Ciidamada Kenya iyo Kuwa Dowlada Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Guud Ahaan Magaalada Kismaayo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ay si rasmi ah gudaha ugu galeen magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo xaafadaheeda haatan lagu arkayo ciidamo ka tirsan Kenya iyo kuwa Soomaaliya kuwaasi oo kor u ridaya rasaas xoogan.

Waxaa la in ciidamadaan ay magaalada gudaha u soo galeen ayaga oo lugaynaya isla markaana ay isku fidiyeen xaadafa magaaladaasi ksimaayo oo ay mudo ka ariminayeen Al-Shabaab.

Dadka magaalada ayaa baqanaya waxaan la sheegayaa in ay guryahooda isaga jiraan asgoo aanan samaynayn wax dhaq dhaqaaq ah, waxaana sidoo kale la sheegayaa in suuqa magaalada Kismaayo maanta uu yahay mid xiran.

Ma jirin wax iska hor imaad ah oo magaalada ka dhacay ama ka hor yimid ciidamadaan iskaashanaya, maadaama Al-Shabaab ay xili hore isaga baxeen magaalada.

Ciidamadaan ayaa waxay haatan ku sugan yihiin dhamaanba sal dhigyada magaalada iyo xarumihii ay Al-Shabaab ka daganaayeen magaaladaasi Kismaayo mudadii ay ka ariminayeen.

Mudo dheer oo ay ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ay wadeen duulaan ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ugu danbayntii maanta waxay ku guuleesteen in ay gacantooda gasho magaaladaasi.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

2 Responses for “Ciidamada Kenya iyo Kuwa Dowlada Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Guud Ahaan Magaalada Kismaayo”

  1. [...] Read more here: Ciidamada Kenya iyo Kuwa Dowlada Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Guud Ahaan Magaalada Kismaay… [...]

  2. [...] la soo dhaafay, Al-Shabab waxa ay ka baxday magaalada konfurta ku talla ee Kismaayo halkaasoo ahayd meeshii ugu dambeesay ee ay ku xooganeed, kaddib  ay weerareen ciidanka midowga [...]

Leave a Reply