Booliska Somaliland Oo Hargeysa Ka Helay Qamri
Hargeysa (RBC Radio) Saraakiisha booliska maamulka Somaliland ayaa howgal ay ka sameeyeen magaalada Hargeysa waxa ay ku soo qabteyn mandooriyaha qamriga, oo halkaas si dhuumaaleysi ah lagu soo galiyay.
Taliyaha ciidanka booliska magaalada Hargeysa Cabdulaahi Fadal Iimaan ayaa saxaafadda u sheegay in howgal ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha magaalada lagu soo qabtay ku dhawaad 25-caagag ay ka buuxaan qamri.
Taliyaha ayaa tilmaamay in qamriga laga keenay dalka Ethiopia isla markaana la rabay in lagu iibo gudaha magaalada Hargeysa.
Wuxu sheegay Cabdullaahi Fadal Iimaan taliyaha booliska magaalada Hargeysa in la soo xiray dadkii watay maandooriyaha qamiriga isla markaana hadda ay xabis ku jiraan.
Ma ahan markii ugu horreysay ee qamri laga keenay dalka Ethiopia lagu qabto magaalooyinka maamulka Somaliland.
Magaalada ayaa la sheegay in aad loo baaro gaadid ka yimaada dhinaca dalka Ethiopia oo xuduud la lee yihiin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Hargeysa












