Dowladda Soomaaliya Oo Codsatay In Laga Qaado Xayiraada Hubka Ee Saaran Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Xuseen-Carab-Ciise

Xuseen-Carab-Ciise

Muqdisho(RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay QM in laga qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

Sii hayaha xilka wasiirka gaashandhiga Xuseyn Carab Ciise oo la hadlaayay Idaacaddaha Muqdisho, ayaa sheegay in loo baahan yahay Soomaaliya in laga qaado xayirada hubka ee saaran, waayo ayuu yiri Soomaaliya hadda dowlad rasmi ah ayaa ka dhashay.

“ Annaga ma dhaheyno waa in degdeg looga qaado xayiraada hubka Soomaaliya, laakin maadama dalka uu yeeshay dowlad rasmi ah, isla markaana laga baxay ku-meel-gaar, waa in marka la helo ciidan cudud weyn , kuwaasoo badala ciidanka hadda dalka jooga” ayuu yiri Xuseyn Carab Ciise.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay haddii la rabo in dib loo dhiso hey’adihii ammaanka iyo ciidamada waa in la helaa qalab ku filan cidanka si marka ay dhamaato ciidanka walalaheena ee nala jooga shaqada ugu dhammaato kaddibna loo helo ciidan nagu filan oo qalabeesan”

Dowladda Soomaaliya waxa ay hadda dagaallo kula jirtaa Al-Shaabab oo dhul badan laga qabsaday sannadkan, waxana taageerada ugu weyn ka heshay ciidanka AMISOM.

Dhowr jeer ayaa Soomaaliya codsatay in laga qaado xayiraado hubka, laakin taasoo ay jirto hadana dalka waxa yimaad hub si sharci daro looga soo galiyo dalalka dariska sida Yemen.

Waxa hadalka wasiirka uu ku soo aadayaa iyadoo Ururka Midawga Afrika uu  Qaramada Midoobay ka codsaday in cuna qabataynta hubka laga qaado waddanka Soomaaliya si loo qalabeeyo ciidamada Soomaaliya.

AU ayaa tiri . “ Waa in dalka Soomaaliya laga caawiyo in dib u soo dhismo, si uu noqdo dal wax tar leh oo sharaftiisa soo cesht

Soomaaliya ku dhawaad 19-sanno, ayaa waxa saarnaa cuna qabatayn xagga hubk, kaddib markii uu ka bur-buray kabayaashii muhiimka dagaallo sokeeyanaya uu dalka ka qarxay.

QM iyo beesha caalamka horrey ayey uga caga jiideen in laga qaado xayiraada hubka Soomaaliya, maadama dalka wali ay dagaallo ka socdaan.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

2 Responses for “Dowladda Soomaaliya Oo Codsatay In Laga Qaado Xayiraada Hubka Ee Saaran Soomaaliya”

  1. [...] Read more here: Dowladda Soomaaliya Oo Codsatay In Laga Qaado Xayiraada Hubka Ee Saaran Soomaaliya [...]

  2. [...] Dawladii ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya ayaa mudo ka badan labo jeer waxay soo jeedisay codsi ah … taasoo ay si weyn u diideen qaar ka mid ah dawladaha waaweyn ee ku jira Golaha Amaanka ayna ugu horeyso dawlada Ingiriiska. [...]

Leave a Reply