C/naasir Seeraar: Majiraan Dilal Ka Dhacay Ka Dhacay Kismaayo (Dhageyso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo Magaalada Kismayo ay saacadihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dilal qorsheesan iyo falal amaan daro ayaa arintaasi waxaan wax ka waydiinay C/naasir Sayraar oo ka mid ah saraakiisha ururka Raskambooni.

C/naasir Sayraar ayaa wuxuu sheegay in magaalada Kismaayo ay tahay mid degan isla markaan aysan jirin wax dilal ah oo dhacay magaaladaasi.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan Rag ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya isla markaasina ay ku socdaan Baaritaano ay ku doonayaan in ay gacanta kusoo dhigaan dambiyada ka geysta gudaha magaalada kismaayo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan jirin wax dilal ah oo ka dhacay magaalada isla markaan ay geesteen ciidamada Halkaasi la wareegay sida Raskambooni iyo kuw dowlada.

Wuxuu sheegay dadka la qabtay in ay haatan baaritaano ku socdaan hadii danbiga loo qabtayna ay ku cadaato in la xakumi doono hadii aysan ku cadaana in la siidayn doono.

Hadalka ayaa imaanaya iyadoo qaar kamid ah Waxgaradka kasoo jeeda Jubbooyinka gaar ahaan Magaalada Kismaayo ay ka cabanayaan Dilal ay Ciidamada Dowladda ka geystaan halkaasi.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

HALKAAN KA DHAGEYSO WARAYSIGA C/NAASIR SAYRAAR

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “C/naasir Seeraar: Majiraan Dilal Ka Dhacay Ka Dhacay Kismaayo (Dhageyso)”

  1. [...] Continued here: C/naasir Seeraar: Majiraan Dilal Ka Dhacay Ka Dhacay Kismaayo (Dhageyso) [...]

  2. [...] Cabdi Naasir Seerar oo ka mid ah saraakiisha ciidanka iyo maamulka ku-meelka ee loo sameeyay Kismaayo, ayaa sheegay in wafdiga ka socday IGAD in ay masuuliyiinta la kulmeen ay ka wadahadleen maamulka loo sameenayo gobalada Jubbooyinka iyo Gedo. [...]

Leave a Reply