Deg Deg: Maleeshiyo hubaysan oo rasaas ku furtey Kolonyo Wasiiro iyo Wafti Turkey ah inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Bacaadweyn
Gaalkacyo (RBC Radio) War hadda naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyo hubaysan ay weerar ku qaadeen wafti dowladda Puntland iyo Turkey isugu jirey kuwaas oo ku jeeday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Waftiga dowladda Puntland waxay galbinayeen waftiga dowladda Turkey oo ka socday hay’adda hormarinta ee Turkey (TIKA) iyadoo wararku ay sheegayaan in maleeshiyadu ay rasaas ku fureen kolanyada waftiga halkaasna ay israsaasayn xoogan ka dhacday taas oo dhexmartey ilaalada waftiga iyo maleeshiyada jidka u gashay.
Wararka aanu ka helayno xafiiska hay’adda TIKA ee Muqdisho ayaa sheegaya in weerarkaas uu ku dhaawacmay mid ka mid ah waftiga Turkey kaas oo lagu magacaabo Mustafa Hashim isla markaasna waftiga Turkey hogaaminayay. dhaawaca sarkaalkan ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Gaalkacyo.
Maleeshiyada hubaysan ee waftiga jidka u gashay ayaan la ogayn sababta ay jidka ugu galeen iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inay doonayeen inay afduubtaan waftiga inta xoog ku qabsadaan hase ahaatee ay u suurto galiwayday kadib markii ay iska caabin xoog leh kala hortageen ilaaladii waftiga hogaaminaysay iyo ilaalada madaxdii waftiga la socotey ee ka socotey golaha xukuumada Puntland.
Waftigan waxa uu ka socday hay’adda hormarinta u qaabilsan dowladda Turkey hay’adaas oo loo yaqaano marka magaceeda lasoo gaabsho TIKA. waxay waftigu socdaal indho indhayn ah ku marayeen maalmahan magaalooyinka waa weyn ee Puntland sida Boosaaso, Qardho, Garowe iyo ugu danbayntii oo ay Gaalkacyo ku socdeen halkaas oo ay kormeeri lahaayeen mashaariic ay wadeen sida Ceelal biyood laga qoday Kaamka Qaxootiga Tawakal ee bariga Gaalkacyo.
Waftiga marka la weerarayey waxaa la socday Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Daa’uud Maxamed Cumar, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha C/wali Cabdile Indhaguran iyo Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed. waftiga turkey waxay ka koobnaayeen 3 xubnood oo Turkey ah iyo muwaadin Soomaali ah oo hay’adda TIKA la shaqeeya.












[...] Read the original: Deg deg:Maleeshiyo hubaysan oo rasaas ku furtey Kolonyo Wasiiro iyo Wafti Turkey ah inta u dhaxaysa … [...]
Wallhi waa wax laga naxo lagana xumaado waa in la soo qabtaa caddaaladdana la hor keenaa burcaddaas magac xumada iyo amni xumada waddanka usoo jiideysa
Waxaan ku faraxsanahay in ilaahay badbaadiyey wafdiga
Waxaan idiin rajeynayaa horumar caddaalad nabadgelyo iyo kala dambayn saanteenu waa horay gacma wada jir bey wax ku gooyaan waxaa xaqiiqa ah in muxasadiinta iyo xaqiiriintu ku farxayaan warkaan dareenka leh
Viva puntland and somalia
War waxaan koox koox haloo laayo qashinka ah inta lasoo qabto, dadka wadada ku dhibay nacalad haku dhacdee, walaahay hadaan la xanuujin inaysan dhibka joojinayn.
Yaa Rabi war dadkan xagee u socdaan!! hadda maxay Turkey ka rabaan Gacantii Quudinaysay ayay Qaniinayaan
Waa wax laganaxo in qof gurigisii & noloshiisii kaaga sootagay si uu kuu caawiyo in xabad & dhibaato lagala hortago , Reer bacaad weyn waa lais yaqaanaaye soo Qabta Danbii layaashaas , Inta dhawacanay waxaan lee yahay ilaahey ha caafiyo Inta dhimatana alaha u naxariisto , Viva Puntland & Soomaalia
Arintan waxaa ka danbeyay xukumada puntland iyo faroole walaahi ah sababto ah waxaa lagu wax yelanayaa odayasha iyo wax garadka ka hadlay o diiday mudo kordhinta puntland diidanaa si u faroole u yirahdo dadka deegaanka G Mudug waa dad xun o samata bixinta puntland dad ka hadli kara ma ahan waana arin faroole u ka danbeyaz waxan hayna wilasha moryanta ah meelaha lacagta loo so mariyay cida laso xireyraysay o madaxtoyada puntland m jogta gadad u h bahan tahay cadeen cad laso xiriir iiwaran@hotmail.com
faroolaa ka danbeeya oo horumarka iyo maalgashiga turkiga ee mudug eey dhibeeyso
wwalahi waa wax lagu farxo waa raynrayn waa wax looriyaaqo waayo maamulka beentaa oo uqaba soomaali waxa kajira in aysan lawadaagin ha arko in muqdishhu ka qadiyad roontahay oo aan turki wax sheegta aan lataaban oo ay suuqyada ka adeegtaan oo aan lafiiri safarkii kooo waad bay waxaan lakulmeen haday kahowl galaan maxaad moodaysaah waaxaanse ognahay oo aad qarisaan banaankay iman ee hadii kale dalbada ciidamada amison si wax u hagaaagaan alsha baabna aad uga badbaadaan burcada qabiilka ku shaqaysata iyo burcada bada waa talo haxumaateeh xanaaqana habartaan meesha fadhida oo kororsiga sii rabta waa farooleeh baasababay
Cali baadiye, gaa-gaab iyo ina cali biixi ayaa ka dambeeyey. waa kuwa ka dhaaranayey gaalkacyo oo waxbaa dhici doona meel walba la taagnaa- waxaan oran lahaa INTA NABADDU JOOGTO AYAA NINBA LABO NIN LE,EG YAHAY!! Armay roonaan lahayd in aad ka waantowdaan dhaqanka ah hadaanana anagu talin wax ma soconayaa!!!
aad iyo aad ayaan uga xunnahay falkaas wuxuush nimada ah oo ay ku keceen wax magaataadaas burcadda ah waxaanna u mahadcelinayaa ilaahaygii badbaadshay madaxdaas iyo wafdigaas martida noo ahaa..
walahi waa yaab imaanka alla idiinka qaad kuwa ita laa dono waa lahelayaye haa laa doogdo wayo maba haan musliin xalala waana wacalo
Adeer weerarkaan waa mid laga soo qorsheeyey xarunta maamulka hargeisa waxaana weerarkaan fuliyey shuftata/maleeshiyaadka xaafada BARAXLEY! burcadaas waa in saa ugu dhaqso badan sharciga loo hor keeno, sumcad xumo ayey dadkii iyo dalkiiba u soo jiideen,naclatul!.
Yaa ka danbeeyay waaye faroola ka danbeeyay.
waa ayaandarro in maanta puntland dib ugu noqoto habkii moopryaanimada ee koon furta kajirey
waxaan leenahay hallasoo qabto imaanlaawayaashaas aan ilaah iyo islaamkiisa midna aqoon
hana la marsiiyo waxay waajib uleeyihiin.
Tani waxeey u egtahay ineey ka danbeeyeen askarta Puntland oo KONTAROOLADA tuulooyinka yaalay xoog kusoo dhaafay ayagoon iska bixin canshuurta KONTAROOL/JIDGOOYO’.
Anigu ma aaminsani in KONTAROOL/JIDGOOYO la dhoobo Gaalkacyo ilaa Boosaaso, laakiinse weey jiraan, oo tuulo kasta & magaalo kasta ayaa iska leh!
Marka seey “ANIGA IILA MUUQATO” KONTAROOLADII/JIDGOOYADII ayeey qaarna qadiyeen qaarna wax soo siiyeen, taasina ka careeysiisay shacabka tuulada eey qadiyeen!!!
Waa sideey iila egtahay!
Anigu MA TAAGEERSANI KONTAROOL/JIDGOOYO, LAAKIINSE waxaa jira beelo badan oo inta udhaxeysa Gaalkacyo ilaa Boosaaso KONTAROOL/JIDGOOYO KU LEH, Xaqna ma ahan ineey Wafdigaan ama kuwa kale eey Puntland wadato qaarna wax siiso qaarna xoog kusoo dhaafto.
Sheekadaan waxbaa ka danbeeya!
falka nacsnimada ah waxa ka dameeya gaagab iyo koxdiisa iyo qashinka rer muduga ah haday nabada diidan walee baa yaqaaan doofaarta doofaartu dhashay walee inad jariiban u qaxaysaan waa cawaan qaawan baryo ma lih wax xasuuqay rabaan nacala hooyadiin ku yaaal
Adeerayaal somali waa is taqaanaa Afka laga ceytamo dadkana la nabad galin wayo idinka ayaa yaqaan bal meesha aad gashaan ha la arko .dadka Xabada ad ugu goodinysaan waa is yaqaanaan aderayaal. dowlad isku tilmama ama bulacadland isku tilmama qabrigiina sii qota …. Tankale meesha ka saara turkiya ayaa la weeraray wayoo ah xabada idinka ayaa kala hormaray si aad ku heshaan lacag baryootan ah. maa weydiisataan ayaga ayaa wada taajiriin ah. balan wxa ah in aad bada bosaaso la idinku shubo dhamantin faroole na waa garoowe barxada ha isku aaso waa lo soo socdaa.
Musuqmaasuq Somali waa meheradeedii, mid qori wax ku dhaca iyo mid qalinka wax ku dhaca ayey dadkeenu ka koobanyahiin ee waxba yaanaan been isu sheegin,qofkastoo somaliyeed marka muufadiisa maraq la helo ayuu wanaag raadshaa, balweyga su,aale kuligeen halmar maraq mawada heli karnaa oo mawada sinaan karnaa, somalidu waa dadka aduunka ugu xun
raxan reebeey codsi maxaa idinku dhacaya hadaad warkoo dhamaystirtaan sheegtaan in waftigii turkiga jidka loogalay ninna ka dhaawacmay walow uu dhaawacu aad u fudud yahay iminkana cagihiisa kusoconahayo laakiin mid baad kareebteen ma aqaan fowdo iyo xaasid nimo waxay idinka tahaye in gaag ba,ay laga dhigay nimankii waxsooweeraray labana in ay ka dhimatay labana ay kadhaawacantay sideedna nolol laguhayo maxaa walaalayaal idinku dhacahaya hadaad warka isagoo dhamaystiran ama sida wax udheceen oo xaqiiqda ah aad wax u sheegtaan illaahow gun hanaga dhigin
Whoever these thugs are must be punished. Tuug aan dadnimo iyo dhaqan kala toona aqoon weeye. Waa in laga qabtaa wadanka meel kasta oo ay joogaan.
ASC, dhamaantiin, aniga hadii aan labadeeyda kumi arrinkaan ka dhaho; waxaan arkaa in dadka qaar leeyihiin Faroole iyo maamulkiisa ayaa ka danbeeya; qaar leeyihiin Gaagaab iyo kooxda waqooyiga kaalgacyo fadhida ee puntland ayaa kadanbeeyo; qaar leeyihiin waxaa ka danbeeya Somaliland; qaarleeyihiin waxaa ka danbeeya Koonfurta kaalgacyo ee Galmudug; meeshaas waxaa ka cad in aan la isku raacsaneeyn dadka eey yihiin qaadacul dariiqa mooryaanta ah ee dhibaateeyayTurkiga iyo dadkaan u yimid in eey dadka Somaliyeed wax u qabtaan. Marka mar hadii la isku raacsanyahay in eey waxii waxaan sameeyay eey yihiin burcad tuugo ah, ha la weeraro oo hala laayo waa la ogaan karaa meelaha eey joogaan qowleeysatee ilaan dariiqyada ayeey taagan yihiine. Markaas ayeey soo baxee waxii tuugtan ku taageerayay tuuganimada iyo nabad iyo nidaam diidka. Waa in si mideeysan loo wajahaa mooryaanta meel kasta oo eey dalka ka joogaan. Hadiise maamulada iyo dadka waxgaradka Somaliyeed eeysan isku aragti ka noqon arrimahaan oo la rabo in dhinaca kal la eego oo indhaha laga qarsado nijaastan, waligood shaqadooda foosha xun waa eey sii wadan, dalkana saas ayuu fowdo u ahaan. Thanks
yaan lakala saarin beel beel yaaanaan hadalka iskugudhigin waxaan nahay dad walaalaa oo is jecel oo xasiloon tuhunku mafiicna walaala yaal aan is garowsano aan iskaashano dhibkaan mawayna faroole gaagaab dhuubale iyo ina biixi waa dad wanaagsan waxii hunguri ah waa meesheeda iyaga aan eegno oo aan iskadhicino nabadbaa noo balana
WAR GAAGAABOW IYO FITNADA KA DAAYA PUNTLAND IYO GALKACAYO HADAAD RABTAAN XUKUN SAAS LAGUMA HELO
Yaa maleeshoyinka isbaarooyinka dhiganayoo waa inaa laga tashando. Waa yaab inaa degaandeen nabadoon lagu dhawac masuul uu yimiid inuu horumarkeen ka shaqeyo. Mogadishu oo ka amaan xun xitaa hal masuul sare oo Hayaada Turkiga laguma dhawaciin marka xagee qaldka miyaa wax la soo ababulayo oo horumarka Puntland ka soo horjeedo??. Marka kuwaan Alshabab waa inaa iska dhicnaa oo u badan dhalinyaro Galgal lagu soo daadiyay oo konfuurta laga adkaday.
TIKA should be welcome for their Support for Puntland! This are terrorist who are behind the attacks!
Faroole ka hor wafdi caalami ah laguma dili Jirin Puntland… kaasaa la leeyahay xil hasii kororsado
garoowe sxb sidaad la socoto waxaani waa web wuxuu soo qoraa hadba waxa ka dhaca soomaaliya qaybaheeda markaa sidii wax luugu sheego ayuu u soo gudbiyaa tan kale waxaani waa soomaaliya kii uroon mataqaan kii u xun ma taqaan ninkaan turkiga ah waa dad muslimiin ah oo u yimid inay umadaa caawiyaan anigu ma garanaayo sababta umana maleynaayo raga qaarkood dadkay xagxaganayaan dhamaan waa dad masuuliyiin ah waxaana shaqo kuma laha
war ha lagu qaado sharciga u yaala qaadicudariikh. waa wax ma garato waana in gacan bir ah lagu qabto. by shariif
Waan iska garaneyey tani in ay burbureyso mar hadii reer mudug kacaan.
Waa ka xumahay wafiga waxaa hogaamin ayey wasiirka qorsheynta iyo xidhidhiidhka caalamiga ah oo reer khaatumo ah.
Reer mudug waan u jeedanaa reer qardho hore ayaan u aragnay waxaa hadhay reer bari.
Wasiirkan reer khaatumo ma ceel ayaa laga qodayaa laascanood mise buuhoodle mise taleex. Maxaa gaalkacayo iyo qardho ceel laga qodayo daba dhigay. Yaaaaaaaaab.
Waa kaas reer mudugg hadhowna faroole ayey wax ka sheegayaan Bal isweydiiya kuwaa isbaaarada dhigtay min Gaalkkacyo iilaa buurtinle yay ka amar qataan yaana qoray bal hala wediiyo gudoomiyaha mudug AMINSOMA IYO ITOBIYAA AFKOODA TAQAAN JAAHILIINTA
@ Axmed
maxaad tidhi Somaliland baa ka dambaysay?????? alla maxaa caqli xumo ku haysa….xanuunkan ku hayaa dawo ma laha ,laakiin ILAAH baad leedahay
Ku: Garowe
Waxa aad ka ducerysanayso Ilaahay mar horuu idinka dhigay.
waa wax layaab leh in puntland oo soomaliya iyo caalamka looga yaqaano soomalida fayoow ee xaddaariyiinta ah in maantay ay jiraan dad nabad galyo xumo ka shaqaynaya kuwaasoo la soo baxay dhaqn kii koonfureed ee isbaarada iyo tuugada waxay ila tahay waa kansare aynu iska gooyno
Wan kaxumahay falkaas. ..dadka kufaraxsan falkaas yare ee burcadnimada ah oo isleh p.land qalqal ha dhaco waa fikir jiran.
Waxaad muuda hada inay moqdish more secure-tahay than puntland , alshabab puntland aay u guuren ,burcadbadeedi waa ka buuxda puntland … Faroles new Somali failed state waaye puntland.
mudug ha noolato puntland wax ay ka samyn karto maleh mudug ilaa ay dakeeda la tashato foroole tuuga wax walba asagaa afkau dhiganaya
Xilligii shidaalka la qeybsan lahaa ayaa soo dhoow oo reer puntland wixii ku abtirsada si fiican u gu nasanlahaayeen, laakiin kuwa annaga naga mid ah ayaa la’ isticmaalayaa, GOORMA? ma hadda? war waxi aynu iska qabano shidaalkan waa xaqiiq laqarinayo,.