadlan lacag ku shubo,,,,,,away dhulkii daraawiishta aaway awladii iyo ehelkii cali dhuux adan iyo ismacil mire ,,,,,,,,,,ilahay intad kayabtan tiro iyo xoogba idinkuma yaree dib sugu laabta oo karaamadiiana soo ceshta waxad tihiin gacantayada midigee xumantiiana waa xumaanteena wanagiianana waa wanageena

  44. hershi says:

    War Dawlad diidayaal marba dhinac hadal ka keena Hadana riyadaas arka waa kuwo doonaaya inaysan marnaba dawladnimo iyo cadaal aan jirin oo doonaaya inay dadka been ku xaqiraan
    Aduunka waxa ka jira la socda beel beel uun haku jirinee
    War runta isu sheega gacanku dhiiglayaalka idinku dhexjira oo markay dadka laayeen magaha aad ka bixiseen ma sidaas baad doonaysaan in aad ku socotaan
    Aduunku waa idin yaqaan tuugayahay qabiilka wax ku raadsanaya ee ogaada inuu waqtigiinii dhamaaday

  45. B Jameeco says:

    allow waxa ay afka ka sheegayaan qalbigooda geli

Leave a Reply