Dhaystii maandeeq. W/Q Axmed Siciid Maxamuud


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dhaystii maandeeq
Axmed Siciid Maxamuud
Ahmedsm_45@hotmail.com
Oktoobar 02 2012

Hordhac:

Dhambaalkan oo ah mid intiisa badan ay ka dhex muuqdaan maansooyin iyo tixa kala duwan oo qaarkood uu qoraagu leeyahay halka qaarka kalena maansayahana kale hora u curiyeen, wuxu tusaalaynayaa ama ka tarjumayaa dareenka qoraaga iyo aragtidiisa ku aadan marxalada hada wadanku marayo, wuxuna noqon doonaa mid bal wuxuun ka iftiimiya ififaalaha kasoo bidhaamay soomaaliya ee muujinaya raja wanaaga iyo soo noqoshada sharaftii iyo karaamadii ay lahayd umada soomaaliyeed, taas oo aan ilaah ka rajaynayno in ay noqoto mid rumowda.

Dhays:

Afsoomaali ahaan dhays waa erey loo adeegsado neefka xoolaha ah ee riman ama dhalaya marka sidkiisu soo dhowaado ee uu candheeyo ( candhadiisa ay caana kusoo dhacaan) taasoo muujinaysa inuu dhalaayo.

Maandeeq:

Soomaalidu markii ay xornimada qaateen ayeey illeen qola walbi wixii ay garanayso ee agteeda ugu qaalisan ayeey wax ku matalaane waxay xornimadii macaanayd ee lawada helay ku meteleen Maandeeq oo ah hal madi ah ama caana badan oo qofwalbiba inta haruubkiisa soo cusho uu ka buuxsado lagana wada dhergo, markaas ayeey yiraahdeen:

Dhaaxaan murugiyo harraad mudanee
maantey curatoo mataanaysee
aan maalno hasheena maandeeq
dhaaxaan melif iyo rasaas u mutee
waa maalin hor loon isoo marin
waa maalin cad aan madoobayn
aan maalno hasheena maandeeq

Hadaba su’aashu waxay tahay xagee ku dambaysey hashii Maandeeq? mase la maalay?

Run ahaantii hashii Maandeeq ahayd waan maalnay in muda ah, balse nasiib darro intay dharastay ayeey inaka gaagaxdey, dabadeedna wayba gurtay oo galoofowdey, mase dhiman ee ilaa markaas way noolayd iyada oo aan wax caana ah lahayn.

Maandeeq iyada oo irmaan oo soomaali caaneheedu wada deeqi lahaayeen ayeynu waxaynu raacinay kuwa iyagu dhurwaayo ku noqday, oo ay ka diday soona hogan diiday ka dibna bar caana ah ayaa laga waayey, taas aniga oo tusaalaynaya ayaan gabaygii Garwaaqsiin waxan ku iri:

Hadaan geyney geedkaan rabnoo gaarney hadafkeeni
Hadaan goosankii raadinoo gacal walaalowney
Markii geela rimaydiisa aan gaar uwada soocnay
Hadaan gorofki soo culanay iyo haanti gocosowdey
Asaan godol ka waynuu dhammaan wada galoofoobey
Gablamooyinbaa meesha yimi waynan garanayne
god cidla ah ayeey nagu fureen meel gawaahiya e
war waa nalaka gaagixiyeyeey ramagi guuxaayey

Ilamaa iyo markaas sidii ayeey u gudhnayd (caana la’aan) Maandeeq dadka soomaaliyeedna udaba joogeen iyaga oo gaajaysan iyaga oo sugaya maalinta ay da’da labaad dhali doonto ama ay marlabaad u dhali doonto caaneheedana ay wada cabbi doonaan.

Dhaystii Maandeeq:

Mudadii ugu dambaysey geedi socodka siyaasada soomaaliya waxbadan ayaa iska bedeley, waxa dhowaan laga baxay marxaladii mudada aan ku daba wareegaysanayney ee loo aqoon jirey ku meel gaarka, waxa loo gudbey dawladnimo dhamaystiran, waxa markii ugu horaysey mudo 45 sano ah (1967-2012) gudaha dalka lagu doortay madaxweyne rasmi ah, waxay dhamaan soomaalidu dareemeen saan-saan wanaagsan oo u hogaaminaysa dhanka dawlad wanaaga, deganaanshaha, nabadda iyo cadaalada, dhamaan wax yaalahaas oo ah kuwa uu shacabka soomaaliyeed ee mudada dheer dhibta deriska la ahaa ku taamayo ayaa waxay yihiin waxyaalaha laga sugayo xukuumada soo socota iyo madxwaynaha la doortay, inkastoo aaney sahlanayn waxyaabaha ina horyaalaa hadana niyadu ma xuma rajaduna waa mid fiican.<

Marxaladan waa mida aan anigu ugu yeeray magaca maqaalku xambaarsanyahay ee ( Dhaystii Maandeeq) , ma oranayo manta ayeey markii labaad Maandeeq inoo dhashay waxanse leeyahay way dhaysisay oo waxa dhow markii ay dhali lahayd, candha weyn ayaa ka muuqata sidkeeduna waa go’ay, haseyeeshee, su’aashu waxay tahay maxaa maanta inala gudboon?

Nin hal u dhalaysaa ma aha inuu seexdo ama dayaco ee waa inuu hortaagnaadaa ilaa iyo inta ay ka dhalayso si aaney u fool hallaabin oo cidla bahal ugu cunin, waana mida maanta ina hortaala loona baahanyahay inaan dareeno, inagoo taas tusaalaynayana waxan iri:

Maandeeq markey noo dhashaan dhiilka soo culanay
Markii aan karuur wada dhaneey dhayda nagu sayrtay
Waatey abaar nagu dhacdoo dhiilki gorofaadye
Dhaqayowdey oo waayadii dharastay goortiiba
Dhib waxaan lasoo mudano ooy dhabu galoofowdo
Kii maanta ceelka u dhigana gaajo dhinac seexdo
Dhaysteeda maantaan arkey gooja dhabar saartay
Aan sidkeeda wada dhawrno oo dhinac istaagnaano.

Waa run oo waxay u baahantahay arrintu dhabar adayg badan iyo soo jeed, waa markaan rabno inaan Maandeeq markale ku dhicin wixii hora ugu dhacay.

Hadaan si fudud oo la wada fami karo arrinta uga hadlo inaga oo ka fogaanayna dhanka suugaanta oo laga yaabo inay dad badan dhibto ama ku adkaato fahankeedu, waxa ina hortala marxalad adag una baahan aragtidayda qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

Dareen jooga:

Waxa ugu horreeya ee aan isbedel ku samayn karnaa ama aan marxaladan kula jaanqaadi karnaa waa in laynaka helo dareen jooga oo dareensan meesha wax marayaa iyo waxa laynooga baahanyahay, waa in la helo bulsho dareensan dhibta haysata iyo baahida loo qabo in laga baxo, waa in la helo dad garanaya wanaaga nabadda iyo xumaanta dagaalka, burburka iyo dawlad la’aanta, markaas ayaa la heli karaa dhaqaaq xaga wanaaga loo dhaqaaqo ayna imaan kartaa tallaabo loo qaado dhanka dawlad wanaaga.

Maamul wanaag:

Maanta umada soomaaliyeed oo dhan walba soo tijaabisey kunasoo fashilantay, waxa keli ah oo badbaadin kara baahina ay uqabtaa waa maamul iyo madax toosan kuwaas oo ku haga tubta toosan, madax ka madax bannaan qabiil, musuqmaasuq, eex iyo isdabamarin, madax dareensan masuuliyada saaran iyo dhibta dadka ay masuulka ka yihiin haysata, kuwaas oo dalka u horseeda maamul wanaag dalkana kusoo dabbaala nabad iyo xasilooni.

Iskaashi:

Hadaan gacanta laysqabsan lana taageerin qofkasta oo wanaag wada, gacan lasiinin lana garab istaagin hogaanka cusub ee dalka, ma mira dhali doonto juhuudii la bixiyey, mana rumoobi doonto wixii aan rajayneyney, saas darted waxa loo baahanyahay in layskaashado muwaadin kastana uu dareemo waajibka dalkiisa ka saaran iyo iney lagama maarmaan tahay in la midoobo.

Dhab ahaantii, ma aha wax yaabaha loo baahanyahay kuwa qoraalkan yarka ah lagusoo koobi karo, waxayse iga ahayd oo keli ah dareensiin iyo baraarujin, waxan alla ka baryeynaa inuu umada soomaaliyeed garab galo meelkasto oo ay joogaan dawladnimadoodiina usoo celiyo.

W/Q Axmed Siciid Maxamuud
Ahmedsm_45@hotmail.com

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

5 Responses for “Dhaystii maandeeq. W/Q Axmed Siciid Maxamuud”

  1. [...] See more here: Dhaystii maandeeq. W/Q Axmed Siciid Maxamuud [...]

  2. EX-Muslim says:

    Waad mahadsan tahay qoraa sare Axmed Siciid Maxamuud. Dhigaalkaanu wuxuu leeyahay murtiyayn iyo xiiso lagu dhiirran karo.

    Mahadsanid.

  3. Yonis says:

    Qoraal wanaagsan oo dhiiro gelin ah islamarkaana qorey qof wadaniyad iyo niyad wanaag badan ay ka muuqato. Mahadsanid

  4. Mahad says:

    ASC DHAMAANTIINBA, SALAAN QORAAGA IYO WEBKA AH KADIB WAXAAN JECLAAN LAHAA INAAN SOOMAALIDA LAWADAAGO ARAGTIDEYDA. WAXAAN MARKA HORE U MAHAD CELINAYAA QARAAGA SAADAASHA FIICAN OO DHAXAL GALKA AH BIXIYAY, WAX BADAN OO SOOMAALIDA KA QARSOON AYUU KA HADLAY, MAANTA MAALINTII MAANDEEQ INAY ISKU DHOWYIHIIN. RUNTAA ANIGA SIDAAS AYAY IILA MUUQATAA WAANA RAJADA SOOMAALI BADAN. LAAKIIN SU AASHU WAXAY TAHAY? AKHRISTE YAASHA SOOMAALIYEED WAXAAN WAYDIIN LAHAA MAXAA LOO WAAYAY QOF XITAA DHIIRI GALIYA QORAALKA WALAALKA.

  5. Mahad says:

    subxaana allah, qofka magaca ka dhigtay ex-muslim, allah ka cabso diinta islaamka sidaas ciyaarta ah waad uga bixi kartaa, waayo ma rumeysni in qof somali ah uu diintiisa ku badelanayo baadil, ha moodin ineysan dambi aheyn.

Leave a Reply