Diyaaradaha drone-ka Oo Shabaab Ku Dishay Kulbiyow


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kulbiyow (RBC Radio) Ugu yaraan lix ka tirsan dagaal yahanka Al-Shabaab, ayaa ku dhintay in ka badan 15-kalena waa ay ku dhaawacmeyn weerar xagga cirka oo diyaaradaha drone-ka ee Mareykanka uu adeegsado ka geesatay deegan ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

TV-ga Press  ee dalka Iran oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, ayaa sheegay in dhacdadaas ay ka dhacday guri ku yaalla deeganka Kulbiyow ee gobalka Jubadda Hoose.

Sheekh Ibraahim Jabaar oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Al-Shabaab ayaa Press TV u sheegay in weerarkaas uu dhacay Arbacadii shaley.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay, dhowr maalin kaddib, markii ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeyn magaalada Wanlaweyn oo 93-km waqooyi kaga beegan caasimada Muqdisho.

Isniintii, ayaa ugu yaraan 15-qof ku dhintay tiro intaas in kabadana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii diyaaradaha Mareykanka uu isticmaalo ee aan lahayn duuliyaha ee drone meel ku dhow Wanlaweyn, oo ahayd meel ay horreyn ugu xooganaayeen Al-Shabaab.

Miltariga Mareykanka ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka waxa ay u adeegsadeen  marka laga soo tago dalka Soomaaliya wadamada Afghanistan, Pakistan, Libya,Ciraaq, iyo Yemen.

Xukuumadda Washington waxa ay sheegataa in in diyaaradaha  drones-ka ay ku bartilmaameesato kooxaha argagixisada, laakin wax yeelada ugu badan waxa ay soo gaartaa dadka rayidka.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

3 Responses for “Diyaaradaha drone-ka Oo Shabaab Ku Dishay Kulbiyow”

  1. sh:alidheere says:

    ilaahay waxaan uga baryayaa inuu shahaado siiyo dadkaas kufaarto dileen oo lagu dilay diyaarada macatabka leh inta hartayna saas haku dhinteen yaysan cabsan inta ku faraxdana alaha duleeyo dadkaasi waa islaam hadana waa soomaali haday khaldanyihiin iyo haday saxanyihiinba waxa laynaya waa yahood Talaviv iyo maraykan ka soo duushay marka aan taas qaymayno aakhirna warbaa jira inaan inta qumana ku taageerno ayaa waajib nagu ah tusaale wariye kismaayo kawaramay waxuu sheegay in ragii iyo dumarkii isla dabaalanayaa baashaalna jirno muusigana dariiqyada lagu dhagaysanayo marka dadka caqligu ku danbeeyo taas ha fiirshaan cadaaladana waa la is faray

  2. Diirshe says:

    Alshabaabka laaya oo god iyo guri kasta ay galaan halugu dilo Gantaalo Markab laga soo tuuray ama Drone. Reer Kismaayo sida Xamar loo xoreeyey bay hadda Badda u galayaan, dhalintuna kubad ugu cayaarayaan. Waa dhag dheer dhimatoo dhulkii roobee.

  3. Ali soomali says:

    Ku, Sh:alidheere, waxaa tahay jaahil duli ah, war yaa ka dhaadhicineysaa shabaab ayaa muslim?, haddii aad Alshaydaan muslim u haysatid wax badan ayaa ku dhiman ee diinta soo baro.

Leave a Reply