Dowladda Oo Sheegtay In Buurhakabo Kaabiga Ku Hayaan Goordhawna Geli Doonaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Cali Cabdi Cali Garuun Guddoomiyaha dowladda ee degmada Buurhakabo oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan Degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Buurhakaba ayaa sheegay in ciidamada haatan ay ujiraan 8-Km, saacadaha soo socda ay rajeynayaan inay gudaha ugalaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ka go’antahay in Al-Shabaab ay ka saaraan degmadaasi isla markaana ciidamada dowlada ay sugi doonaan amaanka magaalada.

Hadalkaan ayaa wuxuu imaanayaa xili saraakiil dowlada ka tirsan ay horay ugu cel celiyeen in ay la wareegi doonaan degmadaasi Buurhakaba oo ay ka saari doonaan kooxda Al-shabaab.

Dhanka Al-Shabaab warar ayaa sheegaya inay wadaan dhaqdhaqaaq xoogan oo ay ka wadaan dhanka Buurhakabo iyo deeganada ku dhaw dhaw iyadoo warar kalena ay sheegayaan inay isaga baxeen Al-Shabaab Buurhakabo.

Al-Shabaab ayaa wali waxay ku sugan yihiin deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobalka Baay xili ciidamada dowlada ay joogaan xarunta gobalkaasi ee magaalada Baydhabo.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Dowladda Oo Sheegtay In Buurhakabo Kaabiga Ku Hayaan Goordhawna Geli Doonaan”

  1. [...] Original post: Dowladda Oo Sheegtay In Buurhakabo Kaabiga Ku Hayaan Goordhawna Geli Doonaan [...]

Leave a Reply