Faah-Faahin Dab Xooggan Oo Qabsaday Xafiisyo Ku Yaalla Gaarisa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaarisa ( RBC Radio) Wararka ka immanaya gobalka waqooyi-bari dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayan in dab xooggan uu xaley qasaday qaar badan oo ka mid ahaa xafiisyadii hey’adda la dagaalanka argagixisada ee Gaarisa.

Dadka ku sugan Gaarisa ayaa sheegay in dabka uu baab’iyay qalaf xafiisyeed meesha yaalay, iyo qalab kale, laakin wax dad ahi aysan waxba ku noqon.

Dabka ayaa la sheegay in uu dhowr saacadood uu socday, isla markaana wax gargaar ah aysan helin dhismaha dabka uu qabsaday ee magaalada Gaarisa.

Saraakiisha booliska iyo maamulka magaalada iyo dad badan ayaa soo gaaray goobta uu dabka qabsaday laakin wax gurmad ah ma aysan wadin, sida uu u sheegay RBC Radio wariye ku sugan gobalka waqooyi bari Kenya.

Waxa hadda socda baaritaano lagu ogaanayo wax yaabaha sababay sida uu saxaafadda u sheegay sarkaal ka tirsan booliska gobalka waqooyi bari dalka Kenya.

Ma ahan markii ugu horreysay ee dab khasaaro geesta uu ka kaco gobalka waqooyi bari dalka Kenya, halkaas habeen hore lagu dilay labo sarkaal oo booliska.

Magaalada ma lahan dabdamis haddii uu dab qasado dadka magaalada ama in uu isaga iska damo mooyee wax kale lama hayo.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

2 Responses for “Faah-Faahin Dab Xooggan Oo Qabsaday Xafiisyo Ku Yaalla Gaarisa”

  1. [...] Original post: Faah-Faahin Dab Xooggan Oo Ka Qabsaday Xafiisyo Ku Yaalla Gaarisa [...]

  2. [...] Read More: Faah-Faahin Dab Xooggan Oo Qabsaday Xafiisyo Ku Yaalla Gaarisa [...]

Leave a Reply