DEG DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saaka Ku Wajahan Magaalada Beledweyne


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka isu diyaarinaya inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isagoo ku siijeeda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo noqoneysa magaaladii labaad ee Soomaaliya ka tirsan uu boqdo madaxweynaha cusub.

Warar ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in wafdiga madaxweynaha ay raaci doonaan saraakiil xafiiska madaxweynaha oo dhanka amaanka qaabilsan iyadoo diyaarad nooca qumaatiga u kaca ay qaadi doonto madaxweynaha.

Magaalada Beledweyne ayaa si weyn looga diyaargaroobay imaanshaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in saaka ciidamo fara badan oo kuwa dawlada iyo kuwa Jabuuti isugu jira ay xireen waddooyinka magaalada soo gala iyadoo dhaqdhaqaaqa dadka iyo baabuurta gebi ahaan la xanibay.

Beledweyne ayaa noqoneysa meeshii labad ee dalka ka mid ah oo uu madaxweynaha cusub cagta dhigo tan iyo intii uu xafiiska yimid bishii hore tobankeeda, wuxuuna shalay madaxweynuhu booqasho hal maalin ah uu ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaasoo uu kulan kula soo qaatay masuuliyiinta gobolka, saraakiil ciidan iyo qaar ka mid ah dadweynaha Baydhabo oo uu la hadlay. [AKHRI booqashada madaxweyne ee Baydhabo]

Booqashada maanta ee madaxweynuhu ku tagayo magaalada Beledweyne ayaa imaaneysa xilli magaalada ay dhex fadhiyaan biyihii daadadkii ka dhashay fatahaadii uu toddobaadkii hore sameeyay wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada kaasoo in badan 9,000 qoys ka barakiciyey magaalada kuwaasoo hadda ku sugan daafaha Beledweyne, isla markaana sabababay dhimashada muwaadiniin gaaraya 22 ruux.  [AKHRI Qiiimeyn lagu sameeyay khasaraha fatahaada]

Dadka Beledweyne ayaa dawlada kasugaya waxqabad iyo gargaar deg deg ah iyadoo baaqyo isdabajoog ah ay ka soo baxayeen dadka ku dhibaatoobay fatahaada ka dhacday magaalada, waxana la filayaa in madaxweynuhu marka uu maanta indhihiisa ku soo arko baaxada dhibaatada ka dhacday Beledweyne uu ku dhawaaqo waxa dawlada uga qorsheysan u gurmadka reer Beledweyne.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Leave a Reply