Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Ra’iisal Wasaaraha Cusub Oo Ka Dhacay Galgaduud
Dhuusamarreeb (RBC Radio) Dibadbaxyo lagu taageerayo ra’iisal wasaaraha cusub ayaa maanta oo Axad ah waxa ay ka dhaceyn gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay ka arrimiyaan Ahlu Sunna.
Boqolaal qof oo watay sawirka ra’iisal wasaaraha cuusb Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo calanka Soomaaliya ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Dhuusamarreeb iyo Guriceel.
Waxa halkaas kula hadlay maamulka Ahlu Sunna kuwaasoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in nin ka soo jeeda ama ku dhashay gobalka Galgaduud loo magacaabo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Waxa ay sheegeyn saraakiishii goobta ka hadlay in ay la shaqeyb doonaan ra’iisal wasaaraha cusub, waxana ay u rajeeyeen in uu soo dhiso golle xukuumad ka tayo wanaagan kuwii hore dalka u soo maray.
Ra’iisal wasaaraha cusub ee Jamhuuirada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ku dhashay magaalada dhuusamarreeb ee gobalka Galgaduud.
Qaar ka mid ahaa dadkii ka soo qeybgalay dibadbaxyada ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ra’iisal wasaaraha cusub, waxana ay u rajeeyeen in uu alle u fududeeyo xilka loo magacaabay.
Dhinaca kale, magaalada Muqdisho waxa maanta ka dhacay kulamo lagu taageerayo ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaley u magacaabay Dr. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waa ganacsade ku noolaa dalka Kenya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] More: Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Oo Ka Dhac… [...]
Waa dhulkii uu u dhashay kuna dhashay……….
waan ognahay Puntland lama shaqeyndoonto nin walaalaha galgaduud soo saareen.
Guul reer Galgaduud! Waa kaasaa dadka caafimaadka qaba oo wadaniyiinta ah.
Allaha ku dhowro Mudane Raysal Wasaare Saacid Faarax Garaad.
Ka naxoow JAB, Ku farxoow NOOLOW!
Assc.
Aamiin oo Allaah (swt) ha u fududeeyo hawlaha culus ee sugaya RW cusub ee maanta laga doortay magaalada Xamar.Waxaan kaloo ugu duceeynayaa in uusan marin jidkii uu eeday Ina Farmaajo ee ahaa kala sooca soomaaliya.
[...] Read the article: Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Ra’iisal Wasaaraha Cusub Oo Ka Dhacay Galgaduud [...]
nin magaalo kacaroodow siiga yare, buntland dhaqaalona laga helimaayo ciidana laga heli maayo e
waxaan dhib iyo qabyaalad ahayna laguma hayee , .war dadkiina dhinac karaaca oo dadfiican ayaa idinku jeree dadka fiican idaacadaha haka hadlaan ..faroole (eey raabiyo qaba) aad kudaba faysheen mirahaad kagurataan waxaba ha iga siinina hadiidnaan waxiska badalin
@Rooble700 Puntaland dhib un bay la tagaysaa anigu hadaan ahay PM ankee lama haleen sababtoo ah somalina waa laga horkeenay waxaana ku shaabadaysan QABYAALAD.COM,MUSUQMAASUQ.COM GARASHOYARI.COM ciidan kama jogaan koonfur dhaqaale lagama helo maxay tahay sababta ay u boodboodaan?ta kale Puntland waa nalaga dumyay rag ayaana u fakaray in ay iyaga lee yihiin marka TUKO CANBAAR LEH ayay noqdeen halka aad joogtaan jooga halkaas ayaad ku fiican tihiine
Anigoo ah nin asalkiisa gedo kasoo jeedo kuma qanacsani ninkaan r/wasaaraha lagu sheegay ee ku abtirsada naagtisa mudane cabdi casho xaji cilmi meeshan waxaa lagu bahdilay beesha uu kasoo jeedo iyo beelaha kale ee ladhashay marka waxaan talo usoo jeedin lahaa reer puntiland in ay u ololeeyaan sidii loo ansixin lahaa marka ninkaan barlamaanka lahorgeeyo maxaa yeelay ninkii aad taageertaan dad badan ayaa kahor imaanaya oo waxaa galaya shaki ah in ninkaan pu.tiland ama faroole wato sidaasna wuxuu kuwaynayaa kalsoonidii barlamaanka waxaan filayaa inta wax garanaysa inay ifahamtay.
@xiireey, qabyaalada meeldheer haka raadin! Adigaa dhex dabaalan kuna subkada! Reer Puntland hadaa nahay waanu soo dhawaynay, dhegahaaga fur! Laakiin haduu noqdo nin lagu adeeganayo dharwaaxo ayaa ku dhicin wiilkii salka fududaa Farmaajo! And I promise you that!
ASC, @Somali, Munaafaqnimada iyo beenta iska daa, oo kamasoo jeedid Gedo, saa waxaan naqaanaa in dadka Gedo, iyo Galgaduud dago ee beesha Prime Ministerka cusub eey yihiin dad xalaal ah, oo wadinyiin ah, oo aan sidaadoo kale munaafaq dadka iska horkeeno aan aheeyn.
Mida kale, qaswade Faroole sow naag isaaq ma qabo, sidaasoo tahay waxaan dhaqan somali iyo mid islaanba aheeyn in dumarka lakala qabo iyo dumar oo dhanba aan wax laga sheegin. Marka waxaan u maleynayaa in aad “loser” faashil ah oo hadana munaafaq ah tahay. Adigoo kalena waa dadka qatar ku ah wanaaga iyo sharafka umada Somaliyeed oo loo baahan yahay in la’iska ilaaliyo.