DOOD FURAN: Maamul u Sameynta Kismaayo Yaa Ka Masuul ah?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa hadda toddobaadkii koowaad ku dhameysatay gacan ku haynta ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada oo ay wehliyaan maleeshiyaadka Raskambooni oo ka saaray ururka Al-Shabaab oo ku dhowaad shan sanadood ka talinayey.

Haddaba su’aal ayaa ka taagan cida sharci ahaan iska leh awooda maamul u sameynta gobolka guud ahaantiis.  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan warqad uu u diray dawlada Kenya wuxuu kaga dalbaday in la joojiyo qorshe maamul looga dhisi lahaa gobolka kaasoo ay horseed ka yihiin siyaasiyiinka tirsan maamulka Azaaniya. AKHRI WARQADA

Waxaa jira warar sheegaya in Kenya ay rabtay in maamul ay iyada wax ka og tahay, wada shaqeyna la leedahay ka sameyso gobolka si ay uga badbaado weeraro iyo afduubyo soo laalaabtay oo dhowr jeer ka dhacay gudaha Kenya.  Shir arintaasi hordhac u ahaa ayaana usbuucii hore ka dhacay magaalada Nairobi walow beelaha qaar ee dega gobolka Jubbada Hoose aysan ka soo qeybgalin.

Waxaa toddobaadkan iyana magaalada gudaheeda looga dhawaaqay maamul ku-meelgaar ah oo ka sii shaqeyn doona dhanka amaanka, dekeda, garoonka iyo taliska ciidamada oo ay magacaabeen saraakiisha Raskambooni ee ku sugan Kismaayo.

Dadka ka hadla arimaha Jubbooyinka ayaa sheegaya in dhismaha maamul kumeelgaar ah ay tahay baahi weyn oo hadda deegaanka ka jirta, isla markaana ay dib dambe lama huraan u noqon doonto in beelaha gobolka oo dhan la isugu yeero oo ay ka wada tashadaan danaha gobolka iyagoo qeyb ka ah Soomaaliweynta.

Laakiin dadka ka horjeeda hindisaha Kenya waxay ku doodayaan in Kenya ay ka gudubtay ka mid ahaanshaha AMISOM oo ay hadda dooneyso inay faraha la gasho arimaha gudaha ee Soomaalida, sida iyada oo taageereyso maleeshiyaad gooni ah, qorshaheeda shidaal baarista iyo hawlgalka Kismaayo oo u eg mid intiisa badan aan waxba laga weydiin dawlada iyo madaxweynaha Soomaaliya arintaasoo si weyn looga hadalhayo guud ahaan dalka.

Dadka ragtidaasi qaba waxay sheegayaan in dawladu horey maamul ugu dirtay gobolada Hiiraan, Baay, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, Gobolka Jubbada Hoosana uu ka mid yahay gobolada dalka ee ay dawladu u sameyn karto maamul heer gobol iyo mid degmo.

Haddaba, yaa iska leh awooda maamul u sameynta gobolka Jubbada Hoose? ma wuxuu la mid yahay gobolada kale ee dalka mise beelaha deegaanka ayaa hawlahooda u madax bannaan?

Dhismaha maamulka heer degmo iyo heer gobol maxaa lagu saleyn doonaa? ma nidaamka 4.5 ee siyaasada lagu qeybsado mise hab kale?

Waa kuma “dadka deegaanka” ee asal ahaan dega gobolada loo yaqaano Jubbooyinka? ma dadkii deganaa wixii ka horeeyay 1960 mise kuwa kale?

…….Waa dood furan

 

__________________________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

57 Responses for “DOOD FURAN: Maamul u Sameynta Kismaayo Yaa Ka Masuul ah?”

  1. Ali soomali says:

    Shaki kuma jiro in Kismayo ay ka mid tahay gobolada Somalia oo ay degaan somaali iyo ajnabi kala duwan oo cid walba leh, waxay ahayd magaalo cosmopolitan city ah, cid maanta gooni u sheegan kartaa ma jirto, haddii ay dhacdana waa riyo maalmeed, sidaa darteed waxaa kismaayo maamul u sameynteeda ka mas’uul ah dowladda Somalia, ciddii cid kale u guuxeysana iyadaa og meesha ay ugu tageyso, somali waxaa haboon in la ay aaminto dalkeeda, dowladeeda haba liidato, laakiin hadaad u hanqal taageyso in cid aan dowladda somalia aheyn kismayo maamul u sameyso adeer wax badan ayaa kaa maqan.

  2. somali star says:

    dadka hada degan baa iskal leh . wax 4.5 ladheho majirto. waa qalad. maamulka waxaa iska leh inay dhistaan dadka degaanka. waana in latageero Jubaland

  3. wadaad yare says:

    Ereygaan la leeyahey “dadka degaanka ayaa soo dhisaya maamul goboleed ka arrimiya Jubbooyinka” waa hadal aan loo meel deyin, kana danbeeya hab dhaqankii iyo oraahyadii dagaalkii sokeeye ee dalka ragaadiyey oo hadda la doonayey in laga gudbo.

    Waa hadda iyo koow hallaga soo billaabo iyo anigaa usoo dhintey.

    Dadka degaanku waa kuwee?

    Xaggee joogtaa marjaciyaddoodu oo loogu hagaagaa?

    Yaa iskugu yeeraya oo shirinaya?

    Maxey tahey kaalinta dowladda soomaaliyeed oo arrintaas ku aaddan? Ma daawade unbey ka noqoneysaa?

    Maxey tahey kaalinta Kenya ma sida Amisom ayey dowladda iyo dadkeeda uga danbeyneysaa maamul u sameynta Kismaayo mise iyadaa soo faro gelineysa?

    Sida xaalku u muuqdo haddaan Kenya kaalin la mid ah sida waddamada kale oo la dagaallanka Alshabaab ah ku ekaan ee ay siyaasadda iyo mamaul sameynta faraha la gasho arrintu fashil ayey ku dhammaan kartaa.

  4. Ismail Kaahin says:

    War dalku waa federal. Dadka dega Jubboyiku waa awoodaan in ay maamul samaystaan waan lama huraan. Waana DFS ku dhiirigalisaa, ee maaha in Xamar sidee hore ee ay soomalli eeday wax looga soomagacaabo. Taasu socon mayso, oo tii USC tidhi Xamar ha la iigo baxo 1991, maantana in Reer USC oo waliba inay iyagu ismaamulaan oo wax qabsandaan lagala quustey yidhaahdaan waxbaan Xamar ka soo magacaabeynaa waa yaqyaqsi iyo dhuuso. Gobol waliba cidda degataa iyagaa is hudhan waana waajib inay danahooda u heshhiin oo qolana qola kama fiicna xitaal hadday kala badan yihiin. Dhammaan haybaha , , ,,, ,(),IWM
    waa dad is yaqaan oo danahooda ka heshiin kara oo aan la isku dirin karin oo wada dega Jubboyinka kuna filan inay maamul goboleydkoodu sameystaan. Bay,Bakoo iyo Sh.Hoose-na waa inay sameystaan. SHhDhexe,Hiraan, G.Guduud iyo K.Mudug waa inay maamul gobolleed samystaan. Caasimidda Xamar-na waa inay yeelataa Xeer Federal gaar ah. Gobolada Woqooyigu horey u lahaayeen maaamul goboleedyo shaqeeya oo Besha Caalamku Ictiraafsantahay inay ka mid yihiin dalka soomaaalya. Federaalku ma aha dal kala gooyn iyo dhul kala yeelasho ee waa maamul haagin (good governance) iyo wax qabsasho aan cid kale laga sugeyn, dadk degaanka mooyee. Ha iloobina Dual Track System.
    Marka qofkii aan dooneyn inuu is maamulo oo wax qabsado ayaa ku meeresta Kenya iyo Itoobiyaa na qabsanaya iyo reer hebel meel hebla loo qabanayaa.
    Been been dambe oo la isku hoos gabedo waa dhammatey. Ninkii aan tuuladiisa maaamulan karinoo maxaad sheegin. PH baan haystaa oo meesha reerkeayagu dego ma tagi karo oo maamul u ma sameyn karo oo Xamar baan R/Wasaare ama Wasiir ka noqonayaa ma shaqeynso. Waan in shurudahaas la txgaliyaa. Haddi kale run la isuma sheegin.
    Ninkii Tol Yar baa Tawaawace Anaa Taagan Taalladii Dhudube!!!!!

  5. farhan says:

    raxanreeb ma shaqa kalaa weydeen ma jintii xamar baa ini gashay
    ninkii kismaayo dedgaan u ah wax buu helayaa ninkii been rabayna waa iska tegayaa
    fidnada joojiya

  6. hashim says:

    asc akhyaarta gaar ahaan raxanreeb mahadsanidiin Qoraaga wax sax ah ayuu kahadlay wana wax macquul ah lakiin qeyb ayaan kasii jawabaa fikir ahaantahay mida ah 1960 waxii kahoreeyey mise kuwa hada sideedaba magaalo walba ninkii cariish kuleh waa degaan taasna isweydiin maleh lakiin walgu kala badan karaa magaalda mida ah yaa xaq uleh inuu mamul usameeyo kismaanyo waxaa xaq uleh dadka degan waayo hadii dawldu cid ay hawada ka keento dee waxba socon maayaan gobalada ay horey mamulka ugu sameysay dowladu dadkii udhashay ayey umagacawday lakain tan waxaa dawlada luugu diidan yahay inay iska horkeento dadka dega kismaayo marka ayigaa heshiinaya oo mamul sameysanaaya waayo dad badan ayaa naftooda usoo horay mudana dhaxan usoo fadhiyey kenya xitaa ayaagaa keensaday dawladu watii diiday oo lahayd kenya dhulka haka baxdo marka dawladu wax hanoqoto iyadu kadibna wala xalaa wana teegersanahay

  7. bosaso boy says:

    Anigu waxan qaba kismaayo waxaa wax udhisaya waa beelaha dega degaanka oo ugu horeyso beesha nimankan xamar jooga maxaa ka galay kismaayo maanta WA Lakenheath ninka aad wax lawadaagi kartid ayaa lala socdaa dadka reer kismaayo waxaa ehel u ah kenya waayo iyagaa cawiyay halka mooryaaanta xamarna at boob iyo dhibaato la geysteen kismaayo waxan Leeyahay soo dhista dawlad xamarna xiriirka ujara Oo dantiina garta kinyana waa walaalo soo dhoweeye

  8. lee gaas somaliland says:

    liiikkkkkk

  9. Libaax-Libaax DHalay says:

    Kismaanyo dad ma laha miyaa? maxaa taas layska weydiinayaa, Alla maxaa talo yari taala Muqdisho, cidda mas’uulka ka ah yaa idin dirsaday, ninkii raba inuu taas ogaado Kismaanyo ha tago isagaa ogaanaya, annagaa yaab aragnay, nin baa guriguu deggenaa inta la soo aado la leeyahay yaa maamul u samayniya?… Silly Question.. maxay tahay Dood-furan… warka wuxuu ku gaabanyahay ninkii raba inuu taas ogaado Kismaanyo ha yimaado..

    Waxaase ila yaab badan dadka Aqristayaasha oo qof kasta wuxuu soo weydiiyo isaga dhex dhacay oo u jawaabaya, war waxaan weydiin jawaab mudan ma aha, magaalada waa la yaqaan dad baa deggen deggenaana, yaa maamul u samayniya maxay tahay Edaab ma aha weydiinta noocaas ah, magaaladana ninkuu muran kaga jiro ciidda iska leh si uu ogaado bal ha ka war-doono koleey ku tahay Xasan-qoslaaye iyo Tukayaasha ag taagtaagan!… Yaab!… war mujtamac xumaan u wada guntan… waxaa inoo balan ah ninkii rabaa inuu ogaado cidda maamulka u samaynaysa Kismaanyo aan isku aragno Kismaanyo…

  10. Wiil says:

    Raxanareeb waad ku mahadsantihiin dooda, waxaan aad uuga helaya su’aasha ah “Waa kuma “dadka deegaanka” ee asal ahaan dega gobolada loo yaqaano Jubbooyinka? ”
    Runtii waa su’aaal furan, ma dadkii doomaha ku yimid baa ee xagaa iyo Bari ka soo galaya, mise kuwii siyaada ku abuuray ee uu la soo galay magaalada markii rajiimkiisa dhacay, mise kuwii qaxootiga ahaa ee lagu soo dhaweeyay ka dib markeeey Ethiopia ka soo carareen, mise kuwa galgaduud ka ymid baaa oo tikinikada ku qabsaday???
    Runtii su’alaahaas jawaabtooda waxaan ku soo koobayaa waa la yaqaaan cidda degta kismaayo iyo jubboooyinka , qufkii raba inuu xaqiiqda ogaada waxaa ku filan kaliye inuu deegaanka taga, dadkan aoos xuuraansada, odyaaashana waayeelka ahna la soo sheekeeysta.
    Haddii aan isku daya jawaabta, kismaayoa waxaa iska leh dad deganka ah oo waligood deganaa sida, , , , , iyo , oo kilgood la isku dhaha .
    Haddii intaas la leeyahay adinka dowladana ma wadataan, hub badan ama heeystaan iska jooga, hadda markaaaas ciddiiii hub badan , dowlada badanna wata ayaa leh!!!!!

  11. baaruud says:

    scww waa sidaas soomaalida maanta runta ma rabaan boob iyo is qab qabsi bay ka jecel yihiin runta la taabto tan 2aad dadka asal ahaan dega deegaan kaan jubooyinka waa la yaqaan 1 = 2= waxaa soo raaca dad la isku yiraahdo giir giir sida looga yaqaaan kismaayo kuwaas oo kala ah waa nawaaxiga kismaayo intaan ka hadlaayo aniga yaa yimid ka dib qoom uu waagu ku beryey ayaa kismaayo soo weeraray kuwaasoo laysku yiraahdo walaalaha galguduud kuwaasoo ah dal doon boobna u yimi kismaayo lana ogyahay hade cidii boob wax ku doonaysaa ha la arko

  12. somali says:

    Maamul u sameynta jubooyinka dowlada dhaxe ee somaliya ayaa iska leh sababtoo ah beel gooni oo sheegan karto malaha jubooyinka,beeshii sidaa isku daydane waxey la kulmi doontaa dagaal kga yimaada beelaha kale ee dagan jubooyinka sidaas darteed jubooyinka oo ey ku nool yihiin dhamaan beelaha somalida waa waxaan la aqbali karin in beesha reskambiini oo somali badan keed aamin tahay in ey tahay beel dagaanka aanan dagaan ahaan ka soo jeedin in hadane iyadoo ka faa’iideysaneysa ciidamada kenyaatiga iney iyadu isku daydayo ineey maamulka si xoog ah ku dhisato anugu waxaan qabaa jubooyinka bacdamaa dhamaan beelahada somalida oo dhan ku noolyihiin in maamul u sameynteeda dowlada dhexe leedahay oo reskaambooni iyo kenyaati midna uusan shaqo ku laheen hadiise kenya faraha kala bixi weyso maamul u sameynta dhulka somaliya waa in dowlada somaliya qaramada midoobey ka codsataa in kenyaatiga laga saaro amisom kuna laabtaan dalkooda.

  13. awood usamayn maamulka waxaa iska leh dadka dagan deegaanka sababto ah xasan shekh maxamuud waa kii balad waynka lahaa dadka shacabka ah ha samaystaan maamul ay raali ka yihiin jubada hoosena dadka dagan ayaa masuulka ah in a mamaul ay ku qanacsanyihin dhistaan 2.maya laguma salaynaayo 4.5 maxaa ka galay kaas waxaa lagu salayn hab deganeed si cadaalad u dhacdo oo dadka degaanka dagan bas ah u helaan xaqooda kuwa aan dagina ee dhul balarsiga rabana daaqada laga saaro 3.dadka dagan degaanka wa ala yaqanaa sababto ah wax ka baadan 150 sano dad ayaa daganaa dhulkaas kuwaas ayaana isska leh 2000 dadki imaaday ee abdiqaasin iyo kooxo dhul balarsi raba ay kenen mesha xaq kuma lahan

  14. Faysal says:

    Waxaad moodaa soomaalida inay indhaha iska
    Gobolka j/hoose waxa uu soo maray marxalado badan
    Marks aan u soo noqdo tii alshabaab waxaa la diriay
    Labo beel oo ah dadkan hada qeylinaya xagee
    Jireen markii shabaab wiilasha iiyo ku dhimanayeen
    Mise waa ku qabso ku qadi mayside

  15. Cawaale says:

    Kismaayo ha loo daayo dadka deegaanka Maamul u samaynteeda oo hadda ay cuqaashoodii, waxgaradkooda, aqoonyahankooda ay ku shirayaan Magaalada Nairobi. Madaxweynha Xamar joogaa maahan hawl u taala arrinkaan.

  16. ali says:

    Aniga waxa eey ila tahay hadii maamul loo sameenayo kismaayo in dadka iska leh ee dagan loo daayo hadii madaxweeynaha uu u sameeyo maamul waa in uu uwada sameeyaa wadanka oo dhan maamul sida hiiraan banaadir bay bari sool mudug…. kismayo ma aha meel somaliweyn ka dhaxeeyso waa magaalo reer

  17. aw geedi shaanboo says:

    waxay ila tahay inay arinta kismaanyo ka wayntahay arin ku salaysan khilaafka somali dhex yaal ee ah dhinaca deegan kala sheegashada iyo awood qaybsiga ee ay ka wayntahay ujeedada kenya meesha keentayna ay dabada ku hayso dalkan aan cidina lahayn ee laysku wada haysto sidii ay khayraad keeda u bililaqaysan lahayd iyadoo gabood ka dhiganaysa khilaafka ragaadiyay mushatamaca somaliyeed kana dhex heshay qaar danaheeda u adeega, waxaanay ku fiicnaan lahayd hadii alshabaab meesha laga saaray in nidaam loodhan yahay oo beel waliba cid ku leedahay meesha laga dhiso hadii maanta kenya ay meesha ka yagleesho maamul iyada siyaasadeeda u adeega oo beelihii kale ay cadaadiso oo talada wax laga siinwaayo weligeed miyay kenya meesha haysan kartaa sow dhul somaliyeed maaha oo beri hadana khilaafkii meeshii ka bilaabmi maayo markay ka baxaan, wiil waal ayaa waxaa laga hayaa nin raga hooyadiina u tu,iyay oo walaal waxa udhaama waayay, waxay somalidu ku maah maah daa (soori cun iyo cun ayay ku wanaagsantahay) markaas somali ku kal adkaan mayso ciidan shisheeye oo laysu adeeg sado ee waxay ku liibaanayaan walaal maxaa inoo dana meesha ilaahay ayaa inagu wada abuuray adna guurimaysid ana guurimaayo ee mawada tashanaa,)

  18. samatar says:

    ani waxay ilatahay in jubbaland ay lamidtahay gobolada kale ee soomaaliya,waxaana maamul dhisi karo dadka deegaanka dawladuna waa iney caawisaa,markuu madeweynuhu booqdey beledweyn wuxuu yiri sameysta maamul,markaas kismaayo maxay kagaduwantahay,hiiraan,mida kale dadkan leh kenya ,burubdi iyo uganda maxay kagaduwanyiin kenya

  19. samatar says:

    mida kale kenya kambaxeyso kismaayo ilaa uganda burundi,itoobiya kabaxayaan soomaaliya

  20. rooble700@hotmail.com says:

    Aniga ayaa maamul u dhisideeda mudan,waayo safar ayaan maalin ku maray.

  21. harti bille says:

    maadaama Somalia qaadatay nidaamka federal waax xaq u leh beesha ee iskaleh deegaankaas from jamaame to raskanbooni taariikhda jubada hoose hadaan idiin sheego j/hoose 2 aheeyd wama iyo joora. wama waxaa looyaqaan iyo wixii hoos taga. joorana waxaa looyaqaan iyo wixii hoos taga sida ,,,,, ,,,intaba dalada hartigeey ku jireen xuduuda iyo waxeey aheeys janaay cabdale dhinaca kalena badhaadhe xagana biliqo ama jamaame maps kii talyaaniga iyo ingiriiska waan heeynaa aniga ogaden iyo harti midna maahi waxaan ahay carab binti cali saalim reer cali saalim macruuf in kismayo

  22. Huduran says:

    Thanks Raxanreeb.
    Jubooyinka asliyan waxaa iska leh qabaa’ilaadka kala ah: , , , qaarkamid ah & .

    Nasiib wanaag, dagaaladii sokeeye kadib sida Xamar ba ka dhacday qabiilooyin hubeysan ayaa kordegay sheegtayna deegaanka in ay leeyihiin! Waxaana ka mid ah & .

  23. alcadaala says:

    ASSALA,ALAKUM WARAHMTULLAHI WABARAKATU
    waxan jeclahay marka hore inaan uga mahadceliso websada raxanreeb quraayadisa sida hufan ee macquulka ah noogu soo tebiya wararka saxaafada gaar ahaan kuwa somaliya waana ku ammaanan yihiin .
    haddaan horey usi galo mowduuca oo aan cabiro fikirkeyga iyo aqoontaydaba , marka hore dhulka kismaayo ama jubooyinka loo yaqaan waa dhul alle weyne uu mulki siiyey ummada somaliyeed inta markaas ku wada intifaacda lakin tariikhiyan hadaan gadaal u eegno ama 1960 waxii ka dameeyey ilaa dowldaii mohamed siyad bare waxa ay leedahay marjiciyo ama wax qoran oo laga tixraaci karo hadii la damco iyo asaas laga dhigto markaas waxii lagu dhami jirey.
    intiise burburku dhacay wax badan aya isbedelay sida dadka loo laynayey ayaana dhulka loo laynayey ama loo kala dhacayey somali waxkastana wey isku samaysay dhulka ayaaba roone waxa laka qaatay hanti iyo guryo welina wax ka hadlaya ma aanan arag dhac iyo boobkii dhacay ee aan loo kala harin inkasto laka badsaday hadda markasta waxa jirey dulmi lagu samaynayey dadka aan xooga lahayn oxooduna xalaal ayey ahaayeen .
    lahaanshaha dhulka loo yaqaan jubooyinka haddii cadaaladi ay jirto wa la yaqaan dadka leh ama usoo horeeyey iyo dadka uu dacu keenay lakn dhibtu waxa ay ka dhaci doonta wa runta dadka u sheegaya xageese lagu sheegaya ?

  24. Laascaanood says:

    Maamul u sameynta Kismaayo iyo Jubooyinka cidna marti loogama aha xitaa Kenya iyo Raskamboni waxay u taalaa dhamaan shacabweynaha Soomaaliyeed ee degen goboladaas oo qabiil kasta leh waana is loo dhisaa maamul ay ka dhex muuqdaan dhamaan beelahaas Soomaaliyeed ee Jubooyinka.
    Wabilahi towfiiq
    Allow dhowr Soomaaliya aamiin

  25. hargeysaawi says:

    anigu hadaan arintan isku dayo waxa kismaayo maamul u samaynaya dawlada soomaaliya waayo waa magaalo ay wada dagaan beelo badan oo aan ku heshiin karayn maamul u samaynteed tusaale ahaan puntland waxa u badan markaa way nku heshiin karaan galmudugna waa () sidoo kale hiiraan way k heshiin karaan ……markaa waxa qasaba inay dawladu arintan soo faragaliso.

    arinta labaad ee ah yaa daga jubooyinka anigu waxaan u kala saaray sida tan:
    Beelaha azal ahaan leh: ,,\,,iyo
    beelaha la deegaameeyay: (,and )
    Beelaha Doolka ku yimi:
    beelaga daasqinka u yimi:
    beelaha dagaalka ku yimi:
    thanks waan idin salaamay

  26. Bismillahi raxmaani raxiim ani waxaan qabaa magalada kismaayo waa magaalo caasimad oo kalaa waxana qabaa inaan laga dhigin magalo qabiil sida tuulooyinka waayo hada dunida horumartay waad aragten dal kastaa waxaa lagu beeraa dad islaamed oo dalkas u dhalan marka kismaayo waa inan Soomalida dhexdeda laga kala xigsan meelna lama kala jiree cadowga kenyana dhinac halaga wada noqdo dowladenana maamul ha usameso dadka dagana waa soomali baan kusoo gaabsanaa

  27. Ank says:

    ani waxaan aaminsahay waxaa mesha degta waa 5 tii odayga ahaa dhalay lakin waxaa isku heysta oo kudagaalami jiray ()iyo iyo waa in nidaam loo dhanyahay lasameeyaaa

  28. hafiye says:

    waxa kamasuul ah dadka dega goboladaas waayo ciidamada dawladda markii laga reebo inta kale oo ah 80% waxay ahaayeen kuwa qaab qabiil looso abaabulay sida aad ogtihiinba kharash iyo tacabna ka galay dagaalka marka dawladdu mamul uma samayn karto ilaa heshiis dhexmaro dadka degaankaas haddi kale mar 2aad ayay noqon xeradii moorgan iyo barre hiiraale wabilaahi towfiiq

  29. Adan says:

    Waxaan qabaa aniga in maamul u sameynta Jubooyinka oo ay ku jirto Gedo in ay u taalo dadka goboladan degan sida uu dhigayo Dastuurka. Howshaas maamul u sameynta ah Nairobi ayey in muda ah oo sanad ah ay ka socotey, wuxuuna qorshahaas marayaa meel fiican. Dawlada Federaalka ahna waxaa looga fadhiyaa in ay qorshahaas oo ay bilowgiisii wax ku lahayd in ay horey u sii wado oo aaney roadblock ku noqonin qorshahan. Waxaan qaasatan fariin u dirayaa Madaxweynaha cusub mudane Hassan oo aan leeyahay noqo nin stateman ah oo dadka u dhaxeeya wixii hagaagsana taageer.

    Dawlada federaalka waxaa looga baahan yahay facilitation iyo in ay process ka ay la socoto marqaatina ay ka noqoto, dadka degaankana ay u madaxbanaanyihiin masiirkooda. Waxaa iga xusuusin ah in gobalada ay dawlada u magacowday Governers in uusan ka jirin markaas isku day maamul u sameyn ah sidaas darteed looga baahday in ay farageliso goboladaas waana arin la fahmi karo. Jubooyinka howshoodu meel fiican bay mareysaa, hala sii dhameystiro ayaan oran lahaa.

    Gobolada Jubooyinka oo ay ku jirto Gedo waxaa degan dad Soomaaliyeed oo tiro badan inkastoo aad loogu kala badan yahay. Dadka degan waxaa ka mid ah iyo . Dadkan 1960 kii ka hor ama ka dambe wey degenaayeen goboladan. Waa jirtaa in Demograph kii meelaha qaarkood uu wax yar iska bedelay ayadoo ay ugu wacan tahay dagaaladii sokeeye ee dalka sida aadka oga qarxay 1991. Qof kasta oo Somali ah wuxuu leeyahay waxa loo yaqaano Mobility Right under the current Dastuur oo uu ku degi karo meeshuu doono as long as qof kale hantidiisa uusan xoog ku haysan.

    Aniga waxaan aaminsanahay in awood qeybsiga lagu saleeyo heer degmo, sababtoo ay tahay waxaan kuligeen hadda qaati ka taaganahay qaabka 4.5. Mida kale hadii la yiraahdo 4.5 waxay cadaalad daro ku noqoneysaa dadka degaanka degan ama u badan. Qofka Soomaaliga ah ee ka soo jeeda Saylac, Borama ama Hargeysa iwm, hadii la yiraaho si jamac ah kuraas baad ku leedihiin Jubaland waa wax aan macquul ahayn.

    Waad Mahadsantihiin,

  30. kayf says:

    allahu akabar nin baa lagashegay ma maanta dawaco igu orgootay somalia matay waxay maraysaa cadankii waxgumaysanjiray iskadaaye inuu madaw gaala ah nagumysto maxaa kenya ka galay maamul usmaynta somaliya yaa wadankeda la maamula waxase layab leh in umddii hadda lodortay waddanka aysanba ka kululanayn waxa ay kenya samaynayso waxase kasiidaran waxa ummadii somaliyeed afka haysta

  31. Hassan says:

    DHUL NINKIISBAA ISKA LEH

  32. gaasira says:

    kismaayo in la xoreeyo marka dawlad rasmi ihi dhalato waa arin laga soo shaqeeyey si dawladu gacan ugu yeelato maamulkeeda soo socda dadka maamul raba inay u sameeyaan inay xoreeyaan waa hore ayay ahayd kenya ayaa kismaayo maamul loogu samaynayaana waa jug jug meeshaada joog wakhtigu is badal

  33. Fiqi Xaaji says:

    Arinta Kismaayo aad iyo aad bay u soo noqotay. Somalida ma rabaan inay runta isku sheegto mise dadka kasoo jeeda degaanka Baa ah dad liita oo qof walba Somali ah wuxuu rabaa inuu dhakhtar daaweeya u noqdo. Anigu arintaas ma fahmin ee waxbaa khaldan.

    Teeda kale,.waxaa mar walba iyo Meel walba ka maqleysaa erayada ah “Dadka degaanka” AMA “Dadka u dhashay”, Waa maxay dadkaas waa in lasii falanqeeyo si loo ogaada xaqiiqda jirta iyo dadka sheegta waxay wada yihiin. Waa run oo waxaa laga wada heli qabiilo fara badan oo wada dega Laakiin Waa lagu kala badan sida Magaalada Muqdisho oo kale. Ninka Banaadiriga ee waligiis deganaa degmada Shibis iyo Shingaani still Gobolka Banaadir wuxuu ka yahay minority. Sidaas darteed baa marnaba u maqleyn The mayor of Muqdisho ha laga dhigo nin Banaadiri ah AMA dadka cadcadka loo yaqaan.
    Magaalada Kismaayo waxay la mid tahay sidaas oo kale, iyadoo qabiilo badan laga wada heli karo, Baa hadana dad Baa majority ku ah. Waana in lagu tixgeliyo beesha ugu badan deegaankaas waa Hadii xal wanaagsan la rabo. Dadka looga badan yahay iyagana xaqooda helaan.
    Marka su’aasha taagan Baa ah Yaa waaye dadka ugu badan ?
    Hadii taariikhda dib loo raaco ilaa waqtigii gumeysiga ingiriiska lagula diriray dhulka Jubooyinka ilaa iyo Maanta, dadka soo ciidamiya, xoolo dhaqatada ah, Deegaankana majority ka ah Waa nimanka hada loogu yeero Raas-Kambooni. AMA heer Gobol AMA heer degmo. Waa in lagu tixgeliyaa beeshaas deegaankaas ugu badan. Waligoodna way ku noolaayeen hadana way yihiin, wayna ahaan doonaan. Dadka kale ee soo haray ee sheeganaya inay deegaankaas kasoo jeedaan, waa inay ogaadeen in looga badan yahay si xaqooda saxda ah u helaan iyo waxay mudan yihiin. Laakiin hadii awood aysan laheyn isbidaan lana is inkiro, ogaada dulmi bay ka shaqeynayaan. Hadaad tahay 5% , xuquuqda AMA maamulka waa 5%, ninkii ah 70% wuxuu mudan yahay Intaas oo kale.
    Marka Waxaan Oran lahaa dadka majority waligeed ahaa ee hada ku socda magaca Raas-Kambooni haloo daayo maamulka deegaankaas. Soomaali waa la is yaqaan, waana cad dahay ninba meesha degan yahay kuna badan yahay.
    Ogaada Aniga Walaahi ma ihi reerkaas aan ku sheegay majority Laakiin xaqiiqda jirta Baa sidaas ah iyo Hadii la rabo xal wanaagsan oo ka dhaca degaanka Jubbooyinka.

  34. Adan says:

    Waxaan aaminsanahay in maamul u sameynta gobolada Jubooyinka ay leeyihiin dadka degan gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo sida uu dhigayo Dastuurka. Dowlada waxaa laga doonayaa iney facilitation bixiso ayna marqaati ka noqoto process ka.

    Dawlada waxaa kale oo loogaa fadhiyaaa in aysan roadblock u dhigan process ka hadda ka socda Nairobi oo maamulka loogu sameynayo sedexdan gobol. Waxaa kale oo xusid mudan in dawlada ay wax ka bilowday process ka hadda Nairobi ka socda. Waxaa kale oo jirta in gobalada ay dawlada u magacawday Barasaabyo ineysan ka jirin qorshe maamul u sameyn ah markaas, dowladana ay qasab ku ahayd iney maamul ku meel gaar ah u sameyso goboladaas aad xusteen. Jubooyinka qorshahooda maamul u sameynta wuxuu marayaa meel gabo gabo ah. Soomalidu waxay ku maah maahdaa ninbaa baadida kula daydaya inaad heshaana aan rabin. Madaxweynaha waxaan u soo jeedin lahaa inuu stateman noqdo oo arintan sida ay tahay u abaaro,

    Waxaan kaloo qabaa in awooda lagu qeybsado qaab degaan/degmo oo la iska daayo 4.5. Timirtii horeba dab loo waa. Dadka degan Boorama, Hargeisa ama Saylac hadii la yiraahdo si jamac ah oo 4.5 baad kuraas ugu leedihiin Jubooyinka, saw cadaalad daro kuma aha dadka degan degaanadan?

    Goboladan waxaa degan dad badan oo Somali ah oo ay ka mid yihiin: iyo kuwo kale, waana lagu kala badan yahay. 1960 ka hor ama ka dib dadkan way degenaayeen dhulkan wayna degenaan doonaan.

    mahadsanid

  35. Qardilaanshe says:

    arrinka hadaan ka jawaabo
    waxaa degen qabaa iilo badan sida , , .iyo kuwa kale marka
    hadey sameystaan maamul waa caadi maxaa loo diidaa

  36. hamza says:

    Arinkan yaa u sameyni maamul ? su,aashan jawaanteeda waa dadka deganka u dhashay
    qabiilkay doonaanba,waamo,iyo ,
    waamo,Waamo,waamo,waamo,waamo
    waamo,waamo iwm oo degaan ahaan ka soo jeeda.
    Su,aasha kale dhismaha waxa lagu saleyn heer degaaaaaaaaaaaan lasoco .
    Su,aasha sedexaad waxa lagu salen ku dhashay ama degan in mudo ah caruurtiisina ku barbaartey,
    dhaqanka waamo bartey kuna dhaqma,sida u hogaansanaanta madaxda dhaqanka ee reer waamoodka.Tiisa daryeela ayaa tu kale ku dara,dadka hadalada tuurayayow u tali tada,sida
    Somaliland,puntland,Galmudugland.wa bilahi towfiiq.

  37. cadaani says:

    kenya siduu wadaad yare sheegay waa inaysan soo faragashan maamul usamaynta ee kuwa amisom ee xamarjoogaba aysan usoo faragashan maaul u samaynta banaadir waa inaysaan iyadana usoo faragshan mamul usamaynta jubooyinka

  38. Shirwac says:

    Reer muqdisho waa in ay faraha kala baxaa arimaha jubbada, si cad baa loo wada ogyahay soomaali iney federal noqotey sababo ku saleysan daruufo lawada ogyahay, hadii maanta aynu samirney oon ogolaaney federalism, waa maxay qash qashaadan reer muqdisho wali soomaali weyn ku wado? miyeyna madaxweyno nimo helin, maxey innaga rabaan, waa maxay gardaradan?

    Horaa looga yaabanaa reer muqdisho iyo faragelinteeda ra’iisal wasaaranimada, maantana ma’ kismaayeey ku dareen? Berina mooryaanimadii 1991 miyeey ku laaban doonaan? Waa maxay dhaqankaan? Halagu socdo wixii lagu heshiiyey ama aynu kala tagno,.

  39. maxamad says:

    Kenyati ah iyo nin ladocda oo kayimid garbshaaray iyo afmadoe soons dhex msrsy qabiilo degaanadood oo yimi magaalo uu elien Ka yahay yimid ayaa raba in uu wax uu ula baxay jubaland keno. Ogow ninkii dhoof kuyimi ayaa geeridu dhibtaa, dad kii dhulka lahaa oo dhulkaad kenyatiga aad kusoo daba dhuumatay aad soo martay kenyati kaa xelin maayo, waqtigii. Dadka deeganka alshabaab lebel looga dhigi jiray waa dhamaatay, shiikhaal gaaljecel cawramaleh ajuuraan kuli hubkoooda ayay lasoo baxaayaan iyo waliba bajunta oo aan hada ka yareysan. Eliyanka kuraagi maaayo meesha.

  40. libaxa jubba says:

    marka hore waxan salamay raxanreeb, hadii aan uguda galo mowduca, horayba loo yiri hadalbadani haan ma buuxsho, waxaana layabanahay dadka lasoo tagan waa ianay udhistaa dowlada maa mul waxan leyahay ,dadka jubooyinka saas uma liitaan oo ma ahan dad aayahooda katshan waayey,jubooyinkana ma ahan meel somali wada leedahay, maamulaka loo dhisayo jubooyinkana wuxu noqnaya maamul kulmiyo gobolada jubada hose jubada dhexe iyo gedo qabailka xaqa uleh ianay mamulaksi wada yagleelaana waxay kalayihiin beesha absame oo ayada majorati ku ah jubooyinka beesha labadna waa beelaha harti halka ay beesha sadena ay majorati kutahay gobolka gedo wixii soo harana dadka reer jubada hoose waxay u yaqaanan geergiir oo yagana maamulka ku yeelanayo,,,,,,,,,soomali oo dhanbaa wada leh hala iska ilaawo erygaas,,,,

  41. Cali cade says:

    Asc,
    Hadalkeyga waxaan ku Soo koobayaa, dastuurkii loo codeeyey dowladdan
    cusubna lagu Soo doortay wixii uu ka qabo maamul u sameynta aan
    Raacno. Madaxwene African ah siduu u fakaro Qof walba waa yaqaan
    Talo waxaa iga ah Dadka dagaanka aaya ka talintooda haloo daayo.
    Somalia iyo Africa waxaa baabi’yey Hal magaallo oo looga taliyo, Somaliya
    Muqdisho maaha, horumarka iyo amaanka Muqdisho Ilaahay ha siyaadiyo
    Magaaloyinka kalena sidaaso kale.

    Wa bilaahi Towfiiq

  42. wadaad yare says:

    Waxaan mar kasta is weydiiyaa maxaa dadweynaha intooda badan u diidaya iney u isticmaalaan maskaxdooda si qoto dheer oo arrinta hoos ugu daadegi la,yihiin?

    Bal u fiirso maantoo dhan dad badan ayaa waxey ku soo cel celinayaan sidii babaghaagii “waxaa maamulka u sameynaya dadka degaanka”!

    Haddey si hoose ugu daadegi lahaayeen ereygaas waxey ogaan lahaayeen inuusan yeelaneyn wax macnaa iyo meel laga qabto haddeysan meesha jirin wax la yiraahdo “marjaciyad” ama gole isku heysta sharciyad iyo awood oo isagu yeesha qaban qaabada, isku soo uruurinta iyo meel marinta go,aammada lagu dhisayo maamulka oo dadkii la igmadey soo saareen.

    Haddaba waa kee golahaas isku heysta awoodda iyo sharciyadda oo dadka degaanka marka horeba iskugu yeeraya oo ergada qeybinaya?

    Markey ergadu go,aammo maamul soo saaraanna meel marinta go,aammadaas isagu u taagan?

    Haddaba labo marjaciyadood ayaa meeshaan ku loollamaya oo kala ah:

    1. Dowladda soomaaliyeed

    2. Dowladda Kenya

    Haddii marjaciyaddu noqoto dowladda Kenya markaas gobolkaasi wuxuu hoos tegayaa siyaadada Kenya ee ma hoos tegayo siyaadada Soomaaliya.

    Mar kasta oo hadal guud aad maqasho waxaa laga fakaraa waxa ku hoos laaban ee cinwaanka kore kaliya la iskama qaato.

    Haddii lagu yiraahdo “diintaa dalka lagu xukumayaa” waa inaad tiraahdaa yaa ku xukumaya?

    Haddii lagu yiraahdo “culimadaa ku xukumeysa” waa inaad is weydiisaa yaa magacaabaya “culimadaas” oo waa xaggee marjaciyaddoodu? Haddee kale maleeshiyo Shabaab oo kalaa ayaa intey hal ku dheggaas qaataan ayey madaxa xabadka kuu saarayaan!

    Degka degaanku ma goleyaal sharci ah oo awood leh oo la isla ogyahey ayey leeyihiin?

    Mise dadka degaanka waxaa laga wadaa maleeshiyada Raaskaambooni oo aan ognahey xaalkooda?

  43. lee gaas somaliland says:

    kismaanyo ayaan daranaa waar heedhaha kismaanyo cidiile baa mamul usamaysan sowkii lahaa madaxwaynuho baladwayne maamul samaysta kismaanyo maxaa gooni kadhigay kkkkkk

  44. Hassan says:

    DHUL NINKIISIBAA ISKA LEH

  45. Aliyoow says:

    Waxeey Aniga ila tahay ma aha inaan dib uga wada munaaqishoonno xaaladahi beri maamul loogu sameeyn jiray gobolada iyo degmooyinka dalka ayadoo qabaailada iyo Doowladaha Dariska nala ihi ka soo wada qeeyb gali jireen waayo Maanta dalka Doowlad taam ah ayaa dalka ka curatay waana laga baxay xilligi ku meel gaarka aheeyd sidaa daraadeed cid aan iyada aheeyn xaq uma leh in eey maamul uga dhawaaqdo Kismayo, ciidamadi huwanta ahaana waxaan leenahay waa ku mahadsanyihiin halgankii mideeysnaa ee Al_Qaacida Jubbooyinka looga saarayay ee hubka iyo Ciidamadoodaba ha ku wareejiyeen gacanta Doowladda Federaalka ah, ayagoo fulinaya awaamiirta ka soo fuleeysa Saraakiisha Ciidamada Qaranka. Mahadsanidin

  46. Aliyoow says:

    Waxeey Aniga ila tahay ma aha inaan dib uga wada munaaqishoonno xaaladahi beri maamul loogu sameeyn jiray gobolada iyo degmooyinka dalka ayadoo qabaailadu ka soo wada qeeyb gali jireen waayo Maanta dalka Doowlad taam ah ayaa dalka ka curatay waana laga baxay xilligi ku meel gaarka aheeyd sidaa daraadeed cid aan iyada aheeyn xaq uma leh in eey maamul uga dhawaaqdo Kismayo, ciidamadi huwanta ahaana waxaan leenahay waa ku mahadsanyihiin halgankii mideeysnaa ee Al_Qaacida Jubbooyinka looga saarayay ee hubka iyo Ciidamadoodaba ha ku wareejiyeen gacanta Doowladda Federaalka ah, ayagoo fulinaya awaamiirta ka soo fuleeysa Saraakiisha Ciidamada Qaranka. Mahadsanidin

  47. ahmed says:

    Thanks RR waa su’aal waqtigeeda aad keenteen, loona baahnaa. Dadku maba heshiin karaan ilaa dulmigii dhacay sida caruurtii webiyada lagu daadiyey iyo kuwii ayagoo nool guryaha lala gubey laga hadlo. Marka taas laga heshiiyo uunbey noqon karta in mamul laga hadlo. Kuwa waan u soo shahiidney leh ama lacag baa inaga baxdey leh waxaan leeyahay yaa idin dirsadey inaad u shahiidaan ma Kenyaa is shidaalka waaardiye loogu noqdo mise arimo kale.

    Mida kale hadii laga hadlaayo Jubbooyinka ma Jubada Sare iyo Jubada Hosse, mise midii gadaal laga keeney.

    Maalin waxaan arkey odey waayeel ah oo dhahaayo anagaa leh dhulkaas, waxaan weydiiyey weligaa ma tagtey? May buu igu yiri? Dad maka taqaanaa baan iri? May buu ku celiyey? weligaa muku fekertey inaad tagto oo aad wax ka samaysato? May buu yiri. Marka kuwo badan oo odeygan oo kale ayaa Soomaali ka buuxdo.
    Waxaan dhihi lahaa in xalka loo daayo sida qabaailada meesha degan u arkaan inuu xal u noqon karo. Xalkuna ma ahan mid dibeda laga keeno, balse dowlada federalka u noqoto fududeeye. Balse Nairobi baan shir noogu socdo aniga iyo adeerkey baa meesha ugu muruq weyn, waxaasu cadaalad ma ahan. Hadii xalka la rabo Kismaayo shirka hala keeno beelkastana halagu marti qaado. Shirka ujeedadiis koowaadna uu noqdo dib-u-heshiisin guud oo la dhexdhigo beelaha oo dhan kan dembiga laga galey iyo kan galeyba isa soo horfadhiistaan. Waayo hadii taasi dhicin, waxba ma hagaagayaan, tii aakhirana way dambeysaa.

  48. xaawo says:

    DADKA QAAR MIYAA FASAX AH DADNA MA MADNUUC AH MASE MEESHA IS BARGARAT AYAA KA JIRA CADEEY WARKA YACNI HALQABIL CML

  49. Kismayo33 says:

    Wadaad yare

    mar habaabintaadu waxay ku tusinaysaa sida aad uga dhar tiran tahay runta iyo diintaba.

    Adeer Jubbooyinka marka gobolkaada gedo oo aad boob ku qaadateen laga reebo maamulkooda waxaa looga dambeynayaa Absame gaar ahaan Ogadeen.

    Wixii soo raaca waa beelo yar oo aan culays siyaasi, tiro iyo cudud midna lahayn laakiin mudan jiritaankooda.

    Inta kale waa hadal tiro iyo hawraar aanan haanta buuxinayn

  50. [...] ka horeysana uusan madaxweynuhu rabin in dhegihiisu ay maqlaan buuqa iyo isqabqabsiga ka aloosan maamul u sameynta Jubbooyinka oo dawlada Kenya ay si weyn faraha ugula jirto taasoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu aad u gariifsan [...]

  51. [...] ku saabsan arimaha maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ee uu caawa bixiyey afhayeenka Raskambooni ayaa soo baxay saacado kadib markii kulan ahaa kii ugu [...]

  52. [...] Furan oo Raxanreeb.com u Qabatay Soomaalida oo aanu u magacdarnay Maamul u Sameynta Kismaayo Yaa Ka Masuul ah?, ayaa shacabka aad ugu kala fikir [...]

  53. [...] sheegay in saraakiisha dawlada ee gobolka Gedo iyo beelaha gobolka Gedo aysan qeyb ka noqon doonin shir maamul loogu sameynayo Jubbooyinka oo Nairobi ka socda, sida uu [...]

  54. sh abdulla says:

    Asc dhamaan waan idin salaamay tanxigta waxaan idin leyahay xaguu dagaa. >
    Aniga waxaan waxaan leyahay kismaay jilib buaalle hadaanu nahay beesha marna kama yeleyno cid isku magacabi karto

  55. [...] Xasan Suleymaan oo la weydiiyey halka ay ku dambeeyeen dadaaladii maamul u sameynta Jubbooyinka ee khilaafka hareeyay ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in dawlada ay wado la tashiyo beelaha iyo bulshada deegaanka ayna ugu [...]

  56. [...] la baxay Asaaniya ayaa ku eedeeyay dawladii hore ee ku-meelgaarka ahayd inay hortaagneyd dhismaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, sida uu [...]

  57. [...] la baxay Asaaniya ayaa ku eedeeyay dawladii hore ee ku-meelgaarka ahayd inay hortaagneyd dhismaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, sida uu [...]

Leave a Reply