DEG EDEG: dagaalo Xoogan Oo U Dhaxeeya Maamulada GalMudug & Ximan Iyo Xeeb Oo ka Dhacay Hobyo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Dagaal xoogan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay degmada Hobyo ee gobalka Mudug kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Galmudug iyo waliba ciidamada maamulka Xiaman iyo Xeeb.

 

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii madaxweynaha maamulka Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen degmadaasi Hobyo.

 

Maxamed Cumar Hagafay oo ah Afhayeenka maamulka Ximan iyo xeeb ayaa sheegay in dagaalkaan uu geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Ilaa iyo iminkana ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Galmudug iyo waliba wafdiga haatan ku sugan degmadaasi oo uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Galmudug.

 

Wararka ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu doonayo in la furo dekada Hobyo oo inmudo ah xirneed isla markaana maamulka Ximan iyo xeebna uu arintaasi ka soo horjeedo.

Wixii kus oo kordhaa kala soco RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

40 Responses for “DEG EDEG: dagaalo Xoogan Oo U Dhaxeeya Maamulada GalMudug & Ximan Iyo Xeeb Oo ka Dhacay Hobyo”

  1. prof piccolo says:

    Allha isku jabiyo tuugada somaliya dhiigood qaba oo qowleystada ah oo aan rabin iney somaliya nabad noqoto

  2. CAQLILOW says:

    WAXAA LAGU MAAHMAAHI JIRE LABADAAS NIN OO HARAGA ISKU HAYSATA HABARTOOD WAA SIDA GACANTAAS, WAXAAN UGA JEEDAA MEESHA LAYSKU HAYSTO OO DEKEDA LAGU SHEEGAYO WAA NAQAAN OO WAA XEEBTII HOBYOOD
    MARKAA MAGARANWAAYEEN INAY SIKALE WAX UFURDAAMIYAAN INTAY XABADA ISULA TEGAYAAN.

  3. Birjeex: says:

    @ Prof Piccolo. Waa maxay habaarku Xaajo nalooga bartay ma ahan ee is qabooji gacaliye.

  4. cadaado says:

    hobyo waa magaalo lawada degan yahay sida g/kacyo beel ama maamul kali ah oo sheegan karana majiro hadii dekad ama mashariic laga samaynayo waa in loo sinaadaa oo dadka deeganka ay raali kawada yihiin hadii kale dagaal waa lama huraan nin dhihi karana majirto ximan iyo xeeb waa khaldanyihiin oo xeebaha mudug waxaan deganayn boqolaal sano qofkii aantaas ogaynaw xabad baa lagugu barin.

  5. puntland boy says:

    asc akhyaarta dhamaan gaar ahaan raxanreeb salaan kadib waxaan leeyahay illahay haqaboojiyo dagaalkaas oo ay kudhimanyaan dad somaliyeed oo walalo ah oo waxa ay isku hayaana uuyahay dhulkii somalaia aadna waan uga xumahay in dhiig ku qubto wax hadal lagu dhmayn karo somali waxa halkaas garsiyey waa reer hebel nama xukumi karaan oo waliba sumacadeenii heerkaas gaarsiiyey somalina isnacday aniga hada waxaan jiraa 21 somlia waxaa igu danbeysay anigoon waxba ogeyn oo 3 jir ah hadana aduunka waxaan ugu jeclahay somalai iyo shacabkayga mana jecli inay micna daro kudhamaadan dhamaan somalidii waxey tuugsi ku jiraan qurbaha iyagoo lagu haayo bahdil iyo midab tagoo weyna garan waayeen wadankooda inay wax uqabtaan gacmahana isqabsadaan somalaia guula ayaan urajayn midka prof piccolo ah waxaanku leeyahay sidaan aad uhadlayso maaha dhaqan somalinomo iyo mid islaanimo marka illahay kabaq oo dadkaas walaha ah udeecee oo dhibko heysto hana habarin kolay waan arkaa somali ayaad tahay oo luuqadii waadku hadlaysa marka udeece bes ooyaan hadal macno daraa kaa dhicin asc

  6. qoono says:

    Hunguri ayaa u taliya caqligu uma taliyo .kkkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. diric says:

    piccolo saxiib waa dad walaala ah oon isdiririkarin labo maleeshiyana ma matalaan lakiin waxaan kuu shegayaa waligaa waa habaartameeysaa sideey ku ciileen baana ciil ku dhimaneeysaaaa

  8. Koofiyad-Cas says:

    Ninkaan Piccolo waa Aqoonyahan reer Garoowe ah. Wuxuu haystaa Phd. Meeshuu wax ka arkayo Proffesorku ma ahan meel dadkeenaan caadiga ah gaari karo.
    Waa isku darajo asaga iyo Proffesor Faroole oo labaduba cilmibaa dardari gaaray.
    Soo arki maysid Prof Piccolo xikmadiisa ku aadan dadkaan Soomaaliyeed oo islaynaya? Faroolana sidaasuu la qabaa. Cilmiigooda faraha badan dartiis labadoodaba meel aanaan ogeyn bay wax ka arkaan.

    Waxbaa Baallohooda Yaacay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. somali says:

    dagaal sidiisaba ma fiicno laakiin hobyo godan awalba beeshii dagaan ahaan laheed taariikhdana ku gadhay markuu Cali Yuusuf damcay inuu qabsado ayaa la qixiyey xiligii dagaalkii Cali mahdi iyo ceydiid ,inkastoo beesha G/Mudug magaalada wax ka dagto hadane dagaalkaas dartii ayey beelo kale oo dagaanka soo dajisay kuwaas waxaa ka mid ah beesha ximin iyo xeeb oo iyaduna aamintay dhulkaan mar hadii aad ka bixiseen beeshi laheed cid kaama laho,marka in lagu dagaalamo dhul markii horeba dadkiisii aad qixiseen ma ahan wax lala yaabo sababtoo ah markii horeba boob iyo dhac ayaad ku heshiiseen inaad maanta is dhacdiin waa wax iska caadi ah,kol dhulku hadii uusan aheen dhul aad dagaan ahaan u dagtaan waxaan talo ku soo jeedin lahaa inaad dadkii aad ka qixiseen ku soo celisaan idinkuna ku laabataan dagaamadii aad kolkii hore ka timaadeen.

  10. prof piccolo says:

    @koofiyad-guduud adiga waxad tahey nin somaliland ah oo casaan ma dhahno guduudka marka lagu garey adeer ee meesha Hargeysa oo muqayilka diloodey ka hadal oo habarha ay isku hayan Odeygii Khaatumo ahaa oo ka tagey ayey isku rifayaan kooxdan isku heysta Barxley waa dhiigyo cab oo dagal ka dhigtey in wax lagu helo aan aragno sida ajuuran ay u dhamtey ayay u dhamnayan

  11. Puntlander Man says:

    Qurux badanaa dhul ay ku taalo magaaladaas ayaanka daran. Dhul wax ma noqdee dad baa wax ka dhiga. Allaw qabooji oo caqliga usoo daji

  12. Fiqi Xaaji says:

    Hal maamul maxaa loogu heshiin waayay degmooyinka Cadaado, Hobyo, iyo Xaradheere.
    Mise tuulo walba waa maamul-Goboleed.

  13. Del dhexdhexaado. says:

    Alle ha qaboojiyo colaadda 00 heeshiis ha keeno dadkaan waa walaalo camal marka markay colaad dhamaato khayrka rajeeya Insha Allee Nabad Ale ha keeno. hoobyo peace and peace ha loo rajeeyo dhamaanteen.

  14. Garoowe says:

    Noo imaada waxaan idin barayaanaa sida dad walaalo ahi u wada dhaqmaan iyo sida deegaamada loo horumariyo bal eega oo ku dayda puntland.

  15. Fayod says:

    Wallee Soomaali waa kuwaalatay Prof. Faroole! Qarow iyo xumad ayuu ku noqday cadowgiis! Bal mawduuca fiiriya maxaa ka galay Faroole! Wallee dad wuu ciilay ninkaan! Adeer noo noolow anagaa ku jecele!

  16. hadraawi says:

    Hobyo waxaan tagay 1984 tii anigoo la socda diyaarad Meliteri, kadibna baabuur ka raacay ilaa Gaalkacyo kadibna diyaarad yar ku tagay Hargeysa.

    Hobyo Waa magaalo taariikhi ah, waa nasiib daro in dagaal ka dhaco. Reeraha Galmudig iyo Ximan iyo Xeeb way wada dagaan. Markaad Magaalada hobyo banaanka uga baxdo afterta dhinac waqooyi koonfur galbeed iyo bari oo ah bada, intaa Reer miyigaa waa reer Ximan iyo Xeeb.

    Hadii aanan qaldaneyn Sida aan xasuusto Reer miyiga Galmudug waxa ay ka bilawdaan Magaalada Wisil oo ku aadan dhinaca waqooyi bari Gaalkacyo.

  17. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin. Dadka sida wanaagaagsan ee xikmada leh arrinkgaaga comments ug bixiyay, waad mahadsantihiin. Aniga waxeey ila thay arrinkaan iyo dagaalkaan waa wax “disgusting” ah, qashin qashin dhalay. Waxaana shaki ku jirin, in inta dad horay u soo fashilmay sida Abdiqeeybdiid oo kale eey dadka dhex boodayaan eeysan wax nabad, iyo sharaf dadka Mudug iyo Galgaduud dago heleeyn. Dagaalkana waxaa mas’uuliyada leh Abdiqeeybdiid saa ka hor inta uu halkaas tagin nabad ayaa jirtaye. Mida kale, hadii horumar in lasaameeya la raba, waa in dadka oo dhan eey kugu raacsan yihiin waxa wanaaga oo aad wado hadiiba eey jiraan.
    Mida kale, xisaabta halagu daro, arrinka Hobyo, Laascaanood, iyo Kismaayo in eey na tusineeyso in si jaahilnimo ah dadka inta u sheegtaan deegaankan anagaa iska leh, markaasna eey isku laayaan. Waa in cawaanta isku leeyneeysa Hobyo la nacaleedayo, lana cambaareeyo, loona sheego, labadaan reer iska daayee, xataa dadka kale ee Somaliyeeed kama xigtaan magaalada. :&

  18. muse says:

    Illahay ha kala qaboojiyo dhiiga Somaliyeed.

  19. nurani says:

    yarka habaarama horta ciil ayuu qabaa mana ahan nin la oran karo ra yigiisa halagu fasaxo warbaahinta mida kale waa arin caadi ah in somalia dagaal ka dhaco hadana la heshiiyo marka kaliya waxaan ku baaqaa yarka habaarka inuusan warbaahinta la imaan habaar nucaas ah xaqna kuma lihid daciis ayaa tahay nacas yahow kala baro bad iyo wabi biyahooda kala saaar

  20. jugsodhacay says:

    godkooda aa biyo ugu galeen airoporka g/kacyo waxuu kuyaal waqoyi bari gaalkacyo waxana maamula putland, dekadii macmalka ahayd ee hobyo oo kutaal koonfur bari hobyo waxaa maamula hadaba xagee maa mulayaan.

  21. Cadaado says:

    ASC, waxaa eey tani noo tilmaamee qatarta kasoo socoto maamul goboleedyada eey sida garasha la’aanta ah ugu dhawaaqayaan dad raba in eey wax hogaamiyaan, balse aan caqli wanaagsan laheeyn, oo aanan ogeeyn waxaas waxa ka dhalan karo. Sidee beey suurtagal ku tahay, in labada gobol eey Galgaduud iyo Mudug, eey ka jiraan sadex maamul, waa ahlusuno, waa ximan iyo xeeb, waa galmudug, waliba waxaa igu maqaalaha beesha afaraad iee HG iyo beelo kalena in eey Xarardheere, waa magaalada e, laba maamul uga dhawaaqeen. Sidoo kale, waxaan ognahay, in puntland ayadana eey kaalgacyo maamulkeeda qeeyb dhahdo waa ka jiraa; sidoo kale, laascaanood waad aragtaan sida eey sadex maamul iskugu wada heeystaan. Kismaayo, sidoo kale ayaa kasoo socoto. Magaalooyin iyo gobolo kalena sidoo kale ayaa kasoo socota. Waa qatar. Waa jaahilnimo. Sidaas owgeed, waxaa laga rabaa Dowlada dhexe ee hada rasmiga ah, in eey waqti iyo dadaal galiso maareeynta iyo hagaajinta fool xumada kasoo socota wadankeena. Waa in magaalooyinkaan iyo goboladaaan eey hagaan dadka dadka ugu garasha fiican, danta dada Somaliyeed oo dhana ka shaqeeya. Waxaana qasab ah in la fahmo in eey cawaanimo tahay in qolo walba magaalo sheegato. Runtii waxaana waxaa hormuud ka ah, niman aan talo kale heeyn oo xukun doon ah. War maad si kale u shaqeeysataan, oo dadka ugu shaqeeysaan iyadoo magacyo iyo maamulo dalka lagu kala jarjarayo la sameeynin. Bulshit.

  22. nurani says:

    habar kuma jiro falaqeynta ciilbaad qabtaa bro waan ka xumahay lkn ma ciil bixi kartid camal warbaahintana hala imaan habaar iyo wax la mid ah

  23. Diirshe says:

    Laba nin ilmo adeer ah oo isku dilaya Deked reerkooda dhan iska dhaafe, waxaa soo gaari lahaa reer Hiiraan. Nasiib xumo dad qalnimada ayaa uga daran inayw ax tabcadaan, xaaraan ku naax meelna ma gaaro.

  24. Caburiye says:

    waxaan ogaa waagii wadanka somalia iigu dambaysay ayaga oo xaskusha iyo xaabada lashito keena magaalooyinka ku noolyahay ana ciraa igu taal 50 sano kor ayaan u dhaafay dagan Hobyo ma aana maqal mana arag

  25. jilbis says:

    Hobyo halagu kala baxo waayo ayadaaba magaalo istaratiji ah, labadaan reer soo ma aha kuwii boqolaalka qof ku waayey Qeydka wiilkii yaraa laga furtey, Hobyo oo saalada xoolaha wax lagu karsado maxaa yaala.

  26. Puntland4Ever says:

    @ Prof Piccolo…..Bro waligaa haku farxin in dagal dhex maro umad carrur, aabayaal, hooyooyin, dad da’ ah iyo kuwo iska dhibaateeysanba ku jiraan. Siyaasad waa lagu kala duwanaadaa, laakin dadka dhibkooda laguma farxo. Ma aha inaad iyaga ugu daneeyneeyso, laakiin waxaan qabaa qofka xumaanta ku farxa inuu markiisa dhadhaminaayo. Cadoowgaaga xitaa colaadiisa laguma farxo, iskaba daa umad Soomaalinimo aad wada sheeganeeysaane. Waxaan rajeeynayaa ineey kaa aheyd kaftan aan wanaagsaneeyn laakiin hadeey daacad kaa ka tahay ka filo gurigaaga!!!!!

  27. Caburiye says:

    Su,aal piccolo soo wiilka yarkaa ee Nairobi ku xanuunsanaya ee bysaaradu ka reebtay maaha ee matoorka duqeeyey hadaba huuno ragani waa ku kubaday inaaad ka carartaa ilaa burtinle ee adoo baqanaya aad burco inoogu imaateen Cabdi Qaybdiid waa leader

  28. maroodi says:

    ilaahow kala qabooji

  29. ALE HA KALA QABOW JIYO

  30. afnugaal says:

    waxaa ku xigi doona dagaalka ka dhici doona garowe oo faroole iyo maleeshiyaadkiisa lagu baacsan doono meelwalba diyaar ayaa laga yahay oo daraawiishtii khaatumo kamid tahay goor aan fogeen garoowe waa lagu kala baxayaa

  31. Ugaas Raage says:

    Hobyo wax dagaal ahi kamadhicin waa nabad waxa kaliya ee cidaacaduhu buun buuninayaa waa rag watey 2 gaari tiknika oo burcad badeed ah ayaa xabado kor uriday waqtigaa asaga ah waxaa magaalada Hobyo kusugnaa Wafdi Balaaran oo reer Galmudug 30 meeyo gaari oo tiknikaana watey.Reer Galmudug madaxdoodii waxay amreen inaan loojawaabin,marka waxa dadka waalaya waa mid layiraahdo cagafey oo neef ah oo marwalba iska hantaaca warkiisuna qabasho lahayn.

    Hobyo waxaa laga hirgalinayaa deked mac mal ah marka hore sida ugu dhaqsiyaha badan.

  32. faarax says:

    hadii aan ka hadlo arintaan dhacdey gardarada waxaa lahaa galmudug because galmudug waa faqriyeen meel wax ka soo galo malah warkii ugu dambeeyey tv wuxuu yiri cabdi qaybdiid oo wato 6 tikniko ayaa weeraray hobyo waana la soo jabiyey cabdi qaybdiid wuu soo cararay sida qaatumo seeg camal ayuu usoo orday galmudug waa kataalaa 3 madaxweyno ayaa waxey isku haystaan hal xaafad baraxleey kuwaan deked kuma heshiinayo waa sida qaatumo waxaan layaabay qaatumo maalin waxey uordaan soomalilan maalin meel akle qaatumo seeg dhibka heysto galmudug ayey qabtaa waxey lee yihiin qaatumo 10 madaxweyne

  33. Abdul says:

    @ Prof Piccolo. Sxb dadkaan a habaroosid wa hawiye ayaga ayaana ah madaxweenaha somaaliya habaarna dumaaarka aan ku naqanay , lakin raga bari dumar wax madhamaan zayid abdulle Hasan a hore u sheegay

  34. Zaki says:

    War hesheya dadow manta waxan zugenay mid nimo

  35. wadaad yare says:

    Ma fahmin meesha dadka garashadu ka martey. Inta aan qaab qabiil u fakareyno qofba qof ayuu ku xiranyahey. Haddaad si kasta u fakarto ood aqoon kasta sheegato box ka qabiilka ayaad is arkeysaa adigoo ku xanniban oon dhinacna uga bixi karin.

    Hadda aniga Wadaad Yare ah waxaan dhalasho ahaan kasoo jeedaa Maamul Beeleedka Ximan iyo Xeeb. Waxaan is arkayaa anigoo la yaabban Cabdi Qeybdiid iyo waxa uu sameynayo waqtigaan hadda la joogo.

    Ma box kaas qabiilka oon dhanna looga bixi karin ayaan aniguna anigoon is ogeyn ku jiraa kow dheh mise Cabdi Qeybdiid ayaa ah majnuun falan oo qabasho u baahan?

    Waxaan is weydiinayaa magaalo labo qabiil wada degaan, oo ay dagaallo badan ku soo dhex mareen oo aakhirkii iney wada degganadaan dantu ku qasabtey sidee qof ka tirsan labadii qabiil isagoo ciidan wata intuu yimaado u oran karaa dekad ayaan ka dhisanayaa?

    Ma anigaa box ku xanniban mise qaladbaa jira?

  36. joorre says:

    Asc all.dadka somaliyeed alle hakala qaboojiya. Tankale hadii laga hadlo hobya farole kismaayo farole xamar farole puntland farole president xasan farole raysalwasaraha farole war amaad kuwaalataan farole. Isku xishooda

  37. NIN YAABAN says:

    SOOMALIDU WAA ISKU BEELE SHAYAADIIN AYAA BELO DHEX DHIGTAY WAXAN KULA TALIN LAHAA DADKA WALALAHA AH EE XABADA LAYSUGU DHIIBAY INAY KA WAANTOOBAAN DHIIGA MACANA DARADA AH, XAALADANA SI CAQLIGU KU JIRO DADKA MEESHA WADA DEGANA KULLI DAN U AH HA RAADIYEEN INTA CAQLIGA U SAAXIBKA AH EE AAN SUNTA QABYAALADU MUDIN INKASTOOY YAR YIHIIN, HADII IYAGA LAGA WAAYO MEEESHAAS SOMALIDA SIFADAAN SHEEGAY LEH MEEL KSTA HA JOOGENE HA RAADIYEEN XALAKA HOBYO, EE DHIIGA DADKAAS SOOMALIYEED LOO BADBAADIN KARO ALLOW SOMALI BADBAADI Aaaaaaaaaaaaaamin

  38. Runsheeg says:

    war prof piccolo ayaad ku waalateen waxaa tihiin mukulaalo hilib loo tuurey kuwa ku dagaalamya oo ahaa tuugaddii xamar soo fiiqatey oo xaqii baa iksu direy kirishboy iyo darawal kuwa noo ahaan jirey oo hadda xamaali noowada ah tuugayahey dadka sharafta leh oo aqoonyahanka meel haoga dhicin ninkaa cilmi badan waa kugadanyaa gadaalna waa kaa tooganyaa ogow tuugayhey

  39. Ali soomali says:

    Somalia weli ma qabiilaa dagaal u ooman?, wallee waa yaab war goormaan bodownimadan iyo jaahilnimada aan ka baxeynaa, wallahi waxaa na dhaama cali-beysteenka mareykanka, waxaa la marayaa qarniga 21aad markaas ayaa intaas oo wiil oo somaliyeed qarankooda difaaci ay ugu la’anayaan buqcad yar aan dheef badan lahayn qabiil dartiis. Ilaahow ummadan samatabixi.

  40. Puntlander Man says:

    @ wadaad yare iyo cadaado. Wax badan ayaan ka ogahay dhulkaas sida loo dago iyo dadka ku nool. Hadaad isa sheegten ana aan isa sheego aniga iyo aabahayba waxan ku dhalanay Hobyo asal ahaan Puntland ayaan ka soo jeeda. Hadaan awoodi karo dakad iyo wax ka Wayn waa ka dhisi lahaa magaaladaas. Anigu ma aaminsani in qaybdiid awoodeed lee yahay inuu dakad dhiso. Ka soo qaad waaba awooda maxaad dagaal ugala hortagaysaa waa horumar ilaah keeneye qayb taada maad qaadatid. Waxa xaqiiqa ah dhaqanka ka jira dhulkaas inuusan somalida badankeda lahayn. Wax walbana ha ku qaymeen isdiidka bahdaa.

Leave a Reply