Ciidamada Kenya oo Maanta Markii ugu Horeysay Galay Xaafadaha Magaalada Kismaayo (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo (RBC) Ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada ee dhowaanahaba ku sugnaa duleedyada magaalada Kismaayo ayaa maanta markii ugu horeysay gudaha u galay xaafado ka mid ah magaalada oo ay beryahanba ka gaabsanayeen inay gudaha u galaan tan iyo markii ay ka bexeen Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Raxanreeb u sheegay in ciidamada Kenyanka oo wata baabuurta gaashaaman iyo askar lugeyneysa ay gudaha u soo galeen abaare 2:30 duhurnimo maanta.

Mid ka mid ah dadka degam Kismaayo ayaa noo sheegay inuu arkay ciidan lug ah oo Kenyan ah oo hubeysan oo gudaha u soo galay magaalada iyagoo ka soo galay labo jiho oo kala ah; wadada ka timaada dhanka Muqdisho ee soo marta xaafada Buulo Abliko iyo wadada ka timaada dhanka galbeedka ee soo marta Fii Afmadow.

“Waxaan aragnay ciidamo Kenyan iyo Soomaali ah oo lugeynaya oo jidka socda, dadka lama hadleynin waxayna wateen qoryaha culus iyo kuwa fudud” ayuu yiri qof degan Kismaayo oo amaanka dartiis magacaaisa diiday in la sheego.

Wuxuu intaa ku daray in baabuurta qafilan iyo taangiyo ay daba socdeen ciidamada markii ay soo galayeen maanta.

Ma jirin wax iska horimaad ah oo magaaada gudaheeda ka dhacay, waxaana ciidamada Kenya ay xarumo ka dhigteen dhowr goobood oo ay ka mid ah dekeda, garoonka, wadada galbeedka ka xigta Fii Afmadow, agagaarka Aargada iyo bar kontorool oo dhanka wadada Muqdisho aada ay ka sameysteen.

Dadweynaha ayaa aad u hadalhaya askarta Kenyanka oo aysan hore u arki jirin oo ay maanta indhahooda ku arkeen, waxaana dadweynaha gaar ahaan haweenka iyo carruurta ay ka daawanayeen guryaha markii ay ciidamada lugta iyo baabuurta dagaalka ay soo galayeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa subaxnimadii Sabtida isaga baxay magaalada Kismaayo kadib markii Jimcihii hore ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada  oo mudo sanad ka badan duulaan soo ahaa ay ku soo dhowaadeen magaalada.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

11 Responses for “Ciidamada Kenya oo Maanta Markii ugu Horeysay Galay Xaafadaha Magaalada Kismaayo (Faahfaahin)”

  1. [...] jeeday magaalada Kismaayo. Hase yeeshee dhacdada ayaa ku soo beegantay xilli maanta duhurnimadii ciidamada Kenyanka iyo kuwa Dawlada ee la socda ay gudaha u galeen magaalada Kismaayo oo Sabtidii ay baneeyeen Al-Shabaab.  [HALKAN KA AKHRI [...]

  2. Geedi says:

    kismaayo waa cusubaa u baryay waxaan filayaa hadda wixii ka danbeeya waa dhamaatay kismaayo waa la qabsday iyo barre hiiraale ayaa ku soo duulay.
    waxaan rajaynaynaa in maamul suuban oo cadaalad iyo sinaan ku salaysan laga dhisi doono gobolada JUBOOYINKA ay hooyada u tahay kismaayo.

  3. galmudug says:

    Kenya wax kale uma socoto somalii caawinna uma socoto ee badda somalia ey raabtaa in ey boobto lkin lagama yaabo in ey qaadato inta ey nool yahiin wadaniyiinta somaliyeed

  4. gundid says:

    Kismayo waxaa galay waa 500 oo ciidamada dowlada ah iyo kampony iyagoo wata maamul kumeel gaar ah oo ka kooban 6 qof oo kala ah dowlada iyo kampony, Kismaayo guri-guri iyo qof-qof waa in loo baaraa si looga saaro shabaabka iyo ah ee doonaya in eey ka geeystaan dilal qorsheeysan oo lagula kaco magaalada si la’iskaga horkeeno ayaga isla markaana eey fashiliyaan waaga cusub ee u baryay Juboyinka. ciidamada kampony, dowlada iyo Ahli suna waa ciidama wada dhashay xabadana iskuma foorarinayaan sida ka dhacdo xamar sababtoo ah waa lakala xadaarad weeynyahay. Somalida kale ee magalada dagan waa in amaan la siiyo oo aan wax dhib ah loo geeysan sababtoo ah wadankkodii ayeey joogaan kaliya waa la cirib tiro kuwa ka soo horjeeda danta Juboyinka.

  5. Gundiid2 says:

    Waxan la yaabanahay ninka xoolaha ah ee waxma garata ah ee umalaynaya in Kenya ay maamul cadaalad u samayn Kismaayo, duf ku bax maxaa nin lamood aduunka ku nool.

  6. [...] uu magacaabayo madaxweynaha jamhuuriyada Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana guddigan ay gaari doonaan magaalada Kismaayo oo shalay ay gudaha u galeen ciidamada Kenya iyo dawlada oo ay wehliyaan [...]

  7. [...] uu magacaabayo madaxweynaha jamhuuriyada Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana guddigan ay gaari doonaan magaalada Kismaayo oo shalay ay gudaha u galeen ciidamada Kenya iyo dawlada oo ay wehliyaan [...]

  8. [...] ganacsatada soo jeediyeen ee loo gudbiyey AMISOM ayaa la gaarsiiyey xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa oo shir halkaasi ka dhacay toddobaadkan [...]

  9. [...] sheegayaa inay taallo Kismaayo iyo hareeraheeda taasoo ah dhuxul la diyaariyey ka hor intii aysan ciidamada Kiinya iyo kuwa Raskambooni qabsanin magaalada Kismaayo, waxayna ganacsato badan ka rajo qabeen in marka dekeda Kismaayo dib u furanto ay heli doonaan [...]

  10. [...] dhuxusha dekeda Kismaayo ayaa joogsaday kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Raskambooni ay la wareegeen magaalada Kismaayo.  Waxaa jiray codsi ka yimid sarkaal Keenyan ah oo dhowaan warqad uu qoray kaga codsaday Qaramada [...]

  11. [...] Kenya waxay mudo ka labadan sanad iyo bar ay ku qaateen ciida Soomaaliya kadib markii bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay soo galeen Soomaaliya iyagoo markaasi sheegay inay ku raadjoogeen dagaalyahano Al Shabaab ka mid ah oo afduubyo ka [...]

Leave a Reply