DEG DEG: Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” oo Geeriyooday


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka la magacbaxay Soomaaliland ayaa sheegaya in uu eeriyooday mid ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed.

Allah ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa habeenkii xalay ahaa geeriyooday  kadib xannuun waayadan dambe hayey oo uu dibadda caafimaad ugu aaday.

Wararka ayaa sheegaya in Abwaanka maalmihii ugu danbeeyay uu xanuunsanayay isla markaana ugu danbayntii uu u geeriyooday xanuunkii haayay xalay.

Maxamed Xaashi Dhamac ayaa wuxuu ka mid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn, waxaana Abwaankaan lagu xasuusan doonaa taariikhdii dheereyd ee uu ku lahaa hal abuurka Soomaaliyeed ee fanka qeybihiisa kala duwan. Waxaana tabi doona dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Abwaan Maxamed Xaashi waxaa jira Heeso iyo gabayo badan oo igu jira wadani iyo kuwo kale oo uu sameeyay oo ay ku luuqeeyaan qaar ka mid ah fanaaniinta waaweyn ee Soomaaliyeed.  Gaariye wuxuu kaloo ahaa macalin wax ka dhiga Jaamacada Hargeysa.

Alaha u naxariistee Fanaankaan Soomaaliyeed oo haatan ahaa mid da’ah  ayaa waxaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Hargaysa .

 

 

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

 

Share

13 Responses for “DEG DEG: Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” oo Geeriyooday”

  1. Inaa lilaahi wa inaa illey raajicuun. Abwaan malaha qoraaga si fiican uma yaqaanee waxaa kale oo uu ahaa qoraa, kamid ahaa qoraayadii afka soomaaliga gudigii loo saaray 1972. Allaah u naxariisto, sidoo kale waxuu ahaa ninkii horumarayay maansada soomaliga isagoo u sameeyay waxa loo yaqaan “miisaanka Maansada”, oo ah sida maansada soomaaliyeed u socoto iyo heerarka gabayga. Allaah u naxariisto nin weyn baa ummada soomaaliyeed ka geeriyooday.

  2. maxamed says:

    ilaahay ha unaxariisto jantu fardowsana wanu urajeynayan insha allha ilaahay ha unaxariisto inaalilahai wan inailahi raajicuun

  3. cawaale says:

    fanaan lama oran karo gaariye ee waa gabayaa waliba nooca hore ee gabayga soomalida ku caan baxay, wabadan buu ku soo daray maan sada soomaliga waliaba waxuu ahaa lafa guriga xagga suugaanta ah , waxuu kaloo qoray boogaag xaga suugaanta ah

  4. hayaan says:

    illahay kuu naxariiso asaga iyo intii muslim ah ee maalmahan dhimatayba amiin

  5. saynab garad says:

    inaalilahi wa inaa ilayhi rajacuun geeriyeey xishoodlaay xejiyaay fogeeyay

  6. Xasan says:

    Aan saxo qoraaga’e Abwaan Gaarriye waxa uu ku geeriyooday Norway ee Hargeisa kumuu geeriyoon.
    Allaah naxariistii Janno ha ka waraabiyo’e Gaarriye waxa uu ahaa nin qiime badan oo dalkiisa iyo dadkiisa jecel.

  7. c/nasir says:

    asc allaha hawnaxariisto abwaan maxed xaashi dhamac gaariye wuxuu ahaa shaqsi muhiim ah fanka & afka somaliga hurumarintiisana wuxuu kaqaatay qayb libaax ilaahey waxaan uga baryaynaa jantul firdawz in ilaahey ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo iimaan kasiiyo,

  8. Suugaan Tanade says:

    Gaariye Alle ha u naxariisto wuxuu ahaa Aaabaha Suugaanta lama iloowi doono

  9. abwaanka qarniga says:

    marxuum Gaarriye wuxuu ku dhashay Magaalada Hargeysa ee caasimada somaliland 1952. Waxana korisay eeddadii oo dhimatay isaga oon da’yar. Marxuumku waxa uu ku soo dhamaystay waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare intii u dhaxaysay 1960 ilaa 1970 Magaalooyinka Hargeysa iyo Sheekh, ka dibna wuxuu ku biiray Kulliyadda Lafoole ee Afgooye, halkaas oo uu shahaadada BSc (Suugaanta Engliahka) ka qaatay 1974. Wuxuu bare ka noqday dugsiyo sare oo dhawr ah ilaa 1976. Sannadkii 1977 ayaa loo beddelay Kulliyadda Lafoole oo uu ka dhigi jirey Suugaanta Soomaaliyeed. Muddo yar ka dibna waxa loo magacaabay guddoomiyahaWaaxda Suugaanta Soomaaliyeed ee Kulliyaddaas.
    Sannadkii 1980 ayuu ku wareegay Akaademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Halkaaas oo uu ka shaqaynayey ilaa 1982, markaas oo uu ku biiray halgankii hubaysnaa ee lala galay taliskii Siyaad.

    Waxa uu sannadkii 1973 helay miisaanka maansada Soomaaliyeed (taas oo ah qawaaniinta xukunta dhismaha maansada). Waxaanuu markii u horreysay si taxane ah ugu daabacay joornaalkii Xiddigta Oktoobar sannadkii 1976. Isla sannadkaas buu ku biiray Guddigii Af-Soomaaliga ee u xilsaarrayd erey-bixinta iyo cilmi-baadhista afka iyo suugaanta. Wuxuu wax ka qoray riwaayaddii Aqoon iyo Afgarad 1971.

    RABI ha u naxariistee Prof. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Wuxu qoray sannadkii 1979 riwaayad aan iftiinka arag oo la yidhaahdo Eed Hooyo laga Galay. Wuxuu ka mid ahaa abwaannadii ugu waawaynaa ee ka qayb galay silsiladdii caanka noqotay ee Siinley sannadkii 1973.

    Isagaana bilaabay silsiladdii xiisaha badnayd ee Deelley sannadkii 1979. Waxaana faan ugu filan inaanuu weligii gabay qabyaalad ah tirin.Inaali laahi wa inaa ilayhui raajicuun.

  10. Ali soomali says:

    “innaa lillahi wa inna ilehi raajucuun” anigu ma oranayo fannan ama gabayaa ee wuxuu ka mid ahaa geesiyiinta Somaliyeed ee usoo halgantay qaranka Somaliyeed AHUN.

  11. Axmed says:

    Nin culus oo ixtiraam iyo amaan ka mudaystay bulshada soomaliyeed ayuu ahaa ilaahay jannadul Fardowsa ha ka waraabiyee.Runtii suugaan badan oo uu abwaan Gaariye AU uu tiriyey.

  12. Qaasim says:

    mar u marxuunku jaamacada nogu yimi lecture u ka bixinayay runti wax yabo badan baanu ka faidney
    http://www.youtube.com/watch?feature=endscreen&NR=1&v=7ASptuoPJWU raximullah

  13. Maxamed Deeq says:

    Innaa Lilaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Gaariye Ilaahey naxariistii janno ha ka waraabiyo. Waxa uu ahaa Maansayahan, ay Soomaalidu ku xasuusan doonto maansooyinkii faraha badnaa ee uu tiriyay iyo halgankii dheeraa ee uu uga soo horjeestay xukunkii jaariga ahaa ee Afweyne. Mar kale, Abwaanka Ilaahey ha u naxariisto, innaga oo dhanna samir iyo iimaan ha naga siiyo.

    Wa Billaahi Towfiiq,
    Maxamed Deeq

Leave a Reply