Ciidanka AMISOM Iyo Kuwa Dowladda Oo Ku Wajahan Buurhakabo
Buurhakabo (RBC Radio) Wararka naga soo gaarayo degmada Buurhakabo ee gobalka Baay ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan halkaas, kuwaasoo ay ka wadaan ciidamada dowladdda iyo kuwa AMISO oo dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab.
Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa hadda waxa ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha, halkaasoo ay ka wadan dhaqdhaaqaq ay ku doonayaan in ku tagaan degmada Buuhakabo sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka AMISOM.
Shaley ayaa la sheegay in Al-Shabab ay ka baxday Buurhakabo, laakin xaley ayey dib ugu soo laabteyn sida ay sheegayaan dadka deegganka.
Ciidamda dawladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay horrey u qabsaday garoonkii ciidanka cirka ee Balli-doogle oo ku yaalla gobalka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka waxa kaloo ay labo maalin ka hor qabsadeen ,degmada Wanlaweyn oo ah degmo uu garoonku u dhow yahay.
Al-Shabaab deeggano badan ayaa laga qabsaday tan iyo sannadkan, waxa ugu dambeesay magaalada Kismaayo oo ahayd halkii ay ku xooganaayeen .
Degmada Buurhakabo ayaa la soo sheegayaa saaka in wax dhaqdhaaqaaq ah oo xagga nagacsiga iyo gaadidka oo sidaas u baaran uusan ka jirin.
Wixi warar ah ee ku soo kordha kala soco Raxanreeb.com











