DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo Ka Dagay Baladweyne


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka dagay goor dhow madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo waliba wafdi uu hogaaminayo.

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ay goordhow halkaasi ay caga dhigatay diyaaradii siday madaxweynaha iyo waliba wafdi kale oo la socday.

Waxaa la sheegay in garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne ay ku soo dhoweeyeen madaxweynaha Soomaaliya maamulka gobalka Hiiraan iyo saraakiil ka tirsan dowlada.

Waxa la sheegayaa in garoonka diyaaradaha ay amaankiisa sugayaan ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuw Jabuuji iyo ciidamada Itoobiya ay ku sugan halkaasi.

Wararka waxay intaasi ku sii darayaan in madaxweynaha u gudbi doonaa xaafadaha magaaladaasi iyadoo amaanka magaaladana si weyn loo adkeeyey.

Xaafadaha magaalada Baladweyne ayaa waxaa fatahaado badan ka geestay wabiga Shabeelle waxaana jira dad badan oo isugu jira hawayn iyo caruur oo naftooda ku waayay fatahaadahaasi.

 RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

4 Responses for “DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo Ka Dagay Baladweyne”

  1. [...] Continue Reading: DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo Ka Dagay Baladweyne [...]

  2. ahmed abdulkadir says:

    raxanreeb webka wuu fiican yahay oo habilaabin xin waayo mida 1aad ayraboorka magac ayuu lee yahy ugaas khaliif baalayiraah midda 2aad ciidanka maamulka gobolka hiiraan ayaa aminaga sugaya intaa kadib webka wuu fiican yahay sidii ay wax yihiin ayaa wanaagsan in loo sheego waadna mahad san tihiin dadaalka iyo wararka meeshaa kasiiwada waan idin salaamay

  3. afbile says:

    waxay “vito” saareen in Reysalwasaare loo magcaabo nin ka soo jeeda ama . Sidoo kale ayaa diidmo qayaxan kala hortimi in loo magcaabo Raysalwasaare nin ka soo jeeda Beesha ama . waaxaa diidday in jagagdaas loo magcaabo Ithopiya. Sidaasdarteed Raysalwasaaruhu waa ama .

  4. ali. yare says:

    Waad garankartaan,halkii shiikh shariif uu ka aadi
    Jirey ethopia madaxwayne xaSan waxaa uu aadey
    Dadkii dhibaateeysnaa.

Leave a Reply