DAAWO VIDEO: Mudanayaal Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Soo Dhoweeyay Raysal Wasaaraha Cusub
Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaano Ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay raysdal wasaaraha cusub ee Soomaaliya kaasi oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya/
Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.
Xildhibaankaan ayaa wuxuu sheegay in Raysal wasaaraha cusub laga sugayo inuu la yimaado waxqaad dhab ah, maadaama haatana ay howlbadan hortaalo.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Iidle Xerow ayaa asna dhankiisa wuxuu sheegay inay la shaqeynayaan Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ku dhawaaqay qofka uu uxushay inuu noqdo Raysal Wasaaraha dalka Soomaaliya kaasi oo looga dhigay Cabdi Faarax Shirdoon.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












I hope xildhibaanadu somaliyeed in ay codka kalsoonisada siinayaan dr saacid
Tolow 14 xildhibaan ee reer garoowe xagay codka siinayaan ??? Kkkkkkk
Aleylee mowjad biyaha ah ayaa hafisay tuuladii garoowe. Ceeb caleek.