DAAWO VIDEO: Afhayeenka AMISOM oo Ka Hadlay Xaalada Amaanka Magaalooyinka Muqdisho Iyo Kismaayo
Muqdisho (RBC Radio) Afhayeenka AMSIOM Cali Adan Xumad oo maanta suxufiyiinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay xaalada amaanka ee magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho.
Cali Adan ayaa sheegay in ay jiraan dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaaladaan laakiin ay jiraan qoresheyaal loogu talagalay in amaanka magaalooyinkaan lagu adkeeyo loogana hortago amaan darida.
Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan dad loo qab qabtay dilalkii loo geestay suxufiyiinta iyo dad kale oo ay ku jireen masuuliyiin oo ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasi oo haatan gacanta lagu haayo.











