DAAWO VIDEO: Howlgalo Dad Badan Iyo Walxaha Qarxa Lagu Soo Qabtay Oo Laga Sameeyay Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio)Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran maanta waxay ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxayna ku soo qabteen hub iyo waliba kooxo la aaminsanyahay in ay ka tirsan Al-Shabaab.

Raga lasoo qab tay ayaa waxa ay gaarayaan tiradooda ilaa 100-ruux sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Dowlada kuwaasi oo lagu sooqab qabtay Howgalkaan.

Sidoo kale howlgalkaan ayaa waxaa lagu soo qabtay Hub iyo waliba Walxaha qarxa kuwaasi oo ay wateen qaar ka mid ah dadka ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka dowlada Soomaaliya.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

3 Responses for “DAAWO VIDEO: Howlgalo Dad Badan Iyo Walxaha Qarxa Lagu Soo Qabtay Oo Laga Sameeyay Muqdisho”

  1. [...] Taken from: DAAWO VIDEO: Howlgalo Dad Badan Iyo Walxaha Qarxa Lagu Soo Qabtay Oo Laga Sameeyay Muqdisho [...]

  2. xog ogaal says:

    dawladu amaanka in ay sugto ayaa looga fadhiyaa waxaa kaloo looga fadhiyaa in ay xoriya muwaadiniinta ilaaliso .
    askartu hubka waa gataan dadkana waa baartaan waana laayaan waana kufsadaan dumarka arintaas waa in dawladu wax ka qabataa marka hore , askariga waa in lala xisaabtamaa . waxay ila tahay aniga in askarta mushaar la siiyo marka hore diraysna la siiyo lambarna { tiro } dhabarka iyo laabta looga qoro. si loo aqoonsado kan dadka baarta iyo laaya kufsada isbaaraysta iyo kan shaqadiisii utaagan , haatan askartu malaha direys la garan karo waxay qabaan tusaale ahaan surweel tuute ah iyo fanaanad sports ah IWM -
    dawladu waa in ay amaanka sugtaa , ilaa ay hesho askar asluub leh amaanka ma sugikarayso . waayo goortii askari aragtid ayaad naxaysaa ma ku baaran doonaa mise waa ku dili doonaa
    waxaad fiirisaan isagoo basaska rakaabka la hortaagan qoriga oo amaanku ufuran yahay oo leh : keen -2000 – keen -2000- ?????? rakaabkuna leeyihiin war sii yuusan nalayne ????????????
    askartuna waa inay mushaar heshaa ka dibna lala xisaabtamaa , waa in dhaqan celis lagu sameeyaa kuwa cabtooyda ah iyo koolaysatayaasha iyo tuugada iyo isbaaraystayaasha ku jira askarta ee magaca askarta dilaya – xumaynaya sumcada shacabkana dhibaya }
    dawladu waa in ay qortaa askar aqoon leh akhlaaq leh oo wax baratay dugsiga sare ka baxay ugu yaraan ,tababar ciidana la siiyaa ??????waa yaab xidigle aan wax qori aqoon . gaashaanle aan school galin , iyo gaashaanle sare oo jamhad ahaa ????????

  3. Diirshe says:

    Maansha Allah.

Leave a Reply