DEG DEG: Ciidamada Kenya oo Goordhow Nin Dhalinyaro ah Baabuur Kala Degay Magaalada Kismaayo
Kismaayo (RBC) War hadda naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ay goordhow wiil dhalinyaro ah kala degeen baabuur uu la socday.
Sida ilo wareedyada ay u sheegeen Raxanreeb ninka ay ciidamada baabuurka kala degeen waxaa lagu magacaabaa Cali Xuseen Daahir oo da’diisa lagu sheegay 20-jir, kana mid ahaa ardayda wax ka barata Jaamacada magaalada Kismaayo.
Hooyada dhashay wiilkan ay kaxaysteen ciidamada Kenyan oo lagu magacaabo Faadumo C/laahi Maxamed ayaa oo Raxanreeb ay u suurtagashay inay la hadasho ayaa sheegtay in wiilkeeda ay kaxaysteen ciidamada Kenyanka iyo rag Soomaali ah isla markaana ay aad uga welwelsan tahay xaaladiisa.
Wiilka ayaa la socday baabuur noociisu ahaa DYNE oo ka yimid tuulada Ceelmooge oo ku dhow Goobweyn oo qiyaastii 25-km dhanka waqooyi ka baxsan magaalada, waxaana baabuurka ciidamadu ku joojiyeen meel u dhow jaamacada Kismaayo oo ku taalla duleedka magaalada halkaasoo ay wiilka kula hareen.
Ka hor intii aysan Kenyanka kala degin ninkaaasi baabuurka ayaa waxay xireen kirishboygii baabuurka oo ay jirdil u geysteen, su’aalana weydiiyeen iyagoo markii dambana iska soo daayey.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ninkan ay ugala hareen baabuurka ku sii jeeday magaalada Kismaayo. Hase yeeshee dhacdada ayaa ku soo beegantay xilli maanta duhurnimadii ciidamada Kenyanka iyo kuwa Dawlada ee la socda ay gudaha u galeen magaalada Kismaayo oo Sabtidii ay baneeyeen Al-Shabaab. [HALKAN KA AKHRI FAAHFAAHIN]
Xaalada gudaha magaalada Kismaayo ayaa degan sida ay wararka nagu soo gaarayaan galabta.
RBC Radio












waxay ila tahay hooyabadan way ku gablamidoon taa kismaanyo hadii aan kenya degdeg loogasaarin maxaa yeelay kenya waxay garab siinaysaa qabiil gaar ah ee ay doonayso in ay iskudirto dadka deegaanka ee wax kale oo dan ah oo ay ujoogto majirto taasna way kaqoomamaynaysaa
Jaalle Yuusuf Abshir,xaggee baad ka akhriday ama ku aragtay waxa ad soo qortay?
Saaxiib cid AL-Shabaab ka xun oo ka diin liita waligeed Kismaayo ma maamuli doonaan Insha Allaah.
Dad badan oo soomaali ah baa waligood mala awaalkooda run ka dhiga.War ma Kenyaa soomaaliya dhul ka haysan karta?War see baad wax u fiirisay?
Tan ad leedahay reer baa Kenya wata waa sheekada ay Hawiye ku sheeekaystaan.Hawiyena waxay isleeyahiin haddii laga suubiyo Maamul gobalada ay dagaan Daaroodku dhexdaad galaysaan.Ninka cusub ee lagu sheegayo madaxweynaha waa kii shalay lahaa Kenya hanaga dayso meelaha ay ka wado maamulada.Taasina waa hadaladii Shariif Jawhar iyo inta la rayiga ah.Ugu dambeyn haddii uu qabiil kenya la heshiiyey waa siyaasad iyo nin karooni.Hawiye muu cid la heshiiyo oo wax hagajiyo?.
maskiin yaa dalas kenya waa maxaa ka qaadi kartaa soomaliya kaaga xoog badani kenyana kaaga awood badani itoopiyadii aad ku qaraabaneysey onlf ayaa kismaayo ka ilaalinaa waa lala heshiiyey maxaa ka qaadi kartaa hadii lagaa waayey muslinimo iyo soomaalinimo xabad ayaa ku taqaan soomaali ayaa taariikhda usoo halgamey intaasna waa amusnaayeeen maanta waa dhamaatey xishoodkii iyo walaaltinimadii darisnimo iyo walaaltinimo iyo soomaalinimo la idiinka waayey waa leys baranayaa kkkkkk midwalbo afkiisa wuxuu la bartey kenya qabiil gooni ayay wax la wadaa maa ka soo qayb gashid xoreenta wadanka hadaad deegaan ku leedahay jubada hoose mise dheeftaad sugeysan inaad la qaybsatid mise deegaan kuma lihid jubooyinka ee waa ku qabsoo ku qadimeysid
[...] ciidamada Kenya iyo maleeshiyada Raskambooniyiinta waxay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cali Xuseen kagala dageen baabuur uu la socday meel u dhow Jaamacada Kismaayo, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in ay soo badanayaan dhacdooyinka adka rayidka ah lagu [...]
[...] iyo maleeshiyada Raskambooniyiinta waxay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cali Xuseen kala dageen baabuur u la socday waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in ay soo badanayaan [...]