DAAWO SAWIRRO: Xaflad Lagu Taageeray Madaxda Dowlada Fedraalka oo Lagu Qabtay Denver


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Siyaasi Cumar Sowar

Waxaa magaalada Denver ee gobolka Coloraado ka dhacdey xaflad ay si qurux badan ay usoo agaasimeen shacabka Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah kuna nool Denver.

Xafladaasi waxaa isku soo dubariday Siyaasi Cumar Sowjar & Sundur Colaad oo wada kamid ah waxgaradka ugu firfircoon ee degan gobolkaan.

Ugu horeyn waxaa xaflada furay Sheekh Cumar Cadow oo halkaas ku bilaabay aayadaha Quraanka Kariimka ah, waxa uuna kaloo ka wacdiyey xaflada  isaga oo Sheekh Cumar Cadow ka akhriyey Muxaadaro ku saabsaneyd ala kacabsi iyo taageerida nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya.

Kadib waxaa halkaas ka bilowday xafladaaan ku saabsaneyd taageerida madaxda qaranka Soomaaliya waxaana ka hadlay oo  Waxaa qudbado kala duwan ka jeediyay madasha siyaasiyiin, aqoonyahano,culumo, iyo waxgarad dagan gobolkan Colorado.

Waxgaradka xafladaan ka hadlay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Denver Mudane Maxamed Nuur isagoo Warbixin ka bixiyay Jaaliyada Denver kadibna u mahad celiyay madaxweynihii hore Shiikh Shariif sheegayna in uu maanta suuragaliyey in si xora Muqdisho loogu doorto Madaxweyne Soomaaliyeed kadib laabatan sano.

Gudoomiyuhu wuxuu kaloo ka hadlay teegeerida ay mudan yihiin madaxda cusub ee dawlada Soomaaliya.

Intaas kadib waxaa ku xigsaday Siyaasi Cumar Sowjar kana soo jeediyay qudbad aad iyo aad u qiima badan. Sowjar wuxuu taageero iyo hambalyo u diray maddaxda dawlada kulana dardaarmay in ay ilaaliyaa sadeexdan qodob.

1- In ay dalka ku hogaamiyaan cadaalad.
2- Inay ilaaliyaa Sharciga.
3- In fursadaan maanta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed soo martay ay uga faaiideeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxa kaloo Siyaasi Sowjar sheegay hadii ay ku guuleystaan soo celinta dowlad soomaaliyeed  oo rasmi ah ay taariikhdu xusi doonto

Cabdiraxmaan Maleyshiya oo mid ahaa lataliyashii Raiisul Wasarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dhamaan madaxda qaranka uu wada yaqaano isago oo ka soo qeybgalayaasha u sheegayu in ay yihiin rag kasoo bixi kara shaqada adag ee u hayaan Dalka Dadka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo ka hadlay Sundur Colaad iyo Cabdiraxmaan X Dabcasar oo madaxda qaranka ku booriyey in ay dadka iyo dalka si cadaalad ah ugu wada shaqeeyaan. Waxay kaloo ka codsaadeen umada Soomaaliyeed in ay wada taageeraan Dowlada Fedraalka Soomaaliya  qaasatan waxa ay si gooni ah uga codsadeen  Jaaliya Soomaliyeed ee Gobolka Colorado in ay u istaagaan taageerida Dowlada Fedraalka.

Photobucket

Cabdiraxmaan Maleyshiya

Photobucket

Sundur Colaad

Photobucket

Cabdiraxmaan Xaaji Dabcasar

Photobucket

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee Denver Mudane Maxamed Nuur

Photobucket

Photobucket

Photobucket

Photobucket

Photobucket

Photobucket

Photobucket

Photobucket

Photobucket

Photobucket

Photobucket

Photobucket

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

10 Responses for “DAAWO SAWIRRO: Xaflad Lagu Taageeray Madaxda Dowlada Fedraalka oo Lagu Qabtay Denver”

  1. [...] Read the original: DAAWO SAWIRRO: Xaflad Lagu Taageeray Madaxda Dowlada Fedraalka oo Lagu Qabtay Denver [...]

  2. denver boy says:

    Walee reer denver wacdaray digeen.waa meeshii ugu horaysay ee si wada jira loogu taageeray.go denver

  3. muqdisho says:

    Guulaysta reer denver.

  4. xanaan says:

    zaki axmed malayaabantahay mase waad ku faraxsantahay? ani hadaan fikirkeeyga kadhiibto waa rag isku day fiican suubiyay maxaa yeelay wax aan reer denver looga baran beey suubiyeen qofki u qaato qabiil in sawirka kor laagu qaaday ama nin walba ninkii eey isku qabiil ahaayeen yaa ka fiican hee waaba hadii ee saas tahay ,,, laakiin xaalku saas maahan waxa aad ka shanqarineeysana looma tagain ee qaranimo eey u qabteen xafladaas oon horay looga baran reer denver kudayasho wanaagsan soomaalina qofkii dhiig ama qaran waxa uu yahay yaqaanaymeesha kama maqneen guul guul ragii soo qaban qaabiyay ….. laakiin anaka dumarkeenii waad naga tagteen intaasna kaftan kkkkk… soomaalia hanoolaato qabyaaladana haduugoowda soomalia ha is raacdo asc wr wbr

  5. Warkaa isii says:

    Oo kaley haweenkii Denver meeye mise man only party Ayuu ahaaa.?

  6. maandeeq says:

    Walaale gabdhihii meeye.

  7. wiil mudug says:

    Aad iyo aad ayaanu ugu mahad celinaynaa jaaliyada denver gaar ahaan formar presidential candidate aqoonyan cumar sowjar.waa lagu xisaabtami doonaa denver hadda iyo wixii ka dambeeya.mahadsanidiin.

  8. balcad boy says:

    Xaa loo yiri denver dad ma joogo.arooy sidaan u jeedo siyaasiyiin waa wayn ayaa jooga oo doolada taabacsan ayaa ii muuqda. Waad mahadsantihiin.

  9. ali kacaan says:

    Maant maanta waa maalin wayn maanta. Waxay u muuqataa in laba kacaani isla jaanqaadeen ilaahow ka dhig. Guul guul guul. Soomaaliya ha noolaato.

  10. m soomaali says:

    Waan salaamayaa reer denver. Waxaa taariikh ku noqotay denver xafladii u horaysay oo dumar la’aana laakiin waad dadaasheen. Gobal aad maraykanka ugu wayna waad dagantihiin ee firfircoonida badiya kolay siyaasiyiin cusubi way idinkasoo baxeene. Aad iyo aad baad umahadsantihiin.

Leave a Reply