DEG DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo U Duulay Baydhabo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow ka amaba baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho asgoo ku siijeeda magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la sheegayaa in safarkaan ay ku whlinayaan saraakiil ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo AMISOM iyo waliba xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay madaxweynaha qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka wasiiro iyo Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in halkaas uu kula kulmi doono Odayaasha, waxgaradka iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa xilligan ku soo beegay safarkooda Baydhabo.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa markii ugu horeeyay oo uu magaalada Muqdisho ka safray tan iyo markii loo doortay xilkaan ayay noqonaysaa in uu u safray mid ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya oo laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Safarka gudaha dalka Soomaaliya uu Madaxweynaha uu ku marayo ayaa warar lagu kalson yahay sheegayaan ay ku xigi doonaan Magaalooyinka Baladweyne iyo Garoowe.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

21 Responses for “DEG DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo U Duulay Baydhabo”

  1. [...] Read More: DEG DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo U Duulay Baydhabo [...]

  2. Ugaas Raage says:

    Madaxweyne Xasan aad baanu usoo dhaweynaynaa safarka aad kutagtay Baydhabo janaay waa arin taariiqi ah oo aad u wanaagsan.Waxaan kaloo kaaga mahadcelinayaa inaadan Garoowe kadhigin safarkaagii ugu horeeyey.I hope your next trip will be Baladweyne or Galmudug State

  3. ahmed says:

    Md Xasanow ku soo dhawoow Baydhabo Janaay, axsan wa afdal balad fi Soomaal. Banaanbixii loogu dhigey Baydhabo doorashadiisa ma jirto magaalo Baydhabo aan ahayn loogu dhigey. Magaaladan waxay soo dhaweysey Cabdiqaasin, balse qabiil buu ka jecleystey danta shacabka, C/lahi Yusuf (AUN) ayay marti gelisey oo shacabka Baydhabo dhiig iyo dhaqaale u hureen iney Somaliya dowladan hada horumoodka ka yahay Md Xasan hesho, iyadoo weli dharaar cad ugaasyo magaalada ay ku dileen maleeshiyaad laga soo daabuley Garowe. Sh Sharif calaf uma yeelan inuu Baydhabo tago waxkastoo oo siyaasadeed uu ku colaadinayay reer Baydhabo, wuxuu moodey in waxkasta ay Xamar tahay. Baydhabo waa magaaladii lagu naas nuujin jirey dowladii Siyaad Bare, 45% dhaqaalada dalka gobolkaas ayaa ka soo geli jirtey, waana magaalo kuwa dowladu rabto iney xil u dhiibto ku tijaabin jirtey sida ay maqaamka dowladnimo ay ka geli karaan inta xil wasiir ama gobol ama agaasime loo dhiibin, kii ku dhacan tuuladiisa ama degmadiisa lagu celin jirey.

    Today Baydhabo is on the map again.

  4. nabadon says:

    waaba sheeko iyo safar aan lagaba fileyn, waxaa dhantey isagoo kismaayo ka dega ama garoowe oo faroole kala soo tashado Rwasaaraha uu ku dhicikariwaayey inuu magcaabo

  5. Suubantii Sanaag says:

    Ha dhawaaw Madawiine

  6. jooorre says:

    Waa socdaal fiican Mar hadii madaxweynaha uu dalka dhexdiisa u safray
    .@ugaas cuqdad qabiil ayaa kuhaysa alle ha ku caafiyo.waxan jeclahay garowe iney ugu danbeyso meelaha uu madaxweynaha tagayo mana isbadaleyso garowe.

  7. warsame says:

    ugaas mooryaan kan labaxaw garowe aad kasoo horjeedaa adigoo qabiil kaa guuxaayo laakiiin garowe maaanta kuuma baahna oo caalamka oo dhan baa aqoonsan oo inta shir iyo ciyaarahii gobalda ay martigalisay adiga waxba lagaa waydiin mayo .galmudugta aad shegaysidna waa xaafada baraxley ee g/kacyo oo xataa aan airopor lahayn markaa madaxwaynaha ma lug buu kutegin haduu rabo galmudug waa inuu soo maraa putland marka adeer cuqdada iyo qabiilka 21sano aad waxba ku gaariwaysay maanta waxba kuma tarayaan, mooryaangaray, mooryaan qalinley, mooryaan cimaamadley,mooryaan siyaasi,mooryaan saxafi ayaa kafaaiiday 21sano oo dagaal ah ee wali matusaale qaadan miyaa.

  8. Jeeska says:

    Madaxweyne waad asiibtay beledweyne ku xeji , madaxtooyada ku soo laabo PM kana magacow.

  9. sayma-roob says:

    ar boowe reer koofur puntland nacayb badnaa kkk ciyaalkoodi ba u degan way ka shaqaystaan maanta bossaso ganacsiyada ugu badan ayag ku leh sidaas oo ay tahay markay maqlaan gobolladaas way qandhadaan boowe soo dhawada dalku wa dalkiini caloosha saafi ka dhiga colaadinta aad wadana joojiya wa tallo reer bari hadii kale tallo reer mudug ayan idinku fulin dona

  10. galdogob ocean says:

    war waamaxay website kii waxaa naga soo weeraray mooryaantii isbaarada dhigan jirtay xamar oo bantugii africa oo dhan isbaaradi ku heystaan markaaseey hada puntland iyo garowe rabi ku salada kkkkkkk kan ugaas sheeganaya bal arka. anagu puntland gaalkacyo waan isku dagaalna laakiin mooryaanta jiiingada fiiqday waxay rabaan baan fahmi waayay oo puntland luugu diray war anagaa balaaya aragnay!!!!!!!!!!

  11. Cadaado says:

    ASC, waa talaabo wanaagsan in uu Madaxweeynaha tago Baydhabo iyo magaaloyinka Somaliyeed oo dhan, including Garowe. Laakiin waxaa “political suicide” is dilid siyaasasdeed u ahaan laheeyd Madaxweeyne Hassan in uu Faroole u tago oo la fadhiisto maadaama uu Faroole yahay kala qeeybiyaha dadka Soomaliyeed oo uusan aheeyn isku keenaha dadka Somaliyeed si eey u wada noolaadaan oo eey qaran u noqdaan markale. Waad mahadsantihiin.

  12. galdogob-somalia says:

    galdogob ocean@ waa reer garowe wiliba reer tuulad ah oo dadka isku diraya wardee maad tuuladiina soo qaadato hadaad rabto inaad dad wax ka sheegto magaca noo dhig bowe anagu koofur xumaan uma qabno puntland xumaan uma qabnee bulshit

  13. halgan says:

    ninka wata galdogob galdogob ocean@ sxb hadaad rabto inaad dad aflagadayso maad meeshaad u dhalatay iyo garowe soo qaadato maxay tahay munafaqada intaas le’eg xishood yaan lagula yabine oo ayar dadka ha isku dirin kaa xishonaya oo ka aamusan

  14. Ali soomali says:

    Walaalaha reer puntland waxaan idiin sheegaya haddii aad aragtaan nin reer koofur ah oo wax ka sheegaya Garoowe micneheedu maha inuu reer p/l wax ka sheegay, waxaa loola jeedaa Faroole oo saldhigisu yahay Garowe, idinkana haddii faroole wax laga sheego ha u qaadanina in reer p/l wax laga sheegay. faroole Somali iyo reer p/l midna caqli uma hayo waa kansarka dalkan uu ka boskoon la’yahay,Somali way isku toostay, jiho ayey u wada jeesatay in yar oo canaasiir ah ayaa ku dhex jirta oo Faroole ka mid yahay ee waa in iskumeel looga soo wada jeestaa Somali oo dhan.

  15. Amina says:

    Reer xamarka Puntland nacayb haloo soo buriyo kuwa kabaha tirtira iyo musqulaha qoda iyo qashinka qaada qurunka moorayaanta ah laakiin hadaan soo burino yaa booyiso noo noqonaaya?

  16. ali says:

    @ galdob ocean, bal ka waran kuwan u oggolaaday in websitekooda cadawga puntland u isticmaalo isku dirka iyo burburinta dadkooda berrito ayaga maa badbaadinayaan.

  17. dr;axmed ali says:

    asc guud ahaa somaliweyn ani waxaa dhihi lahaa talaab kastoo wanaagsan halogu mahad celiyo madaxweynaha meelkasta uu tagana waa dhul somaliyed marka dadka isqab qabsanaya ama is ceynaya waa qalad alla kabaqa sayma roob qof wanaagsan baa tahay thnx ra”yigaga aad ayaan uga helay marka qof kasta waxaad ogaataa meelkasta ee somaliya katirsan waa dhulkaaga

  18. galdogob ocean says:

    ali says:
    October 1, 2012 at 8:16 pm

    @ galdob ocean, bal ka waran kuwan u oggolaaday in websitekooda cadawga puntland u isticmaalo isku dirka iyo burburinta dadkooda berrito ayaga maa badbaadinayaan.
    ————————————————————————————————————————–

    sxb website kaan waxuu ka dhexeeyaa somaliweyn qof walba ra ayigiis ain uu dhiibto hadii website qabiileed in aad kadhigtid rabto soo booqo waad garanysaa hal beel ah oo isku fikrad ah oon ku caayin waad ka helaysaa
    i am out

  19. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin. Sida uu walaalkeen Ali ka dhawaajiyay, waxa eey dad badan oo Somaliyeed dhibsadeen waa Faroole oo ku hadla maalin kasta hadalo uusan u meel dayan oo misana u muuqdo wax caloosha uga jira oo uu maalin walba dadka Somaliyeed kusii kala fogeeynaya. Waa yaabee, yaa waaye dadka uu ku Faroole rabo in uu qancinayo amaba uu rabo in uu raali galiyo oo taageero kaga helo hadalada qalafsan? Sow ma fiicno in la saxo markii uu meel qaldan iyo si qalafsan wax u maareeyo? Dadka saxaayana sow maahan kuwa ugu dhow ee ku hareereeysan? Ka warama hadii uu Faroole la yimaado siyaasad 360 % degree ka duwan tii uu ku dhaqmayay intii uu maamulka Puntland hayay? Sow uma noqoneeyso win-win situation Somali oo dhan, maamulka puntland iyo dowlada dhexe? Thanks

  20. faarax says:

    reer hadeynu nahay marabno inuu noo yimaado madaxweynaha taangiga amisom ku dhax jiro puntland qof ay ubaahan tahay ayaa iska yar reer kunfur idinka marka hore nabad ka dhiga meelaha aad degan tihiin kabacdi markaas ayaan is la hadli karnaa

  21. [...] Xasan Shiikh Maxamuud madaxweynaha Federal-ka ilaa iyo intii la doortay mar keliya iska daa inuu booqdee magaca Puntland afkiisa lagama hayo, dhowr jeer wuxuu Ammaan u soo jeediyey Somaliland oo uu ugu [...]

Leave a Reply