DEG DEG: Meydka AUN Abawaan Gaariye Ayaa Hadda Laga Soo Dejiyay Berbera


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa (RBC Radio) Waxa goordhow laga soo dejiyay garoonka Berbera meydka allah u naxariistee Abawaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo dhawaan ku geeriyooday dalka Norwey.

Meydka Abawaanka oo ku dedan yahay calanka Somaliland ayaa markii diyaarada laga soo dejiyay, waxa la saaray gaari loogu talagalay oo goobta yaalay.

Waxa lagu wadaa in maanta lagu aaso meydka abwaanka magaalada Hargeysa halkaasoo ay ka soo qeybgali doonaan madaxda maamulka Somaliland iyo shacab badan oo qaar ka yimid dalka dibediisa.

Qabanqaabada aaska abawaan Gaariye ayaa maalmahan waxa ay ka socotay magaaladsa Hargeysa iyadoo maamulka Somaliland ay u xil saareeyn golle wasiiro ah.

Aaska Abwaan Gaariye ayaa dartiis golaha wasiiradda Somaliland waxa ay u baajiyeen kulan ay yeelan lahaayeen maanta oo Isniin ah.

Sidoo kale waxa la fasaxay dhammaan ardaydii wax ka baranayay Jaamacadaha Camuud, Hargeysa iyo Jaamacadda Gabileey.

Kumanaan qof ayaa hadda waxa ay ku sugan yihiin xabaalaha Xeedho oo lagu wado in lagu aaso meydka abwaanka  aqoonyahanka ahaa ee Gaariye .

Allaha u naxariisteen Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ayaa geeriyooday30-kii bishii hore, kaddib markii uu xannuun in ka badan halsano uu la jiifay isbitaal ku yaalay dalka Norwey.

Abwaanka ayaa waxa uu ka mid ahaa abwaanada caanka ka ah dhulka Soomaalidu degto, wuxuuna ka mid ahaa macalimiinta wax ka dhiga Jaamacaddaha Hargeysa Gabiley iyo Camuud.

Waxa naga xauus ah in aad sawirro iyo warbixino kale aad kaal socon kartaa RBC Radio in shaa allah

RBC Radio

Xafiiska Wararka Hargeysa

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

2 Responses for “DEG DEG: Meydka AUN Abawaan Gaariye Ayaa Hadda Laga Soo Dejiyay Berbera”

  1. [...] Link: DEG DEG: Meydka AUN Abawaan Gaariye Ayaa Hadd Laga Soo Dejiyay Berbera [...]

  2. Geesi ina dhamacaw. Gabaya hormoodkii. Gayigan somaliland. Malintii lakala go ay. Gumaca iyo rasasta layku wada kumaaday. Gablan. Hooyo laga dhigay. mansa gobonimaad. U. Ugu wada gar qaadoo. Dadku wada garawsadeen. Geeridu xaqweeyo. Guula inoo gu talagalay. Cidna gafi maysoo. Guud ahaan dhamaan. Wala wada galbanaya. Gar ahaan adigana. Guulaha wayni ilka ha kugu gargaro

Leave a Reply