Faah-Faahin Dibad Bax Lagu Taageeraayay Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Oo Dad Loogu Xiray Laascaanood
Laascaanood (RBC Radio) Wararka naga soo gaarayo magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, ayaa sheegaya ciidamada maamulka Somaliland ee halkaas jooga, in ay xabsiga u taxaabeen dhowr qof oo lagu qab-qabtay dibad-bax lagu taageeraray Ra’iisla wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ka dhacay halkaas.
Dadka la xiray waxa ku jira haween, iyo wariyaal kuwaasoo xaley xabsiga ku baryaya sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan halkaas.
Tirade dadka la xiray ayaa lagu sheegay sodomeeyo, laakin weli faah-faahin lama hayo, sida uu sheegay wariye ku sugan Laascaanood oo la hadlay mid ka mid ah Idaacaddaha maxaliga ah.
Wariyaha waxa uu yiri, waxa weli magaalada ka socda baaritaan lagu hayo dadkii ka qeybgalay dibad-baxa iyo kulanta intaba.
Dibadbaxa ayaa la sheegay inay soo qaban qaabiyeen haweenka ku dhaqan Laascaanood, kuwaasoo muujiyeen inay taageersan yihiin magacaabista ra’iisal wasaare Cabdi Shire (Saacid)
Qaar ka mid ah haweenkii ka qeybgalay dibadbaxa ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay, kuwaasoo qaarkood la jirdilay.
Intii uu dibadbaxa socday waxa la sheegay in wax dhib ah uusan ka dhicin magaalada, laakin waxa babar socday kulamo gaar –gaar ah oo ka dhacay gudaha magaalada oo lagu taageeraayay ra’iisal wasaaraha cusub.
Waa markii ugu horreysay ee magaalada Laascaanood ee gobalka Sool uu ka dhaco dibad-baxy iyo kula lagu taageerayo ra’iisal wasaaraha cusub oo toddobaadkan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay, waayo halkaas waxa ka arrimiya maamulka Somaliland, lamana ogla in lagu qabto wax ay iyaga ka soo horjeedaa,
Ma ahan markii ugu horreeysay ee halkaas lagu xir-xiro dad taageersan mideenta Somaliweyn.
Weli wax ka hadlayh majirto dadka lagu xir-xiray magaalada Laascaanood ee gobalka Sool.
Maamulka Somaliland horraantii sannadkan ayey wadahadalkii u horreeyay la bilaabeen Soomaaliya, in kastoo Soomaaliya ay yeelatay dowlad rasmi ah, isla markaana ay ka baxday ku-meel-gaar ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Hargeysa










tallow illaa goorma ayeey socon doontaa caburinta dadkaas lagu hayo waxan u rajayanay in illahay ka dulqaado dhibka iyo caga-juglayn ay ku hayaan maleeshiyo beeleedka laascaanood joga dadka deegaanka
Adeer Dadkaa iyo dumarkaa xabiga loo taxabay waxaa kamasuul ah. Garaadadii iyo siyaasiyintoodii oo halkii. Ay ka shaqayn lahayeen midaynta dadkooda iyo difacoda ka doorbiday inay kuraas iyo xilal u raadsadaan federalka nin. Maatadiisii sidaas. Laaska loogu galayo Yaa xil u dhiiban oo xamar ka leh. Garaad iyo. Barofasoor baan ahay .
they are dreaming sayed barre regime let they know this regime has gone for ever we dont problems live peace in your region with in Somaliland forget South Somalia if our sool people go back there we are wieght less you can see what happen to our Garads and Broker Ali Kalaf
[...] See the original article here: Faah-Faahin Dibad Bax Lagu Taageeraayay Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Oo Dad Loogu Xiray … [...]
Raxanreeb xagee sheekada dadka lagu xidhxidhay ka keenteen. Sheekooy ku nacay.
Adeer laascanood waa hoygii darawiishta reer laascanood waa is yaqanaa nina ninkale ma xidho.
Way jiraan horgalayaal degaanka ah oo dadka marmar isku waala laakiin cidna waxba kama qaadaan.
Laascanoodna ha ka dhigina meel somaliland joogo wiil reer laascanood ah ayaa jooga oo u taliya inshallah kuwaas horgalayaasha ah cashar khaatumeysan ayaan biyaha ugu dareynaa.
Reer gedo iyo reer ssc waxaa ka dhaxeeya xidhiiidh wanaagsan waa kacaankii barakeysanaa.
C
Viva baardheere. Garbahaaray. Luuq caabudwaaq. Buulo xaawo. Viva sool. Sanaag iyo cayn. SSC. Khaatumo state of somalia.
Raxanreeb baryahan somaliland way kukacsantee maxaa jira saxaafaddu waa in dhexdhexaad nowotaan haddi kale dad reer somaliland oo soo booqda shabakada luminaysaan
@ jugsodhacay.
Ariboowe laascanood wiil reer laascanood ah ayaa jooga. Laakiin bariiskiisa kaga cuna siilaanyo. That is ok untill khaatumo state take control of laascanood soon we planning head months.
Jugsodhacay xamar dee way ku deyseye iska quuso boowe kkkkkkk. Hada dr saacid iyo prof ali khalif ayaa jooga. Idinkana waan ogahayoo raag iskuma fiicnidin. Kkkkkkkkk
Markaa boowe iska adkeyso adba labo jeer ayaad villa somaliya joogtay. This is our term bro kkkk.
Viva reer gedo iyo khaatumo state
Caruurtan iyo dumarkan aan ogayn inu siyaad bare dhintay ee kuqaada GUULWADAW SIYAAD AABIHI GARASHADA !!! In lala ficiltamo maaha , haddii aanay nabad gelyada waxba yeelayn, ha la iska daayo ha boodaalaystaane..haday intaa ku nafisayaan , muxuu xadhigoodu tarayaa??
Dadkaa in la xidhxidho lama yaabani waa dad la haysto waxaa la yaable marka puntland sheegato ee tiraahdo anagay naga mid yihiin waa wax laga xishoodo oo maad soo dhacsatid haday kaa mid yihiin ama iska aamustid, xishood daranaa.
Muqayil ninka taageera waa muqayil marka kuwa diidana waa muqayiliinkale marka waxba meesha maba yaalo nin Kenya qaad ku gadeyey ninka taabcasan asagaaba warba heen iyo kuwa diidaya oo ilkaha wada beeley waxba iskuma hayaan ogaada sheekada
war kuwan khaatumo ujeedo kale ayey leeyihiin, uma malaynayo inay somaliland ku xumeynyaa ,ama uu yahay mudaharaad lagu taageersan mideynta somaliya, laakiinse waxay u danleeyihiin puntland , waayo puntland lagama soo magacaabin raaisal wasaare, puntlandna lagam soo dhoweyn,haddii ay somaliya taageersanyihiin oo lilaahi ka tahay meey u mudahaaradaan madaxweynaha , raisalwasaarahii hore iyo dadkaleba ee magaca ku leh midaynta somalia. Raxanreeb ka fiirsada waxa aad qoreysaan, dhexdhexaadnimada ha ka bixina, meesha midayn iyo somalinimo toona ma taala , kaliya waxaa jooga dad danahooda gaarka ah wata,
Waxaan maqli jiray “Faruurow maxaa Berbera ku geeyey, suu yiri FADUUL”.
kkkkkkkkkkkkkkkkkkk ayey ku dhimanooyiin FADLAN KU SHUBO.
waa cajiib dumarka iyo caruurta rayigooda cabiraaya ayaa xabsi lagu guray walee meel fiyoow malaha soomaaliya laakiin reer laascaanood aawey wixii lagu yaqaan inay iska dhiciyaan oo dadka horiyadooda loosoo celiyaa waa ceeb meel maatidii layska xiraayo
Laascaanood waa magaalo Somalia kamid ah waxaa ka shaqeeya Shilling Somalia waxaa kunool faracii Daraawiishta marnaba Somalia kama go’in kamana go’i doonto dowlada cusub ee Somalia ayey aheyd iney si geesinimo leh uga hadasho falalka jabhada Soomaalidiidku kula kacaan dadkaas Soomaaliyeed balse dowlada NGO ee cusub waxaad moodaa iney ka gaabdanayaan iney SNM runta u sheegaan balse soon SNM wey ka huleeli dhulkan oo huunadu halkaa iyo hargeysay iska qaban kkkkkk
Viva Laascaanood indho uroon
Ciil & Caro weynaa
Kuwii sheeganayay in ay madax u yihiin cambuulo gubatay oo dadkii lahaa neceen ayay Xamar ku cunaan. Waxaa iiga sii daran kuwa sidaa ku taageersan ee maalin walba ku haya Khaatumaa duushay! War dadkiina u naxa oo u damqada. Markaad caruurtii & dumarkii u damqan weydaan yaad u damqaneysaan?? Wallee waxani dulinimo xitaa waa soo dhaaftay.
wax laga xumaado waaye 2012 in dad shacab ah saan loo galo magaalada laascaano gumeysi ayey ku jiraan dhibkaalaha kaqaado hadey unite ahaan lahaayeen dhibtaan kuma dhaceen qaarsoomaliland ayey ushaqeeyaan qaar kale mucaaradwaaye dadka hadey unite ay yihiin nin wax kaqaadi karo ma jiro
dhexdooda ayaa khilaaf ka taagan, mid wuxuu taageersanyahay somaliland midna Puntland midka kale Somalia. Kuwa isku heysto Laascaanood waa hal : taageerayaasha Maamulka , iyo taageeraayaasha Soomaliya.
qof rabo ma jiro. Qabaa´ilka kale way ka soo horjeedaaan kala goynta Soomaaliya.