DEG DEG: Cabdi Faarax Shirdoon Garaad oo Si Rasmi ah Loogu Magacaabay Raysul Wasaaraha Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Rasaare Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Garaad

Muqdisho (RBC) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow ku dhawaaqay wasiirka koowaad ee xukuumada dalka hogaamin doonta mudada uu soo socota.

Madaxweynaha oo gordhow shir jaraa’id ka hadlay gudaha madaxtooyada ayaa ku dhawaaqay in “Cabdi Faarax Shirdoon Garaad” oo ku magacdheer “Saacid” uu yahay raysul wasaaraha dalka.

Madaxweynuhu wuxuu u rajeeyay raysul wasaaraha cusub inuu ku guuleysto dhismaha xukuumad tayo leh uuna dalka ka samatabixiyo marxalad adag ee uu ku jiro.

Waxaa xafladan lagu dhawaaqay raysul wasaaraha goobjoog ka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka dalka.

Haddaba waa kuma raysul wasaaraha cusub? goordhow la soco Raxanreeb taariikhda raysul wasaare Shirdoon.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

92 Responses for “DEG DEG: Cabdi Faarax Shirdoon Garaad oo Si Rasmi ah Loogu Magacaabay Raysul Wasaaraha Soomaaliya”

  1. Axmed says:

    Guul Guul Guul THANK YOU MR.PRESIDENT !! NO MORE GAAS OR FAROOLE, VIVA SOMALIAAAAAAA !!

  2. jugsodhacay says:

    SAACID WAA NINKII UGU HOREEYAY OO SOOMALIYA KAQABTA XIL SARE OO LEH BALWADA JAADKA WAANA TAARIIKH CUSUB EE AAN WADA SUGNO SHEKADA QAYILADA WAXAY DHASHO.

  3. AYAAMAHA says:

    SAACID MARHORE AYUUBA DIYAARSANA OO SHACABKA MASAAKIINTA AH AYAA LA MAAWELINAYAY MALAHA WAXA LA DIIDANAA IN HORAY LAGA MAGACAABO OO BALWADA JAADKA LASHEEGAYO BANAANKA LASOO DHIGO.

  4. faagfaagte says:

    to: Jugsodhacay

    kkkkkkkkkkkkkk, ninkii aabihi la dilay oo inta aarka doontay irbada soo xaday miyaad noqota.intaasi makaa caybaa.

  5. Birjeex: says:

    M/weyne iyo w/koowaad jeebka ugu jira Soomaaliya iyo
    Caalamka Kama shaqeyn doonta. Waana xaajo loo noqon.

  6. Muwaadin says:

    Soo dhawoow, soo dhawoow, soo dhalo Mudane Raysal Wasaare Saacid Faarax Garaad.

    Guuul Guuuul Guuul. Mansha’Allah! Ilaahoow u fududee oo nooga dhig kii loogaga raysto colaada, qabyaaladda, iyo Dawlad la’aanta. Aamiin!

  7. somalida adisababa says:

    allaw adaa soomaali umaqan ma waxaasu bisha ka fakarahaya xasan shiikh maxamuud waxaa cadaatay inuu san nin kartile ahayn maadama uu hal bil qaatay hadana nin muqayila keenay
    allaw alle

  8. Ahmed says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkk bal say ushaqaysaan doonaynaah inaan goob joog u ahaano doray nin mu qayeleeh in kastoo al salaax diin toodo ahayd mid maqaar sar ah kkkk

  9. Sugaal says:

    Way ku dhacday damal jadiid, ceebay tacaal, war Xasanow ma sidaad baad ahayd?

  10. Ali says:

    kani isagaa lugihiisa isku toogtay, soomaaliya in si khiyaano ah ay ururka damjadiid gacantiisa ugu dhacdo waa waxaan la filayn. teeda kale habdhaqanka xassan neef waxad moodaa in uu rabo in uu wadanka dagaaladii sokeeye ku celiyo. soomaaliya maantay si fiican u kala tagtay ninwaliba gurigiisa ha ku ekaado. nimanka muqdisho xooga ku haysta marna heesta calanka qaada, oo markalena qaada heestii soomaaliyey tosoo toosoo isku tiirsada hadana guryihii soomaali xaaraanta ku degani waxa markhaanti ma doonto ah inayan nabad rabin. kooxda muqdisho waxay dagaal af iyo adin ah ku hayaan kismaayo, iyo puntland waxay kaloo dacaayad ku hayaan ciidamada kenya iyo kuwa ethiopia halka ay kuwa ugandha oo madaafiicda xamar ku garaaca leeyihiin waa walaalahayo. xassan neef wuxuu bilaabay inuu dhaho ururada rayidka ee muqdisho ayaan la tashaday sida kuwii guulwade tarsan, xaad, iyo axmad bililiqo.

  11. A Aziz says:

    Is bedelka iyo wajayida cusub waa soo dhawaynayaa waxaa aad u jeclaan lahaa in madaxweynaha iyo raysalwasaaraha doorashada dambe ay noqdaan dadka loo baxshay 1/2 ka waayo cadaalad ayaa sidaas ku jirta sida ay hada wax u socdaan waa (immoral )

  12. hakunamataata says:

    waar ba suga,waar yarku ma saacid buu isla Gaabinayey? kkkkkkkk waa sheekada qayilaada iyo tumashada LIILAlow….. waan fahanay… waar sheekadu waa raaskaabooni iga celi,

  13. caraseedo says:

    Maansha Allaahu waa guuuuuuuuuul waana soo dhawaynaynaa Saacid FaaraxGaraad shiirdoon,Ilaahay ha kula garabgalo hawshaas laguu doortay [[aamiin]]waxaana rajaynaynaa inaad noqoto shaqsi ilaaliya,cadaaladda,wadajirka,soomaalinimada,haddii kale xaaladdu waa halkeedii[[cakiran]]sharkoodana Alle hakaa qabto,soomaaliya ha’israacdo.

  14. samatar says:

    soo dhawaw raysal wasaare.hadaad latimaado walaaltimo iyo shaqo,waa sax hadii kale oo uadeegto isbahaysiga sharka ee kusooduuley kismaayo waa inoo xabad we are 8 million

  15. Puntland oo wadanka horumarkiisa gacan wayn Ku lahayd aqoonyahanadeedii waa la diiday, rag saaxiibo ah ayaa meesha isku aruursaday. Ila araghee.

  16. Ismacil says:

    Waan ogaa hadii nin reerkaas laga dhigi waayo in baroor dhaceyso oo hada daacayad kale mala wayaya oo aan balwad aheyn aad aan ugu faraxsanahay ninka uu magacaabay horay ayaana u ogaa in reerkaas laga kenayo guul guul guul

  17. cusmaan says:

    waxeynu ka warsugeynaa leaders kayaga, hadey soo dhaweeyaan, weynu soo dhaweyneynaa, all eye on faroole,.

  18. ubax says:

    Ascww, Ahmed hal baan ku oran lahaa ee imaqal, horta waxaad tahay nin XAASID ah, qabyaaladi dilootay ee wax iskula har, bal qabsoo ninka Gaas la yiraahdo waa nin mutacalim soomaaliyeed ah xumaana kuma aadan arag, waxaad ku nacaysana waxaan u maleynayaa waa isir naceyb ee dib isugu noqo dadku waa wada walaale iyo qaraabee. Mida kale Faroole isaguna waa mutacalim dadkii uu ka dashay ayaana u dhiibtay maamulka ee ma waxaad ku naceysaa war qaska naga daayadii uu lahaa iley waxaan maleynayaa aabahaana ma uusan dilin cid uu dilayna hadda uma aadan taagneyne, wax iskula har, saacid iyo iyagu waa dad wada walaala ah ee horta soo baro iskana daa XAASIDNIMADA IYO QABIILKA sida fooshaxun aad u isticmaaleysid.
    Wabilaahi ;towfiiq.

  19. cajaaib says:

    Xaq ma aha sida wax loo doortey!!!!!! sababta waxaa weeye naagtiisa ayaa kula talisey in ninkan la soo doorto.. Shame on you Mr. President.

  20. j werdi says:

    raisal wasaraahan la soo magcaabay uma malaynayo inuu wax ka bedelayo siyaasadii cakirnayd ee somalia xaalkun waxa uu isugu biyo shubanayaa ka dar oo dibi dhal somaliy waxa burburiyay wa cadaalda daro iyo muquq maasuq uma baahana in lagu si taagnaado dariiqa quusta ah e waa in looweec daa xaga dariiqada rejada dhaliisahydu maaha mid aan ku dhaliilayo shaqsi ahaan sacid garad lakiin waaa mid aayn ku salaynayo in magacii jamhuriyada somaliya lagu koobay gobolada koonfurta somalia hadaan in yar ka taabto cadaalad xumida heerka ay gaadhay madaxweyanah somalia waaa ninku dhashay kana soo jeeda koonfurta somalia sidoo kale raisal wasaaraha aya isna h nin u dhashay koonfurta somalia sdioo kale afhayenada baarlamka ayaa iyana dhamaantood ka soo jeeda gobolada koonfureed xagee lagu ilaaway goboladii somalia e kale oo weliba ahaa kuwii ugu horeyey ee xoriyad laga qaato lagana dataago calan soomlaaliyeed oo xor ah xasuusin waxa iga ah gobolada waqooyi e somalia kuma koobna oo keliya inta ku dhawaaqday inay somalia kala noqdeen kalsoonid kana go’een e waxa jira gobolo badan oo weli aaminsan mawqifka somalinimo ugu danbayntii waxaa ku soo afmeerayaa aragtidayda arimahaan laga wado muqdisho wa kuwo loogu gogol xadhayo burburka iyo kala go’a somalia laguna dhiirinayo dadka qaar iany ku sio adkaystaan mabaadidooda ah kala go ‘a somalia

  21. mohamed says:

    caawa waa habeen qaad iyo marqaanka bilbuu lamaqnaa sheekadaaan cusub waa layimi waxay dhasho aan sugno sheeko cusub iyo marqaan..
    xasan wuxu ahaa baa soobaxday 4 sano oo khasaaro ah iyo isdaba wareeg…. somaliya oo noqonaysa dukaan lagu shaqaysto oo koox al islaax layiraahdo ufuran iyo villa somaliyeed oo isku badasha makhaayad lagu qayilo…..kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk film aan dhamaad lahayn

  22. CALYAW says:

    WARYAARAHEE DAMJADIID ILAYN MABA XISHOODAAN WAA MAXAY MADAXWAYNE IYO RAISALWASARE KAWADA TIRSAN 1 XISBI ,DAMJADIID MAWAXAY MOODEEN INAY KU GUULAYSTEEN DOORASHO XISBIYO AY WADA GALEEN, AAWAY TAGERAYAASHII FARMAAJO MISE BANAANBIXII WAA LA DIIDAY HADAAN KAFTAMO, FARMAAJO,GAAS,SHARIIFXASAN,SHARIIFSHIIKH,GALEYR OO DAADKU WADA QAADAY BALSE SUAASHU WAA AMAA LOO DARSADAA?????????????

  23. ahmed says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kud ka guur oo qanjo uguur ahaaa

  24. Galmudug says:

    Maashaa Allaaah waxaan ilaahay kabaryayna inuu noqdo kii lagudiirsado DR,saciid waana shaqsi reeer Galmudug ah reer galmudugna waxay hidda u leeyihiin difaacidda dalka soomalia iyo khayradkisa. Hunguriland faroolkeedana geedi socodka nabadda dhinac hakaraacen kkkkk.

  25. Ali Sanaag says:

    Waa bilaabatey, nin dhulkiisii Alshabaab haysato ayaa raysul wasaare laga dhigey, waa Another fiasco, maxaa dhacay oo awoodu ay isugu tagtey Koonfur, maxaa diidey Waqooyi iyo Waqooyi Bari in laga soo magcaabo raysul wasaaraha,

    Ha ka saarto BAL, bal waa cida la shaqeysa

  26. deeqa says:

    AMIN CAMIR BA SHEGAY NINKANI INU MAAWELO WADAY AWALBA WUU HAYSTAY NINKANI NOQNLAHA XOOGASIYASADUBADALAYA CUSBO CAMAL MANSHA ALAAH SOMALI HASOODHAWaYSO NINKA CUSUB HANALASHAQAYSO WARJIRABA CAKURUIMANAYYE YANLAGA HORDHICIN MARQAANKA IYO HAWSHAN NAGADAYA MASULIYINTAKALUTAAS KALAMIDYAHAYE

  27. Muwaadin says:

    Amxaarada ku waalatay Raysal Wasaaraha qaadbuu cunaa ma waxay rabeen hadaa inuu sida Ina Gaas doofaar cuno? kkkkkkkkkk

    Cunto kaliya nin cuna sida Ina C/rashiid iyo Gaas oo overweight noqda ma doonayno e lasocda yaah?

    Wuxuu doono ha liqee Ninkaan Dalka wax ma nooga qabanayaa weeye su’aashu? Muhiimadu waa intaas. Jawaabteedana Waa in aan ka warsugnaa. Bye bye bye Byyyyyyyyye

  28. Axmed says:

    Caruurtii Pintilan ilma Faroole ayaa meeshaan ka cabaadaayo kkkkkkkkkk Viva Xasan sh.Maxamuud R.I.P a.k.a Pintiland

  29. ahmed says:

    Illaahey dhinaca kheyrkiisa na soo aadiyo, waxaa laga yabaa hadii “muqayil” yahay inuu dhaami doono kuwo “shiyuukh” oo cadaalad hareer mara. Muhiimadu waa cadaalad. Ninka waa ganacsato oo illaa xad ku kalsoonaan karo hantidiiisa bedelmaa la keeni lahaa kuwo gaajeysan oo hrey qasnada wixii ku jira aruursanaya. Ee cawaadka hala dhaafo sida Prof’s Jawari iyo Xasan loo soo dhaweeyey haloo soo dhaweeyo ee shaashada qabiil yaan laga eegan.

  30. baaruud says:

    mid kalaa dhiman ee suga haduu faroole soo dhaweeyo waa sii jiri doonaa haduusan soo dhaween dee xaalku markaas si kalay isu badalaysaa kk ha moogaanina taas hana u dayma la aanina hala sugu madaxwaynaha kale ee soomaaliya

  31. wadani says:

    QUM-JADIID.
    Bal aan aragno meesha ay ku biyo shubato. Puntland mowqifkeeda kala socda mardhow halkaan RBC

  32. Zack-London says:

    Somaliland,Puntland, Azania state ka go ah soomaliya………waan ka falaxashtey siyaasada soomaliya………markuu saxiibkii u magacabey jeegada ……..La taliya Madaxwaynaha oo ah Caasha Xaaji Cilmi ninkeeda waa Cabdi Faarax Shirdoon Garaad……………maalin walba suuqa waxey ka shegeysey ninkey baa la u magaabayaa raysul wasaaraha dalka. lakiin qofwalba waxuu islahaa naagtu way walan tahey…..lakiin maanta ayey run noqotey

  33. puntlander says:

    warnimanyahow mas;uulka intan lacayn horta aqoon fican ma,uledihin ,haddu muqayil yahy oo reer kenya noo ogyihiin dowladu waa fashil barlamaankana qaadka ayuu bari doona

  34. Mur iyo deebaaq says:

    Alle mahadiis weeye haddii NGOs iyo Ganacsato maanta gacanta nagu dhigeen walee wax badan waa laga shekeen meesha Soomaaliya ay geeyaan Raggan u soo shaqeyn jiray Gaaladda oo weliba jaajuuska iyo war u geynta Reer Galbeedka Ururada u shaqeeyn jirtay Cilmi baarista lacagta lagu siin jira. aniga ma u maleynayo Saacid iyo Xasan Sheekha aan arkay in Soomaaliya ay xasilinayaan waana dad Qabyaalada u qarsoon tahay oo weliba isku bahaystay.

  35. Wooooooow reer faroole tacsi ayaa u taala

    Viva Gedo kacaankii ayaan soo xasuusneynaa. Kkkkkk.

    Alleylehe meeshii waan ka saarnay reerkii magaca lahaaa kkkkkkkk.

    Reer khaatumo iyo reer gedo waa isku mid siyaasad ahaaan. Hal goal ayaan leenahay

    Awalba waan sugeynay mid reer khaatumo ah ama mid reer gedo ah taasina saan hore madaxweynaha ugu sheegnay ayey noqotay.

    Guuul guuul khaatumo iyo gedo. One policy.

  36. muqaliyilka waxaa kaxun kan qabiilku tiibeedu kunoqotay eegadaal laga taaganyahay ,waxaan qabaa madaxwaynihu waa asiibay ,,labo arimood 1)waa nin gobalkii uu udhashay hol cayo 2)beeshiisu wali somaalida dhexeeda sumacad ayey kudhexleedahay wali kaarkoodu maguban sida dadka qaarki ,dad qabiil dishay maahan waxaana isla nahay reer galgaduud dagaal jahli ah waana soomaray laakiin maantana dadka ayakaan ugu kalsoonahay waana muwaadiin-waligood gumaysi diid ahaa

  37. Libaax-libaax DHalay says:

    Wabigaan Amxaaraa walaaqowhayda oo Soomaalay ku xumaynayhowdaa!…Xasana wauxuu keenowhaayaa Saacid oo Soomaalow ku xumanowhaayaa, Cabdi-Qaasim wuu qoslowhaayaa, oo Xasan-qoslaaye aa warkow u sheegyay ka yeelay, Saacid in lakeenow rabyay oo Jubbada Hoose aw rabyaa inow ku qabsado, Xil-dhibaan Caashana (Saacid Xaaskiisa) Xasaneey u sheegtay Saacid hadow ra’iisal wasaare noqdo Mooska Jubbada Hoose laga dhoofinowhaayo aa Commission lagaa siinowhaayaa!!!!…..

    Jawaari oo sacbinaya “Mada-wiinaaga si faylan yaa weele, Puntland in gooyi, kibirshee aa badadi ogtaa, Baydhabo yaa kooyi, Balad-weyne yaa ha boogadi, yaa, lankun oo kaleeto yaa liin baahanye, Puntland Kiberhee yaa tusi ma aragnee!”11…

  38. shamso says:

    laba shariif ayaa baxay 2 laba faarax waa imaadeen faarax saacid iyo faarax farsamo kkk qosal badnaaa

  39. Abdu says:

    waaka xasan waa u dhamtaye nin jilicsane bu aha hadan wuxu keenaye nin ka sii jilicsane

  40. ISMAACIIL says:

    KKKKKKKKK SOOMALIYA WAXAA CINQILAAB UUSAN DHIIG KU DAADAN KU QABSADAY DAMJADIID OO ISUGU JIRA URUR ISLAMI QUNYAR SOCOD AH IYO NGO ,KKKKKKKKK WAXAA LALAHAA BAD BAA LAIIBSAN LAAKIIN MARDHAW WAXAA WADANKA LAWAREEGAYA NGO MEELKASTA QANDARAAS KU SIISA SHIRKADO.

  41. somali says:

    Puntland iyo faroole waxaa looga fadhiyaa in ey wada shaqeyn la yeeshaan R/Wasaaraha Cusub.Madaxweynuhu go’aam lagu farxo ayuu qaatay,wuxuuna muujiyey in somalida isugu mid tahay oo xilka uu qaban karo qof kasto oo ka soo jeeda beesha loo wado xilka R/Wasaaraha wuuna ku mahadsan yahay waloow aan ka jeclaa inuu markan soo magacaabo ama hadane waab ku qancayaa magacaabista madaxweynaha,sababtoo ah isagaa sharciyan u leh inuu R/wasaare ka dhigo cidii uu u arko in ey mudan tahay.faroole iyo labadiisa ito xusey iyo kooxda ku qareegsan aan ka war dhowrno.

  42. samatar says:

    @ puntlander wuu qayilaa waliba gangeetahaa ayuu cunaa bal aan mirqaanka eegno

  43. Rooraaye says:

    Waxay soomaalidu tiraahdaa nimaan wax qaybin jirin haduu wax qaybiyo nimaan qadi jirinbaa qada nigu awalba waa ogaa inay meesha wax oolin war soomaali wey kala tagtey orodna maaha ogoow haduu qaskii biloowdey haday wax ismoodeen ha ogaadaan somaali inay wax u hayn

  44. galdogob says:

    Kanaxow nafta waa. Guuul guuul Soomaalia hanoolaato

  45. samatar says:

    damjadiid waa shaadh cusub oo dhawaan lagutoley muqdisho,lasocda siyaasada

  46. SUULDHABAALE says:

    Xin Puntland iyo xaasidnimo loo qabo ayaa lagu magaabay- xalna ma uu keeni karay oo waa habeenkii xalay ahaa oo tagey!!!!

  47. prof piccolo says:

    waa nin dhiig badan ku qubey somaliya oo ahaa PM ama koofiyada casa oo 1989 dad badan oo wadaado ah ku layey hodan haddba ninkani waa in lagu kacaa waa nin shacb badan ku laayey somaliya

  48. WARSAME says:

    GALMUDUG=== GALMOORYAAN ADIGOO XAAFADA BARAXLEY AH JOOGA MAXAA U SHEEGAN DAD DHALASHO IYO DHUL AHAANBA KAA WAYN WAXII WADA SOCOD AH AMA DERISWANAAG AH WAA HALKEEDA LAAKIIN SHEGASHADAADA WAA EDEB DARO ADOO JUFO HOOSE AH INAAD SHEEGTO DHUL IYO DAD KAANA FACWAYN KAANA TIRO IYO TAYO BADAN WAAKUGU DANBI.

  49. ahmed---------- says:

    waxaan hubaa boqolkiiba boqol wax qaad cuna inuusan wadan caqli aafimaad qaba iyo masuuliyad lahuwiyana uusan qaadi karin midda kale umadda soomaaliyeed oo caqliga saliimkaa kujiro waxay dagaal uugu jireen nin qaad cuna inaan ciidan dawladeed laqorin nin qaad cuna inaan gabar looguurin oo lasiinin gayaana uusan u ahayn gabar soomaaliyeed ,dadaal dheernaloogu jiray sidii sunta caraan ee jaadka oo la’ogaaday baaritaan dheer inuu yahay daraagis aanan ufiicnayn caafimaadkaqofka bani’aadamkaa iyo dhaqaalo iyo diin iyo akhlaaq intaba , haddaba ma’maantaa masuuliyaddii uugu sareesay soomaaliya laga dhigay oo ah reeysalwazaare ,haddaba arintu waa ceebeey kaalay iyo mustaqbal guri madaw kudambeendoona soomaaliyana waa udhamaatay gabagabadiina waxaan leeyahay madaxweyne xasan waa fashilmay waana fashilkiisii labaad intii ladoortay oo kala ah tan koobaad qaraxii lagu khaarajin gaaray m.xasan iyo wiilashii qaaligaahaa ee ushaqaynaayay sntv oo laqaarajiyay tan labaadna waa magacaabiddaan lamagacaabay RW nin qaad cuna waana nasiibdarro waxaana leeyahay umuuraha allow sahal …..scww

  50. GALAADI says:

    DARWIISH KHAATUMAAWI KKKKKKKKKKKKKK WAALIDAADA AYAAN KAYABAY MAALINBA MANIN CUSUB BAA CALANKA U SIDAA ADIGA INAAD SOO BAXDID WAXA KUU DIIDAY KAMA FAKARTID LAAKIIN WAXAA KAFAKARTAA SIDII NINKII CUSUBA CALANKA AAD UGU QAADI LAHAYD SIDA SIILAANYO,FAROOLE,SHARIIF, FARMAAJO. SAACIDKAAN HADA LAMAGACABAY

  51. Waaryaahee, waaxay dawlada muqayiliinta isugu biyo shubatay, waa yaabee xagey kusocon dawladani,

  52. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin walaalayaal. Congratulation, hambalyo ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkeena. Ilaaheey prime ministerka, iyo madaxweeynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka iyo dhamaan inta masuuliyiinta noo ah shaqadooda ha u fududeeyo, oo haka dhigo ilaaheey kuwa dhinaca wanaagsan Somali u jiheeysa, soona celiya walaaltinimada dadka Somaliyeed ka dhaxeeya, una gargaara dadka danyarta ah ee wadanka goboladiisa kala duwan ku dhibaateeysan. Amen.

  53. Wiil-Mudug says:

    Waan in lasoo dhaweeyaa Ra’iisal wasaaraha cusub, koley dad xanuusan la waayi maayee, loona rajeeyaa in guulaysto, laakiin Buraanbur badan baan arkaa, iyo Ra’iisal wasaaruhu waa qayilaa,haduu qayilana, meeshaan shaqaa laga rabaa Ra’iisal wasaaraha anagu taas baan kasugaynaa, imisaa qof baa balwad leh howlkarna ah, Obama sigaar buu cabaa, meeshuu gaarayna waan aragnay. Marka Ninkaas hala taageero qunjufaarka inta la iska daayo, mideeda kale hadaad mucaaridid siyaasinta aan kula qabiilka ahayn soo kuwaaga la mucaaridi mayo.

  54. al saacid ku soo dhawoow meel u baahan in wax lataro ee aan wax laga tabcan dad bur bursan oo dhisid u baahan dal kaaagu maaha dal raaxo u diyaara waayo wuuu bur buray dhisid buu rabaah al saacid jigadaadu waa heer sare laakiin maata dhib baa laguu dhiibay ilaah baanu kuutuugaynaa kuu baryaynaah dee alahaabaanu kuu waydiinaynaah in uu kuu fududeeyo aaaaaaaaaaaaaaaaaaamin

  55. Abdul says:

    ma moodaa madaxwaynuhu inuu labadii jago isku darsaday, oo uu dheelay sheekadii dawacada iyo goroyada, dawacadu subaga ay cuntay u marisay afka goroyada. wasiiradiina hore ayaa muqata in loo sii magcaabay.

  56. hambalyo raysul wasaare ilaahay hakaadhigo mid umadiisa u adeega ilaahow khayr kaaga natus shartaadana naga leexi uduceeya khayrna rajeeya xumaan looma baahna nin walba waxa tartamayay nin ay isku qaraabo yihiin lakiin hada nin ayaa lagu dhawaaqay waa in aan wada taageerno

  57. Mohammed says:

    Wale Puntland Niman Aqoon u laheyn AMA xaasidnimo iyo cuqdad ay dilootey ayaa hadalka qaarkii ku hantaataqa, Laakiinse waa loo jooge kkkkk Faroole lalama tashanin sidee bey Dawladan uga shaqeeneysaa Somaliya? Waa fashilantey midaan ee iga Ginaanad!!!!. Insha Allaah wey dhicisoobeysaa lol.

  58. dirira says:

    pr gaas waa ninkii dajiyay kaartadii dadniomada kugu soo celisay adigoo aduunwaynuhu aminsanaa inaad tahay inaad tahay cayayaan ka uliita mr madaxwayne waa ninkii isaga dartiis iyo dadaalkiisa aad ku timid oo lawda ogsoonahay anigu nin reer muqdisho ayaan ahay waxaan aaminsahay reerka aad colaadsanayso ay yihiin indhaha soomaaliya ku tusaala qaado kii kaa horeeyay caalamka oo marnaba ka marnayn siyaasada soomaaliya ogsoonow in laguu diyaarshay wixii aad ku shaqeen lahayd next four years

  59. Asad says:

    waxan u hanbalyeeynayaa raisul wAsaraha cusub so dhawoow haddan nahay shacabka khaatumo ssdf iyo snm ayaa halkan ka cayaaya raisul wasaraha wa dad ay dishay cuqdAd qabil nacayb iyo isla weyni aan meelna gaarsiisanayn haddan nahay shacabka khaatumo state waa u hanbalyeeynayna waxana ku so dhawaynaynaa walaladay reer gedo gacmo furan wana la shaqaynayna

  60. Koofiyad-Cas says:

    Amxaaradii maanta waxay ku waalatay, weeynee, weeynee, Faroolee, Faroolee. kkkkkkk

    Reer Faroole intay Farmaajo iska ilaalinayeen baa Faarax soo kuday juG! kkkkkk
    Ma Faysaladay iska ilaaliyaan mise Farxaanyada? Wareer.com! kkkkkkkkk

    Ala Maxaa ku dhacay, Amxaaradii Maxaa ku dhacay? kkkkkk waxay dhexbartanka u galeen Khaatumo iyo Gedo kkkkkkkkk maxaad ka filaysaa maxas Khaatumo iyo Gedo dhexbartanka u gashay, Galbeedka Puntlandna dhexdhexaad ka noqday? kkkkkkkk

    Hands up, maxasyahay! Waa la idinsoo dhaweynayaa oo la idiin Cadaalad falayaa Ileen ciduna XAQA kama sarreysee, hadaad miniic keentaanna ogaada cida aad la deal gareynaysaan waa taqaanaan, Kabihii waaweynaa ee Policio Milatare baa laidin kula tumanayaa. kkkkkkkk

  61. saraar says:

    Madaxweyne Xasdan Shiikh waa saxiixe u shaqayn doona aragtida Faroole. waa inu hadda dhaho No federaal

  62. nora says:

    Waxay Ilatahay Wax Qabadkiisa In Lasugoh Masuulkaas Cusub Ee aan Dhaliil Laga Horagayn Balwada Qofku Mihimad Uma aha Shacabka Ee Waxqabadka iyo Shaqsiyadiisa baa Mihiim ah.
    Haduu Qayilana waa Sidi La Rabay Oo Waxay Somalidu ka Raysanaysaa Madax Weyne iyo Rayasul Wasare Is Khilaafasan Madaxwenuhu Malinti buu Shaqaynayaa Habeenki buu Sexanayaa.
    R/Wasaruhuna Habeenki buu Shaqaynayaa Maalintina waa Sexanayaa Micnaha 2da Masuul Isma Arkayaan.

  63. Somali doon says:

    Xassan wuxuu fooshaba wuxuu dhalay. Sadex qodob. 1 wuxuu cadeeyay nidaamka fadaralka inuu ka soo hor jeedo. 2. Inuu fulinayo qadiyada iyo aragtida qabiilkiisa. 3. Inuu yahay nin jilicsan oo dadka ku hareeraysan ay iyagu go aanka gaaraan. Somaliyada maanta. Joogta oo 22 sano is laynaysay oo is aaminkeedu aad u yar yahay u malayn mayo in uu ka dabaalan karo.

  64. soomajeeste says:

    TO REER PUNTLAND intiina xanuunsan waxaan illahay idin kaga baryayaa in aad u dhimataan xanuunkiina sababtoo ah maba lihidin caqli xumaan iyo samaan aad ku kala garataan.
    Haddii qof reer kiina ah aan la keenin waa tacsi iyo dhiig karu dhinta sababtoo haddii la idiin duceyn lahaa ma ahidin kuwo wax ku qaadanaya cuqdad qabiil somalidii kale ay ka gudub tay ayaa wali idinku jirta.Waad ceebayseen reer Puntland iyo ba.somali wey idin baratay ee xishooda maanta waxaan hubaa nin reer ka SAACID aan ahayn haddi la magacaabi lahaa oo reer kiina ah in ay soo dhawayn lahaayeen maanta waxaa idiin taal 2 tacsi 1-Puntaland lagu gorgortamo ma jirto waana lagu kala tagay 2-Nin reer gedo ah ayaa la magacaabay somaali oo dhan soo dhawaynayso kuwa ku hadaaqaya waa go’aynaa maxaad haystaa oo la go’aysaa ma Garowe iyo Qardho iyo qayb Galkacyo ah kkkkkkk waxaad ka tagteen somalinimadii dhalashadii iyo garashadii

  65. Amina says:

    @Darwiish Khaatumo waad iga qoslisay waxad i soo xasuusisay nimankii bad dhacda ahaa ee yiri Ilaahow Cali Jaamac xoola sii aan ka xoogsanee lolz.

  66. wadaad yare says:

    Horta ninkaan wuu cusubyahey wax qabadkiisaana lagu qiimeyn doonaa inshaa Allaah.

    Dadka meeshaan ku buuqaya oo meel kastana buuqa la taagan, ha “meeshaad nin ka qaaddo ninbaad uga tagtey”. Haddii arrinta qabiil iyo waxaan loo joogin laga dhigo qabaa,ilku way badan yihiine maxaa lagu kala baxayaa? Ma gow iyo gash ma leh ayaa la leeyahey?

  67. Cali says:

    Warba indkaa haya. Somalidu goormey noqotay dad qaadka caaya. Nimanka Dalka gudahiisa jooga 100kiiba 90 waa qayilaan. Kuwa qurbaha joogana 100kiiba 60 ama kabadan waa qayilaan. Aniga ma qayilo, mana jecli qaadka laakin dad badan oo aan saaxiibo nahay ama qaraabadeyda ah ayaa qayila. Qofka soomaaliga ah ee aan cunin qaadkana wa sideydoo kale. Qof cuna qaadka ayuu yaqaanaa.

    Marka Ra’iisul Wasaaraha anaga hadaan nahay shacabka qaad cunidiisa waxba nagama gelin lakin waxaan ka rabnaa waa wax qabad. Hadduu wax qabad la imaan waayo, hadde waa lagu qasaarey. Lakin Soomaalida waxaan xasuusinayaa maahmaahdi caanka aheyd: “Far kaliya fool ma dhaqdo” Aan lashaqeyno RW hadaan shacabka nahay sababtoo ah hadduu shaqadan ku guuleysto, dhamaanteen ayaa wada guuleysanayna. Aana uduceyno inuu ilaah shaqadan adag ufududeeyo kuna guuleeyo.

  68. FARATELO says:

    ASC, Waan soo dhaweyneynaa hadaanu nahay Gobalka bari ee Jamhuuriyada Somaliya Vivo Soomaliya sc.

  69. Caasha Waal says:

    Sheekada SOOMAALIA eey aa cunay!

    Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud waxuu sameeyay eexii ugu horeeyay ee xukumadiisa, waxuu doortay raisulwasaare hab qabyaalad ahaan ah iyo qolo gooni ah raali gali si eeysan kuugu kicin.

    Wax meeshaan wax kasoo socda maleh, waxaa kaliya oo haray is qabqabsigii iyo buuqii lagu yaqaanay Soomaalida markeey arkaan dawlad eeysan rabin.

    Ninkaan uu madaxweynahu ka dhigay Raisulwasaare ma ahan nin eey Maamulada Wadanka badankood rabaan, ama xaal loo arko maadaaa uu booska ku helay si loo qanciyo qolo gooni ah, ee kuma uusan helin booska cilmi iy karti.

    Madaxweynahu anaguu na maaweelinayay ee mar horre ayuu go’aansaday inuu nin kasoo jeeda Gobolka Gedo booska siiyo.

  70. asad says:

    dad bay meeli bukta dad bay meeli bukta wa so dhawaynayna raaisul wasaraha dad halkan ayan layabanahy waxay so qorayaan wad arkaysan somaliyeey waxa caada u ahayd waligeed inay dawladi laso dhisaba ay dhaliilaan haddi uu iminka ahan lahaa nin kaso jeeda ssdf way u hanbalyeeyn lahayeen waynu ognahay waxay ku diidanyihiin waa isiirka amaba beesha u kaso jeedo ayay didanyihiin waxay aminsanyihiin kursiga inay iyagu leeyijin waxay doonaayan inay kaaga ay kula lahadan koodana ay gaar u ahato waxay kala dhinteen tolkoodi waxay kala dhinteen somali waxay so dhawaysteen ethiopia waxa caada u noqtay inay xilka pintland ay ka dhigteen dhaxal amaba dumaal waxay ka xishoon wayeen waxa umadda kale ay ka xishooto waxa caado u noqtay isla wayni waxa u gaar ah faanka kibirka marka lama yaabo inay caydaan so qorayaan waayo meeshay uga hanbalyeeyn lahyeen ayay bilaabeen dacayad raqiis ah wu qayila oo maxa ku jaban qayiilka any way waa so dhawaynayna raaisul wasaraha cusub waa nin mudan xilkan haddan nahay shacabka khaatumo waa so dhawaynayna masuulkan reer gedo waana ka raali galinayna shacabka somaliyeed aflagadadan iyo dadkan nabad diidka ah ee dawladdi laso dhisaba kaso horjeda ee doonaya inay kaligood nooladan

  71. Gob gun ehel uga dhigay. says:

    Hoogay, hoogay, anaga iyo ama ah ayay iyo u tashadeen laakiin ciidamadayadii fadhiyey ilaa sool puntland jubaland waa diyaar. Labadalna waa wadanaa bal mooryaanta isbahaysatay wax hanaga qaado.

  72. Ali says:

    Asad. Oo dhashay. 2012. Kkkkkkkkkkk adeer. Dawladii siyaad waxa riday USC, dawladii calimahdi waxaa mucariday oo ladagalay USC, dawladii c/Qaasim waxa mucariday USC, dawladii c/laahi waxaa mucariday USC, dawladii shariif waxaa mucariday USC. Hadaba Hadii CID meel bug to Waa Adiga iyo reerahaga Aan xishoon. Oo shalayna lahaa Amxarada iyo Afrikanka halaga jihado maantana leh Waa walaalaheen. Maanta leh Ugandhays baa ka fiican Kenya dhaqankaas oo ah dhaqan yahuud oo ah marna in laaska dhimo Wadani marna wadanka labililaqaysto iyo isbaaro.

  73. abdikarim says:

    boowe sheekadaan umaan bogin, dadkaan iyo dalkaan waxaa loogu talagalay in lasii kala fogeeyo,
    maalinta aad isleedahay haday rajadu dhowdahay, waaba maalinta ay ugu fogtahay,
    waxaan layaabay, qof isagu magac qabiil wata qabiilna duulan ku ah, misne dadka ku caayin waa qabiileystayaal,
    soomaliyeey hadad wanaag rabtaan, talada dalka puntland haloodhiibo.
    hadaad fowdo iyo burbur rabtaana, taladu muqdisho yaysan dhaafin
    w/c

  74. mr Geedi says:

    Waxan maqli jiray Nin nagi wado iyo oowr oowr wadaba midna Kama lexdo bal aan aragno ninkan nagtu hogamineyso mesha uu nagu furo

  75. [...] waxyar kadib markii maqribkii shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaway raysul wasaaraha cusub ee dalka oo loo magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon [...]

  76. [...] (RBC) Waxyar kadib markii xalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” uu yahay raysul wasaaraha cusub ee dalka ayaa madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole wuxuu [...]

  77. @ Amina

    Aribaayo waan ka xumahay madaxweynuhu faroole lama tashan laakiin ali khelif galeydh ayuu la tashaday. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.
    Viva kacaankii barakeysnaa reer gedo iyo reer khaatumo. Kkk.

  78. [...] kadib markii xalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” uu yahay raysul wasaaraha cusub ee dalka ayaa madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole wuxuu [...]

  79. caraseedo says:

    Maansh Allaah waa soo dhawaynaynaa Raysal wasaaraha cusub Saacid Faarax Garaa,waxaana leenahay cadawga Alle ha kaa qabto,guuuuuuuuuuuulayso,iyo shaqo wacan,FIIRO GAAR AH:,iskana jir fudaydkii Farmaajo oo ahaa in uu lix bilood kaliya xukunka uga dago!!!!!!!!!!!!!,wax walba waa ka fiirso intaadan falin.

    TO:ASAD:Eeddo, adiga hadday ku deeqi wayday puntland oo aad kuraasta baarlamaankeeda bar laguu jabiyay iyadoo ay jiraan qabiilooyin kula mida oo aanba hal kursiba laga siin,ma waxaa ku deeqaya kan mooryaantu maamusho iyo inaad noqoto KASHAMIIR iyo wax kaliita oo dhulkaagii lagaa dareeriyo barqadii iyadoo aad qaadatay dhaqankii ahaa dhulku waa somaliland ee idinku iska taga oo
    meeshaad doontaan qabiil ku raaca????iyo in yar oo sandareerto ah.
    Walaal maxaa arimahaas keenay,waar soo adigu maadan bilaabin Afar Aflayn,taas waxaan kaloon ku darayaa arinta Saacid Faarax Garaad,waa arin ku xiran hadba siduu shaxda u ciyaaro,oo ah hadba sidii uu ula dhaqmo maamulka puntland ee maaha nin jeclaysi iyo qabiilaysi ee isagaa laga sugayaa habdhaqankiisa inkastoo uusan ahayn nin siyaasad ku soo dhexjiray wax badan balse ummadda soomaaliyeed waa wada siyaasiyiin maxaa yeelay dhagahooda ayaa ka dharagsan dhacdooyinka siyaasadda oo maalin walba ayay goobjoog u yihiin.
    Hadduu qiimeeyo oo la shaqeeyo maamulka puntland isagay u fiican tahay jiritaankiisa iyo qiimahiisa maxaa yeelay waa qayb isaga dhalasho ahaan uu ugu fadhiyo kursiga uu ku fadhiisanaayo waana garabkiisa iyo gondihiisa,waxaana kuu caddaynaaya maalintii ay xaajadu kharaaratay Siyaad Barre Alle ha u naxariistee iyagaa bixiyay oo waatuu ku maahmahay, la mood noqonse wayday, oo yiri baa kaa cararaaya isma lahayn oo baa ku bixinaya,marka mr Asadoow xuma ka talis,hadba dhinac u caraar !!!!!!!!.where is adeerkaa Galayr,Xaabsade,Xaglo IWM oo idin dhumiyay???Marka aday meeli ku bugtaaaaaaaaaaaaye,good baaaaaaaaaaay,adaa Kashamiir ahoo kaalintaadi gabay,Laacaano socotaye, Buuhoodle sii hay inta lagaa soo gaarayo.

  80. caraseedo says:

    TO:KOOFIYAD CAS KAN WATA:af waako mayliki aamee???kabihii waa weynaa iyo koofiyaddiiba waadigii lagalay xuduudka Kenya adiga iyo kuwa kale ee aad ku faanayso,ragba ku raggeed,maskiin yahoow,puntland barwaaqo iyo calan ayaa Eebbehay siiyay,20sano oo aad dawlad sheeganayseen,aaway dalkii iyo dadkii la’idinku ogaa,koofiyad cas saacid idin aamini maayo,waayo waa idinkii siyaadba ka cararay oo ay galbiyeen wiilashii ka yimid puntland ee yar yaraa dhafoorqiiq;maskiinyahoow,saacidna waxaan oran lahaa orod oo mr Faroole waydiiso dhalinyaro ammaankaaga sugta,haddii kale meesha ha ku cawirmin,kkkkkkkkkkkk.

  81. [...] Islaamka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu hambalyeeyay doorashadiisa bishii Sebtembar iyo magacaabista raysul wasaaraha cusub, waxayna sheegeen inay garab istaagayaan dawlada cusb ee [...]

  82. halaqa says:

    waraa is daaya noooooooooooooh idinka see cml

  83. halaqa says:

    hhhhhhhhhhhhhhhhhhh h se cml nooooooooooooooh

  84. [...] (RBC Radio) Iyadoo madaxweynaha Soomaaliya dhowaan uu magacaabay raysal wasaare cusub ayaa hadana waxaa haatan soo baxaya warar sheegaya in Raysal wasaaraha iyo golihiisa wasiirada isku [...]

  85. [...] madaxweynaha Soomaaliya dhowaan uu magacaabay raysal wasaare cusub ayaa hadana waxaa haatan soo baxaya warar sheegaya in Raysal wasaaraha iyo golihiisa wasiirada isku [...]

  86. [...] berito ayaa la filayaa in Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu khudbad ka jeediyo kana hadlo waxqabadka xukuumadda laga filayo inuu soo dhiso dhowaan, kadibna [...]

  87. [...] Gaas ayaa maalintii shalay xilka raysul wasaarinimada ku wareejiyey Cabdi Faarax Shirdoon oo 6-dii Oktoobar madaxweyne Xasan Sheekh u doortay inuu xilkaasi qabto. Waxaana C/weli Gaas uu isla maantaba ka dhoofay Muqdisho isagoo u muuqda inuusan ka fogaan doonin [...]

  88. [...] Muqdisho (RBC) Sida ay Raxanreeb u xaqiijiyeen saraakiisha Villa Soomaaliya waxaa socda dadaaladii ugu dambeeyay ee magacaabista xubnaha golaha wasiirada cusub ee dawlada uu raysul wasaaraha ka yahay Cabdi Faarax Shirdoon. [...]

  89. [...] Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa si rasmi ah loo magacaabay 6-dii Oktoobar 2012 iyadoo baarlamaankana uu siiyey kalsoonida17-kii bishan Oktoobar.   Mudada 30 maalmood ah ee raysul wasaare Shirdoon u heystay inuu xukuumadda ku soo dhiso ayaa hadda waxaa ka dhiman maalmo kaliya. [...]

  90. [...] (RBC Radio) Xafiiska ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) ayaa yeelanaya la-taliye Biritish ah oo ka socda Midowga Yurub. La-taliyaha cusub waxaa la yiraahdaa [...]

  91. [...] Xafiiska ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) ayaa yeeshay la-taliye Biritish ah oo ka socda Midowga Yurub. La-taliyaha cusub waxaa la yiraahdaa Justin Marozzi. Marozzi wuxuu ahaa qoraa iyo warbaahiye u soo shaqeeyay wargeysyo sida the Economist iyo Financial Times, iyo idaacadda BBC. [Halkaan ka eego warbixinada uu siiyey warbaahinta] [...]

Leave a Reply