Caaqilka Guud ee Beesha Amaanle oo Xabsiga Dhexe ee Boosaaso Laga Soo Daayey kana Hadlay Sababta Loo Xiray [Dhagayso]
Boosaaso[RBC Radio] Caaqilka guud ee Beesha Amaanle Maxamuud Cabdi Faarax oo ku magac dheer DHOONGE ayaa Xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso laga sii- daayey ka dib muddo 5-beri ah oo uu ku Xirnaa,lamana sheegin ilaa hadda Sababta ka danbeysa Xaraigiisa.
Caaqil Dhoonge ayaa sheegay xili uu la hadlaayey RBC Radio in uusan sheegi karin sababta loo xiray iyo cida ka danbeysa xarigiisa,wuxuuna intaas ku daray in Taliye kuxigeenka qeybta Booliska uu kusoo wargeliyey in uu xirig yahay.
Waxa uu intaas ku daray in la geeyey Xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso uuna ku jiray muddo shan beri ah ka dibna laga soo daayey isagoon loo sheegin habayaraatee sababaha lagu xiray.
…Walaahay ma garan karo anigoo magaalada dhexmaraya waxaa isoo wacay Taliye kuxigeenka qeybta Booliska,wuxuuna i sheegay inaan xirnahay ka bacdina waxaa la i geeyey Saldhiga weyn waxaana ku xirnaa muddo 5-beri ah,intaas ka bacdina waa la isoo daayey,…”"”ayuu yiri.
Muddadii uu Xabsiga ku jiray ayuu Caaql Dhoonge sheegay in si fiican loola dhaqmay iyadoona la siiyey Joorari ama firaash uu ku Seexdo taasina uu uga mahadcelinaayo Saraakiisha Xabsiga ku sugneyd.
...”"Walaahay ninyahow aniga si Sarkaalnimo ah baa la ila dhaqmay joodari baa la i siiyey si sharaf badan baa Saldhiga weyn ee Boosaaso la igula dhaqmay sida maxaabiista kale la ilama dhaqmin aniga…”"ayuu Caaqil Dhoonge.
Caaqil Dhoonke ka sokow hawsha beesha ee Caaqilnimo waxa uu hadda kamid yahay Dawladda Puntland gaar ahaana waa la taliyaha Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkojiir,waxaana la xiray isagoo ku guda jira hawsha dawladda.
Halkaan ka Dhagayso Waraysi uu siiyey Caaqil Dhoonge RBC Radio Guji Halkan
Isagoo sii wata hadalkiisa waxa uu si kulul u yiri”"”…”“”Walaahay ninyahow anigu waxaan ahay la taliyaha Wasiirka arrimaha gudaha,waxaana ahay Caaqilka guud ee Beesha Amaanle haddii la i xiraayo xarigu waa jiraa laakiinse in si sharci ah la isoo maro Wasaaradda lasoo Ogeysiiyo,Wasiirku soo Approve- gareeyo ka bacdi laga soo fakaro markaa ka bacdi la isoo xiro si sharci ahna la isoo maro,laakiin in Suuqa la iga qabto sidii lix jiradii anigu xaq uma lihi,..”“ayuu yiri.
Gabagabadii Caaqilku waxa uu sheegay in Ujeedada loo xiray uu ka go’aan gaari doono marka uu la tashi buuxda la sameeyo beesha uu ka dhashay iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Ilkajiir ee u la shaqeeyo,marka ka dibna uu faah-faahin ka bixin doono talaabada uu qaadan doono.
Caaqilka guud ee Beesha Amaanle Maxamuud Cabdi Faarax ayaa Xarigan uu noqonayaa kii labaad,waxaa jirtay in Xarig kan lamid ah loogu geystay Garoowe loomana sheegin sababta Xarigiisa.
________________________________
RBC Radio
















waa wax qalada oo lagalayo umada somaliyeed kar ahaan wax garadka maxu kalab saday waa ruune maa ilmo carura maa losheko sabata loo ciray maca ilmahan lola dhaqmiin siida okale waa yacush niimo wana kaa xunahay
Karama darane oo ixtiram yara farole wale reer tolkisa ayu ka badin layhy adeer ama oday xiri lahyde ama khatumo jaa ifen lahyd ama dooxa joog dil ku xukumo lahydaa ama galgala weerari lahydaa anaga muqdisho ayan kuu joognaaa balan waxaa ah adiga iyo inta aa madaxda utahy inaad siyasada somliya idinka reebnaa indha danbana ad madaxwene iyo raisul wasare aydan saren viva walalaha galgaduud ee beesha farmajo byby puntland
WAA YAAB ASKARTA MR FAROOLE MAXA AY ISKA DHIGAAYAAN SIDII DOOWLADII KACAANKA AHEED EE DAD GURYAHA KALA BIXI JIRTAY OO KALE WAA MAXAY NINKAAN CAAQILKA EE EE JIDKA LA QABANAAYO SIDII DADKA KOONFURTA KA YIMAADA OO MA AHA CAAQILKAAN NIN KA SOO JEEDA MEELAHA MISE HADUBA AHEEN NIN AAN AHAYEEN SIDII LA RABBO AYAA LOA HAQMAA, ODEEYGAAN FAROORE IYO WILASHIISA HA LA QABTO PUTLAND, SOO MA OGODIN INUU FAROOLE KU SOO WEERARAY MPKA PUTLAND GAADIID DAGAAL YAA ISKA WAKHTIGAAS XIRAY AMA DHIB U GEESTAY WAA XILIGII CADDE MUSSE, DOOWLAD G PUTLAND HA FIIRSADAAN IN AY KU DEGDEGAAN DAD CAAQILEIINTA AM UGAASYADA IYO SALAADIINTA.
Bulshada commet-ka anigoo idinka raali gelinaya Su,aasheyda waxaan idin weydiin lahaa Beesha ma mise waa beelaha kale ee la dega guud ahaan raali ka ahaada cidii dhibsata su,aasheyda
@Nabadon walaal Amaanle waa MJ waa dad layaqaano sidaas lasoco
waa sika beesha nabadoon waan ka xumahay xariga nabadoon dhoonge dowladqa wxiii khalkhalgalinaya ha la qabto ljn si nidaam leh waa in lagu qabtaa
wARXAGEE SHEEKADA ISKA QABAN lA’dahay–
waxaa soo socda dagaal qabiili ah, waxaa kubaabi’i doonaa garoowe, caasimada waxaa laga dhigi doona meel aan la maqalin- dhiigii daadana waxaa ka masuul ah Cida isku wareejisay nugaal
waa isla beesha nabadoon
wax taas ka xuna waa ka sugaynaa faroole iyo tuugtiisa
odayaasha in la xirxiro ama caaqilada
Nabadoonku waa la taliyaha arimaha guddaha, hadana wasiirkiisa arimaha gudaha lama soo socodsiin isagana garan maayo haba yaraatee waxa lagu xiray, waa cajiib, booliskana uma sheegin sababta loo xiray ,waa cajiib. waana siyaaasi xaga arimaha gudaha wax badan buu ogyahay soo ma aha?
Wagarey wagar anigu ma fahmin waxa dadka xira iyo qaabka ay u maraan sababtoo ah anigu wadankii ma joogo laakiin waa wax xun in odayaasha la xiro waxaan oran lahaa raga leh dagaal iyo garoowe waa qof aan aqoon u lahayn p/land waxaaasi way dhacaan waana la xaliyaa ogoow p/land waa qaran looma baahna nacnac cadoowgu ha ogaado
Besha amanle waa bel kamida belaha majerten ee daga min bari ilaa mudug caaqilka sida xunlooxirayna jawab dag daga ayankabixinaynaa. Insha alaah?
Beesha amaanle waa bel dagta bari ilaa mudug xariga logestay caaqilkayaga waa mid anu jawab dag daga kabixin dona insha alaah?
Haddii ay nahay ee degta Mudug iyo Nugaal iyo Beri iyo Kismaayo in aan Ka Jawaabi doono xarigga loo geystay Nabadoonkeena si aan sharciga wafaqsanayn … Daarusalaam na waa Isku xirka Mudug iyo Nugaal oo ah degmo aanu leenahay oo laamiga saaran Soo dhagaysta waxa xiga kol dhow …
asc akhyaarta dhamaan xariga nabadoonka loo geystay gabi ahaantiis waa mid khalad ah aad ayaana uga xumahay nabadoon sxb su’aashaada haddii aan ka jawaabo amaanle waa niman majeerteen ah waliba waa niman magac dheer iyo karaaamo kul eh beesha dhexdeeda waa nimankii saldanada u hayn jiray majeerteen ama boqortooyada ahaa hadba sidaad u garanaysid ka hor intaad cismaan maxamuud lagu wareejin ilaa iiyo hadan faroole lama garanyo waxa uu ku maagay caaqilka lakin waxaa jira ayaan filaya waxyaabo uu ka ciil qabo faroole inlee cuqdad buu qabaaye.