Bilowga Demoqraadiyada Curdanka ah ee Buntland. W/Q Fahad Sheekh Macalin


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Bilowga Demoqraadiyada Curdanka ah ee Buntland
Fahad Sheekh Macalin
siyaasi2012@yahoo.com
Oktoobar 01 2012

Dowladda Buntland waxay bishii Sibteembar horaanteedii si rasmi ah ugu dhawaaqday in dadka u dhashay Buntland ay furan karaan xisbiyo, si looga baxo siyaasada ku dhisan qabiilka. Si dadka ay u doortaan qof leh karti iyo awood uu wax ku hoggaamin karo, iyadoo aan lagu dooran qabiil.. Haddaba marka uu jiro xoog muuqda iyo miid aan muuqanba, waxaa dabiiciyan dhasha ama soo if-baxa xoog kale oo muuqda ama aan muuqadn, oo lid ku ah xoogga jira. Marka isbeddel la sameynayo, weliba la rabo in ummad dhan wax laga beddelo hab dhaqankooda siyaasadeed, waxa aan marna meel looga baxsaneyn in jiriyaan xoogag ka hor imanaya isbeddeladaas la doonayo in bulshada lagu sameeyo.

Dimuqraadiyaanta bulsho qabiil-qabiil u qob-qoban, bulsho ay ku yaryihiin buugta iyo wax-akhriska iyo qalabka warbaahin oo u jiheen kara dhankan wanaaga. Bulsho ay ku yartahay dadka wax akhriya, waxna qora, islamarkaanna ay saboolnimada maskaxeed iyo saboolnimada nolosha ay ku badantahay ma aha arrin fudud sidii looga dhaahicin karo isbeddelka siyaasadeed ee ay dowladdu waddo.

Bannaanbaxyo Madax-bannaan

Astaan ka mid ah astaamaha lagu garto dimuqraadiyada curdanka ah oo ay higsaneyso dowladda madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waxaa ka mid ah bannaanbaxyada joogtada ah oo ay bulshada qaarkood ka dhigaan meelo ka mid ah gobalada qaarkood. Shan sano kar hor amaba ama in ka yar, iska dhaaf in ay bulshadu dhigto bannaanbax dowladda looga soo horjeed ee xataa lama aqoon. Bannaanbaxu wuxuu bulshada dhexdeeda ka ahaa wax ceeb ah, iyadoo loo arkay fool-xumo in ay rag waaweyn iyo dumar waddooyinka isla taagaya looxax ama boorar ay ku qoranyihiin hal-ku-dhegyo looga soo horjeeda nin tolkood ah.Laakiin taas waxaa manta suurta-geliyey dowladda madaxweyne Faroole.

Af-lagaado iyo been-abuur Madax-bannaan

Waxa kale oo laga dhandhansan karaa saxan-saxada dimuqraadiyada curdka ah oo ay dowladda madaxweyne Cabdiraxmaan Sh.Maxaxmuud Faroole u horseeday bulshada reer Buntland hadalada hantaataqa u badan ee ka soo yeeraya dad tiro yar iyo qalabka warbaahinta ee lagu af-lagaadeynayo, welibana lagu sheegayo been-abuur aan sal laheyn ee dowladda Buntland looga soo horjeedo. aan waafaqsaneyn sharciga, Shan sano kar hor amaba ama in ka yar, iska dhaaf in la caayo ama la af-lagaadeeyo hoggaanka ugu sareeya dowladda iyo golaha shacbiga ee dowladda ee waxaa xataa ceeb aheyd in wax laga sheego; in madaxweynaha lagu xanto goobaha fadhi-ku-dirirka iyo goobaha kale ee la isugu dhigo. Tani waxay astaan cad oo la taaban karo u tahay dimuqraadiyada curdanka ah oo ay dowladda madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Faroole uu u horseeday bulshada reer Buntland.

Hadalkii qadafka ahee ee ka soo yeeray Cabdiraxmaan Gablax, isagoo ka faa’iideysaya idaacada Codka Ameerika, ahna cadowga koowaad ee bulshada Buntland, waxay muujineysaa dulqaadka iyo dimuqaadiyada curdanka ah ee dowladda Butland ay ku hoggaamineyso bulshada u ooman horumar iyo cadaalad. Laalkiin su’aashu waxay tahay Cabdiraxmaan Gablax, muxuu dowladda Buntland ka yaqanaa? Mise qabiil iyo quran ayuu uga soo horjeedaa madaxweynaha iyo dowladda?.

Maadaama la qaatay hillinka-toosan ee dimuqraadiyada, maxaa Cabdiraxmaan Gablax, Cabdulaahi Samatar ka horjooga inay xisbiyo dhistaan, oo ay Buntland tagaan, lana tartamaan dowladda? Sidee nin sidaa u caytamaya,been ku qraabanaya hoggaan uga noqon karaa ama jago uga qaban karaa maamulka Buntland? Bulshada Buntland ma aha inay doortaan ragga qurbaha ka caytamay. Ma aha inay qabiil ku raacaan in af-xumo iyo hadalo been abuur idaacadaha cadowga Buntland u soo maraya. Fursad uu wax Gablax wax uga noqdo Buntland oo aad u yar, xataa in jago loo magacaabo.

Halyeey Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole

Waxaa iska cad, oo marag-ma-doonta ah in madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole uu furay jidkii ay bulshada Buntland ku kala dooran laheyd hoggaanka wax qaban kara iyo hoggaanka wax-ma-taraha ah. Waxay dowladda Buntland dabbarka ka goosay, oo ay fursad siisay dhammaan dadka u dhashay Buntland inay tartamaan, oo ay dadku doortaan qofkii ay rabaa. Maamuladii ka horeeyey hoggaanka haatan jira karti waa u yeelan waayeen ay ku fuliyaan dimuqraadiyeenta Buntland. Waxay la tacaali jireen xaalado iyo daruufo ka duwan tan maanta taagan. Hase ahaatee, madaxweyne cabdiraxmaan Faroole waa halyeey, bannaanka iska dhigay cadowga ku xeeran Buntland. Wuxuu, markii ugu horeysay sooyaalka Buntland ku dhawaaqay in xisbiyo badan la furto, ilaa intii la asaasay maamulka Buntland.

Wuxuu hoggaanka madaxweynaha wax ka qabtay afartii sano ee uu jiray waxyaabo badan, balse arrinta ugu muhiimsan, oo Dr.Cabdiraxmaan Faroole ka dhigeysa halyeey sooyaalka Buntland ka galay baal dahab ah waxay tahay xoriyada madax-bannaan, gaar ahaan dimuqraadiyeenta Buntland. Inuu ka ansaxiyo baarlamaanka Buntland furashada xisbiyo badan. Arrinta waa mida fursada u siisay in dadka Qardho ku nool iyo Waaciye ay ku mudaaharaadaan dowladda. Waa mida fursada u siisay inuu Cabdiraxmaan Gablax caytamo, oo weliba been ka sheego maamulka.

Dowladda Buntland waxay muujisay dulqaad iyo samir aan horay looga baran maamulada Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika maxaa yeelay, waxaan markii ugu horeysay taariikhda Buntland iyo Soomaaliya oo dhan dad ku mudaaharaadaya dowladda, oo aan wax dhib ah loo geysaneyn, oo weliba qalabka warbaahinta laga buun-buuninayo. Waa jiraan rag cuqdad qabiil qaba, oo si u isticmaalaya madax-bannaanida shakhsiyadeed oo ay dimuqraadiyada curdanka ah ee Buntland ka dhalatay la timid, balse, waxaa ka xoog badan kooxdaas waxa ay rabaan dadka Buntland.

Waxaan haddaba u soo jeedinayaa dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Faroole inuu halkaas ka sii wado dimuqraadiyada curdanka ah, taasoo muujineyso inuu yahay halyeey leh karti iyo hufnaan hoggaan. Waxaan sidoo kale u soo jeedinayaa ragga ka qayliya qurbaha, weliba innanka Cabdiraxmaan Gablax la baxay, war hadaad rajo ka qabto in aad Buntland wax ka noqoto, jooji af-xumada iyo beenta aad ka sheegeyo bulshada aad ka dhalatay. Hadday kaa dhabtahay, ku noqo dalkii oo xisbi furo, adigoo aan af-lagaadeyn bulshada Buntland ee haatan u tiaabsatay inay doortaan qofka ay doonayaan.

siyaasi2012@yahoo.com
Fahad Sheekh Macalin
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Share

Tags: ,

7 Responses for “Bilowga Demoqraadiyada Curdanka ah ee Buntland. W/Q Fahad Sheekh Macalin”

  1. [...] More: Bilowga Demoqraadiyada Curdanka ah ee Buntland. W/Q Fahad Sheekh Macalin [...]

  2. Qoraagu waxaad moodaa inuu xooga sandareero ah difaacanayo.

    Dimiquraadiyad intaan la gaadhin sidee laga yeelayaa halka sano ee uu ku darsadday firdhiye faroole ??? Ilee qanuunka pintiland kuma jiro inuu hal sano ku darsadee.

    Mida labaad qardho dadkii ka banaanbaxay dadkii deegaanka ayey ahayeen yaase cabudhinkara ilee qardho ayey joogaane !!!!!!!

    Abdirahman gablax waa muwaadin reer mudug ah xaqbuuna u leeyahay inuu iftiimiyo dhaliilaha dowlada firdhiye faroole oo isku soo koobtay tuulada garowe.

    Waxaan leeyahay. Reer mudug iyo reer karkaar dib ha iskugu noqdeen oo talaabo mideysan ha laga qaado firdhiye faroole iyo wiilashiisa hadii kale waxaa dhicidoonta bari maa puntlalnd jiri jirtay. Because burbur ayey ku socotaa.

    Dhinaca. G bari waxaan ku ognahay maamulka raascayr state. Waxaan ugu baaqeynaa maamulkaas in ay gaadhaan dhulka fog ee bariga sida qandala. Baargaal. Bander kassim. Caluula. Ee maamulkii faroole wax hormar ah gaadhsiin. Ee hooyada umusha ah u dhimaneyso haraadka.

  3. [...] lagu xanto goobaha fadhi-ku-dirirka iyo goobaha kale ee la isugu dhigo. Tani waxay astaan cad oo la taaban karo u tahay dimuqraadiyada curdanka ah oo ay dowladda madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. [...]

  4. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sxb maa putniland miiya waxa kashira dimuqarati maxa beenta loo shegaya aana udhashay maad iwayidiisaan waa been maxa loo xir xiiraya waxkaradka waa dikdadori waliiba xuun

  5. saalax saciid says:

    WAXAAD moodaa dadka inaysan fahmin wuxuu ka hadlayo qoraaga. War qoraagu wuxuu leeyahay Puntland wada cad oo dimuqraadiyad lagu gaari karo bay cagta saartay. Nimanka melaha ka caytamaya ee leh waa sidan, iyo sidaan, ha tagaan Puntland oo ha isa soo sharxaan

    Madaxweynaha waa ku saxsanyahay hal sano inuu ku darsado, waayo waa danta Puntland. Reer Somaliland marna waxba ma oran markuu Riyaale hal sano xukunka ku darsaday, waa taageereen, waayo danta SOmaliland bay ahey. Maanta Puntland waxaa laga rabaa inay madaxweynaha taageeraan, waayo waa danta guud ee reer Puntland

  6. Rooraaye says:

    War anigu waxaan u dhashay p/land waxaan la sheegayo qaybtood waa sax wax lagu dardarayna waa jiraan marka hore p/land waxaa soo doorta m/weynaha waa barlamaanka baarlamaanka wuxuu matalaa dhamaan qaybaha bulshada ayagaa ugu daray 1sano ninkii dacwad qabaa xildhibaanka hala xisaabtamo war waxaa la yiri gaal dil oo gartiisa sii wixii raba inay wax qasaan ayagey la jirtaa laakiin ogoow ninkaan wax sax ayuu ku joogaa

  7. m'o abdi bosasso says:

    mahadsanid fahad macalin wa maclumaat qiimabadan oo qaaliya saxafadu mecnehedo lama soo’kobikaro lkn waxa loo qaybiya 4ar:-( 1)luqada(2)qanuunka(3)shaqada(4)technology. lkn sxafada somalidu aad ayey udamaysa wararka dhibatada oo keliya ayey xooga saraan halka ay iska ilawen .wararka dhaqaalaha ,dhaqanka,iyo arimaha bulshada,sida cafimadka,waxbarashada, dhismayasha xawliga’ah ee magalooyinka.sida jidadka. Almuhim qaraga wax badan ayaan ka sugaynaa.

Leave a Reply