DEG DEG : Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo La Wareegay D/ Wanlaweyn
Wanlaweyn (RBC Radio) Wararka ka immaanaya degmada Wanlaweyne ee gobalka shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM inay la wareegeyn halkaaas oo ay horrey u joogeyn kooxda Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan dadka degmada Wanlaweyn ku nool, waxa saaka laga warheylay degmada oo ay joogaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo xaley meel dhowr km ujirta Wanlaweyn ku hoyday.
Ciidanka ayaa saaka baaritaano ka sameeyay magaalada, isla markaana waxa goobaha ganacsiga iyo waxbarashada la soo sheegayaa in ay yihiin teel-teel, isla markaana uu gaadidka dadweynaha ee gala magaalda ama ka soo baxaya ay yihiin kuwa aad aad u yar.
Magaalada ayaa deggan oo wax dagaal ah kama dhicin markii ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda saaka ay isaga baxeyn Wanlaweyn.
Wararkii u dambeeyay waxa ay sheegayaa in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay saaka saldhig ka sameystayn garoonka Balidoogle oo magaalada sidaas uga fogeyn.
Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, sidoo kale waxa aan ka hadlin qabsashada degmadda Wanlaweyn Al-Shabaab oo halkaas ku xoogganaa.
Al-Shabaab dhul badan ayaa gacantooda ka baxay tan iyo sannadkii hore, oo ay ku jirto caasimada Soomaaliya, waxana ugu dambeesay magaalada dekadda leh ee Kismaayo, halkaasoo dhaqaallo badan uu ka soo gali jiray.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco Raxanreeb.com












[...] Read this article: DEG DEG : Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo La Wareegay D/ Wanlaweyn [...]