DEG DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Anbabaxay Magaalada Kampala


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dalka Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u anbabaxay Magaalada Kampala ee dalka Ugandha.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qaybgali doono 50-sano guuradii kasoo wareegatay markii dalka Ugandha ay qaateen xurnimada.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in safarkiisa uu ku tagayo Magaalada Kampala ee dalka Ugandha ay tahay inuu ka qeybgalo 50-sano guuradii kasoo wareegatay markii dalka Ugandha ay qaateen xurnimada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in halkaasi uu kulan gaar ah kula yeelan doono madaxweynaha wadanka Uganda isla markaana ay ka soo wada hadli doonaan arimo badan.

Safarka Madaxweynaha uu maanta uga ambabaxay magaalada Muqdisho ee uu ku aadan dalka Ugandha ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu ku aado dalka dibadiisa tan iyo markii lasoo doortay.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

3 Responses for “DEG DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Anbabaxay Magaalada Kampala”

  1. [...] Read More: DEG DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Anbabaxay Magaalada Kampala [...]

  2. ISMAACIIL says:

    kkkkkkkkkkkmadaxwaynuhu waa wadani oo majecla safarka maalaayacniga ah iyo wadamada shisheye oo ciidamadooda joogaan soomaliya danahana kaleh.

  3. MANAXE says:

    Adaa moodey ma jecla kkkkkjk war wa iska maqarsaar wadanka wa la haystaa ciidamadaa somalida ee qoriga AK4la ordayana mar dhow iyagaa hubka dhigis lagu samaynayaa ,wadba aragtaa in boliiskii dibadaha laga keenayo wad war la,dahay

Leave a Reply