Dood Adag oo Dhexmareysa Barack Obama iyo Mitt Romney
Denver (RBC Radio) War-baahinta dalka Mareykanka ayaa caawa inta badan waxa ay wararkooda galiyeen dooda goordhow dhex mareysa Madaxweyne Barack Obama iyo ninka u tartamaha xisbiga Jamhuuriga ee Mitt Romney.
Waa markii u horreysay oo labadooda TV-ga ay dood ku dhexmarto , taasoo qeyb ka ah seddax wareerg oo loogu diyaar garoowayo doorashada madaxweynaha 2012-ka.
Kaliye shan toddobaad ayaa hadda ka dhiman, marka la qabanaayo doorashada madaxweynaha Mareykanka oo dhaceysa November 6-deeda.
Romney, ayaa lu miyay dad badan, kaddib markii bishii hore uu sheegay in dadka hantiliyaasha ay taageeran isaga, maadama
Dooda kobaad ee dhex mari doonto labada hoggaamiye ayaa noqon doonta
-Dhaqaalaha
-Daryeelka Caafimaadka
-Doorka dowladnimo
-Maamulka
Labada nin ayaa kulamo albaada u xiran Talaadadii la qaatay taageerayaashooda, Obama ayaa maalintii labaad ku qaatay gobalka galbeedka ku yaalla ee Nevada, halka Romney ayaa isna ku sugaa meel ku dhow Denver, gobalka Colorado, halkaasoo ah meesha ay ka dhaceyso dooda.
Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay In dooda labaad iyo mida seddaxaad in ay dhici doonto
bishii October 16 iyo October 22.
dadka waxa odorasa waxa ay lee yihiin aftidii u dambeesay ee la sameeyay, waxa ku horreeyay musharax xibiga Jamhuuriga Romney, maxaa yeelay Obama waxa uu ku guul dareestay ballan qaadyo uu horrey ugu dhawaaqay oo uusan fulinin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












[...] Originally posted here: Dood Caawa Dhagaha Iyo Idhaha Loogu Taagayo Oo Dhexmareysa Barack Obama iyo Mitt Romney [...]
viva obama we will win this election chill out
Obama dhulkaa lagu jiiday xalayto, aaway ninkii af-tahanka ahaa, waxaad moodeysay nin meesha juub-juub lagu keenay, hal dhaliil oo Roomney leeyahay waa sheegi waayey, meesha Roomney uu sheegay dhaliilihii Obaama oo dhan. waan sugeynaa kuwa kulamada soo socda.