Faagista Xabaal Wadareedyada Hargeysa
Sida ay warisay shabakadda somalilandsun.com khubaro ku xeel-dheer faagista xabaal-wadareedyada ( mass graves) ayaa warbixin siiyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cumar.
Maamulka Somaliland wuxuu u sheegay xabaal-faagyada in Somaliland ay ka go’an tahay sii wadista heshiiska shan sanadood socon doona si loo helo tirada dad la aamminsan yahay inay dowladdii militariga ahayd si shacri-darro ah u xasuuqday.
Xadgudubyadii xuquuqda aadamiga oo dowladdii militarigu geysatay waxay ka mid yihiin sababaha uu maamulka Somaliland sheego si ay riyadiisa goonni-isu-taagga ugu rumowdo.
Magaalada Muqdisho waxay ahayd meel dagaalo sokeeye ka dhaceen, gaar ahaan sanadkii 1991kii iyo 1992kii. qabqablayaasha ka dambeeyay xasuuqii la geystay baa weli nool oo ku sugan Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah. Qaraarkii bishii hore ka soo baxay Golaha Amaanka wuxuu sheegayay in loo baahan yahay hirgelinta cadaaladda kala-guurka ( transitional justice).
Dabaysha xabaal-faagista Hargeysa ka socota way soo gaaraysaa Muqdisho iyo qaybo kale oo ka mid ah Soomaaliya, sida uu qabo sharci-yaqaan ku sugan Muqdiraxsho.
Taas waxay saamayn doontaa qaar ka mid xildhibaannada Soomaaliyeed ee barlamaanka cusub.
Raxanreeb
Halkaan Hose Ka Akhri













[...] See the article here: Faagista Xabaal Wadareedyada Hargeysa [...]
Arintaan ma fiicno Muuse Suudi, Yalaxow iyo kuwoo badan qatar ay ku jiraan.
oo sidee khubaradu u kala socaysaa qaxootigii soomaali galbeed ee hargaysa iyo berbera somaliland ku xasuuqday iyo kuwii dowladii milateriga isku si se ma u baadigoobayaan khuburadu mise waxay rabaan intii somaliland laga dilay uun
KKKKKKKKKKKK OO CIIDAN KUGU SOO DUULAY HADAD ISKA DIFAACDO MALASOO FAGAHAYAA ILLEN XAMAR WAXAA JOOGAY CIIDANKII QARANKA EE MARKAY HARGAYSA SOO LAQEEN RABAY INEY XAMAR LAQAAN
Qole aan xabaal hayn Soomaali ma jirto. Hareeraha Hargeysa,Burco,Berbera iyo meelo kale oo badan waxaa buux dhaafshey xabaalihii dadkii shicibka amma qaxootiga ahaa ee SNM u xasuuqday ISSIR ahaan. Gobolada Awdal,Makhir iyo Khaatumo kuwo qoyan oo ay SNM geysatey baa buuxa. Dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa,laga yaabee kuwa hadda ay gacmahooda ku faagayaan inay SNM ku markhaati fura.
Wa la yaab kuwa SNMta aay ku dishay issirkooda sida hawlgalkii ahaa dila ee ka dhacay Hargeysa iyo Burco xisaabta malagu daray? Wa hubaal in DNA la baari doono halkaasina fadeexo badan ka raaci doonto. Waxaan marqaati u ahaynaa kontaroolka Burco dad seefaf iyo burar la ordaya oo ku qaylinaya dila , wax badan baa la isaga daba imaani doona. Ninkii baraagadaha Mudug burburiyay hablihiina ku fasax waxaan gayaankood ahayn Dhegaweyne file-kisa oo marqaatiyo cad ka buuxan wa la idin hayaa, hadaad moodeen in dadkayagu noo xisaabsaneyn ogaado kuwo xisaab idinla daba taagan iney joogaan.