Dhageesiga Dacwad Loo Heesto Nin Hindi Ah Oo Si Qarsoodi Basaabooro Soomaali Ah Ku Galiyay Kenya Ayaa Bilaabatay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC Radio) Waxa maanta magaalada Mombasa ee dalka Kenya ka bilaabatay dhageesiga dacwad loo heesto nin Hindi ah, oo lagu qabtay contairnerk uu ku soo qariyay basaboro Soomaali ah, kuwaasoo la rabay in qaab sharci daro ah lagu soo galiyo dalka Kenya.

Dhageesiga maanta waxa joogay danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” iyo taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya General Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

Markii ay furantay maxkamadda ayaa dacwad oogaha waxa u yeeray marqaatiyaasha eedaha lagu heesto ninka hindiga, waxana ay goobta ka sheegeyn in ninkan hindiga ah in uu doonayay in dalka Kenya soo geliyo baasabooro Soomaali ah oo been abuur ah.

Markii intaas la marayo, ayaa dacwad oogaha waxa uu amray in dacwada dib loo furo 25-ka January sannadka dambe dame 2013-ka.

Intaas kaddib ayaa danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Ameeriko waxa uu la hadlay saxaafadda, isagoo sheegay in ay ku qanacsan yihiin qaabka ay maanta maxkamadda u dhacday, isla markaana ay rajeenayaan in lagu guuleesto dacwada loo heesto ninka hindiga ah.

Sannadkii hore ayaa waxa lagu qabtay magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa , Container ay buuxeen baasabooro Soomaali ah oo been abuur ah, kuwaasoo loo waday ninka Hindiga ah ee maanta dacwadiisa ka bilaabatay halkaas.

 

Danjire Ameeriko iyo Genaral Gaafow oo dhageesanaya dacwada loo heesto ninka hindiga

Danjire Ameeriko iyo Genaral Gaafow oo dhageesanaya dacwada loo heesto ninka hindiga

Si kastaba, Sannadkan horaantiisa, ayaa ayaa kooxda la socodka arrimaha Soomaaliya ee Monitoring Group , warbixin ay soo saareyn waxa ku jirtay, in madaxweynihii hore Soomaaliya uu baasaboor diplomasi ah u sameeyay nin ka mid ah madaxda ugu sareeya burcad-badeeda Soomaalida, in kastoo warkaa uu Shariif Sheekh Axmed uu beeniyay.

Sidoo kale hey’adda waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya, waxa lagu eedeeyay in ay basaasabooro siiyaan kooxo falal dambiyeedyo ah la siiyo.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairob

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

2 Responses for “Dhageesiga Dacwad Loo Heesto Nin Hindi Ah Oo Si Qarsoodi Basaabooro Soomaali Ah Ku Galiyay Kenya Ayaa Bilaabatay”

  1. axmed says:

    bal tuugii Gaafoow oo xaaran cun ku naaxay ayaa weli qaran matalaya.

  2. duugeeda says:

    marka hore tuuga qabta ka dibna ninka indianka taas baan xal ah haddii kale beri buu kuwo kale iibsan doonaa ////// tuug gaafow

Leave a Reply