DAAWO VIDEO: Taliska Danbi Baarista CID Oo Ugu Baaqay Shacabka Inay La Shaqeeyaan Hay’adaha Amaanka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Taliyaha Danbi Baarista CID C/laahi Xasan Bariise oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan Taliska danbi baarista isla markaana qof danbi leh aanan loo baahnayn in ay dadka ku dhex jirto.

C/laahi Xasan Bariise ayaa wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ku soo wargaliyaan hay’adaha amaanka cidii ay arkaan in ay wado falal amaan daro.

Hadalkaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii Taliska Danbi baarista ee CID uu soo bandhigay shaqsiyaad ay ku sheegeen in ay ka danbeeyaan dilal ka dhacay magaalada Muqdisho.

Share

1 Response for “DAAWO VIDEO: Taliska Danbi Baarista CID Oo Ugu Baaqay Shacabka Inay La Shaqeeyaan Hay’adaha Amaanka”

  1. [...] See original article: DAAWO VIDEO: Taliska Danbi Baarista CID Oo Ugu Baaqay Shacabka Inay La Shaqeeyaan Hay’adaha Amaank… [...]

Leave a Reply