Burcad-badeed Soomaali Ah Oo Sii Daayay Markab Ganacsi Kaddib Markii Madax Furasho Loo Siiyay $5.7 million
Muqdisho (RBC Radio) Kooxaha burcad-badeeda Soomaalida ayaa sii daayay markab nooca ganacsiga, oo laga lee yahay dalka Greek, kaasoo in ka badan siddeed bil lagu heestay isaga iyo shaqaalaha la socda xeebaha Soomaaliya.
Xoghayaha Urur ay lee yihiin bad-bareenada dalka Kenya Andrew Mwangura ayaa Reuters u sheegay in la siidaayay markabka iyo 21- shaqaale Filibiinis ah.
Wuxuu yiri lacag madax furasho ah ayaa la siiyay kooxaha burcad-badeeda 10-kii bishan October kaddib markii markab looga soo tuuray lacagta.
“Markab wetay calanka dalka Liberia, oo laga lee yahay dalka Greek-, kaasoo siday xamuul, in la siiyay, waxana uu u shareecday dekadda Cumaan ee Salalah,”ayuu u shegeya Mwangura Reuters.
Burcad-badeeda ayaa markabkan waxa ay ku heesteyn deeganka Garacad oo ka mid ah meelaha ay ka arrimiso Puntland sida lagu sheegay warbixintan.
“Waxa aan qaadanay $5.7 million oo madaxfurasho ah, kaddib markiii dhowr bilood aan heynay markabka,” sidaas waxa Reuters nin magaciisa ku sheegay Maxamed oo ah burcad-badeed ku sugan Garacad.
In kastoo weli kooxaha burcad-badeeda afduubtaan maraakiibta hadana waxa la lee yahay waa ay yaraadeen howgalada ay sameeyaan, taasoo lagu micneeyay in maraakiib dagaal oo ku sugan xeebaha Soomaaliya.
Lixdii bilood ee ugu horreysay ee sannadkan 2012-ka, ayaa kooxaha burcad-badeeda Soomaalida waxa ay qabsadeen 69-markab, taasoo markii loo barbardhigo sannadkii hore uu ahaa 163-markab, sida laga soo xigtay hey’adda badmareenada caalamiga ee International Maritime Bureau.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi











