Faah-Faahin Dilal Ka Dhacay Gaalkacyo & Gelinsoor
Gaalkacyo (RBC Radio) Wararka naga soo garay gobalka Mudug ayaa sheegaya in dilal xlay iyo saaka ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Gelinsoor ee gobolkaas.
Inta la ogyahay shan qof ayaa ku dhintay tira intaas kabaddana waa ay ku dhaawacmeyn dilalka ka dhacay gobalka Mudug.
Sida ay sheegayaan dadka ku sugan gobalka Mudug, dilalkaas waxa geestay kooxo maleeshiyo oo kala tabanaya aanooyin qabiil.
Dadka dhaawaca ah ayaa lagu kala daweynaa Gaalkacyo iyo Galinsoor sida uu sheegay wariye ku sugan Gaalkacyo.
Meelaha dilalka ay ka dhaceyn waxa ka arrimiya maamulka Galmudug, wax hadal ah kama uusan biixn dhacdooyinka xaley iyo saaka ka dhacay koonfurta Gaalkacyo iyo Galinsoor.
Ma ahan markii dad lagu dilo qeybo ka tirsan gobalka Mudug, inta badan waxa ay dilalkaas la xiriiraan aargoosi iyo aanooyin qabii, kuwaasoo la xiriira dhul daaqsiin iyo ceelbiyood.
Waxana inta badan ay dhexmartaa xiisadaha noocas oo kale, maleeshiyaad ka soo kale jeeda qoosas reer miyi ah.
Dhacdooyinkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo madaxwynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu dhawaan tagay degmada Hobyo ee gobalka Mudug, halkaasoo markii ay tageyn tacshiirad ay kala kulmeen kooxo maleeshiyooyin ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Gaalkacyo













Hogaamiye kooxeed ayaa qabsaday galmudug Dagaalki ay ka nasteen ayuu ku soo celiyay.
Cabdi qabydiid waa hoogamiye koxeed dambiila ah mana ualmo inuu madaxweyne ka noqdo Galmudugh.
Peace and love ilaahayoow kala qabooji dadkaan walaalaha ah tankale waxan eeda dusha Ka saarayaa cabdiqaydiid Wa in uu muujiyaa leadership dadkana kala qaboojiyaa mida kale odayaasha labada dhibac baa dambigaan wax ku leh anagaa hadaa nahay Reer Puntland way na dhibaysaa isku dhacaan macna darada mida dadka commentska Ka bixiya halkaan waxa loo baahanyahay in aan la habaarin laguna fArxin dhiiga walaalaha iyagoo isticmaalaya magaca Iyo masiirka Reer Puntland anigoo ku hadlaya magaca Reer Puntland Nama matalaan dadkaan soo qaata magacyadan sida prof piccolo. Iyo wixii lamid ah waxan Leeyahay ugu dambayn allaha kala qaboojiyo walaaheeen aaamiin Ma rabno wiilal dambe nooga dhibtaaaan dagaal sokeeeye
kusocota cabdiqaybdiid waayo aragnimadu maahan aan isdilno
1991 ilaa hada oo ah 2012 xabad qoos ilaa hada mahayo hal
reer ah oo oo dagaan koodii kabaracakay dhul yar oo qabiilka
wardhac kanasoo jeeda mareexaan iyo dhulbahante oo ayaguna
caynabo ka huleelay walina hadalhaya marka maanta cabdi qaybdiidow
masalaymaan baad maanta dhul kaqaadi kartaa mise waxaad dhuminaysaah
dhalinyarada iyo colaad walaal oo aan faa iido lahayn marka waqtigaan
qaybdiidow dagaaku maahan mid munaasab ah in dagaal anarji dadka looga dhigayo
maamulka yaga ayaa laweeraray adeerow nagadaah dhhig sokeeye adeerow nagadaa walaal dilkii adeerow nagadaah dhibaato horle adeerow nagadaah
s/calaykum dhamaantiin.
Anigu markaan cabiro fikrkayga iyadoo nin jeclaysi iyo nacayb uu san ku jirin waxaa u malaynayaa in laga gardaran yahay cabdiqaybdiid waana laga quruxbadanyahay dhul iskuqabsi wakhtigaan. Su’aashu waa maxaa loogu dirir waayay caalim oo loo looladiriray qaybdiid maxaa qarsoon oo laysku haystaa?
dadka, halkaa coments-ka ku soo qorey, badankood si wanaagsan bey u hadleen, goboladdaa dhexe ee soomaalia gal gaduud ilaa,sanaag, hadal wanaagsan iyo hashiis ey gaaraan, ayaan waligeey ka arki jirey, laakin xaqiiqdu, waa in eysan heshiin ayey mar walba ku heshiiyaa, waa hal heys caana ee uu yiri
anwar as saadaad. aydoo aan ogahay in reer miyi degaan leysku dilo, iyo aan anagu wax noqono, dhul iwm, ma wax intaasi dheer baa jira, haddii eysan, jirinse, maxaa inta loo heshiiyo haddana leysu dillaa miyeysan aheyn rag balan kala qaatey, oo dhibtoodii xaliyey, mise heshiis maheyne waa is madadaalis,
anigu, sida aan u arko oo taariikhda islaamka ah, waa calaa matu munaafaq, haddii wax kale jiraana, fadla , halkaan ku soo jawaab. wasalaama clkm.
ina qaydiid awalba waxa uu ahaay awalba dagaal ooge noloshiisa wax uhirgalay malahan caydiid ka so bilaw ilaa maanta waa khasaaro u joog hadana waxuu u soojeestay in uu dagaal ka dhax rido galmudug iyo ximan iyo xeeb
Mohamed aliyow jawaabtaadu waa sahal, Jeneral Qeybdiid waxuu qaaday talaabooyin hor leh oo dekkedda Hobyo wax looga qabanayo taasi ayaa keentay in ay dadka qaar uqdad hore kusoo labo kacleyso qaarna ku qabso ku qadi meyside saxaafada lasoo fadhiistaan, halka caalin uu ahaa nin iska hurdo aanan mudneen in waqti lagu khasaariyo la ficiltankiisa. Hadaad aragtid nin lagu dhagan yahay waa nin jira. Dilalka ku saleysan aanooyin qabiil waxaa sabab u ah jahiliga waana mid horey udhici jirtay.
waxaan aad iyo aad uga xumahay cabdi qeerdiid iyo wallahayaga in ay aadaan hubyo oo dagan ee saxan wax laguwada cuno aay colaadna soo dhax dhigeen
ASC, dhamaantiin. @Jaamac Gheedi, waxaad ka hesho in uu ku hogaamiyo qabqable dagaal ooge cabdiqeeybdiid waxba hanag siin. Waxaan shaki ku jirin, in aad lunsan tihiin hadaad tihiin beesha Galmudug ee walaalaheen ah. Waxaa kaloo la hubaa in badankiin aad caafimaad qabin, maadaama aad sida qof waalan, amaba garashadiisa hooseeyso aad ku celcelineeysiin wax horay u shaqeeyn waayay, adinkoo raba natiija/maxsuul ka duwan natiijooyinkii xanuunka badaan ee aad horay adinka isku badeen, Somali kuwa idiin dhow iyo kuwa idinka fogna aad badeen. Waxa kaliya, oo burcad, isbaariista qabqable Cabdiqeeyrdiid aad ka sugtaan waa dagaal aan dhamaan, iyo dib u socod iyo rafaad meesha aad taagan tihiin maantay meel ka hooseeysa in uu idin geeyo. War miyaadnaan laheeyn mooryaan abdiqeeybdiid, iyo caalinkaan hurda wax dhaama? Aaway aqoonyahankiinii? Walaahi, xataa waxaan idinkugula talinaa in aad u yeerataan raga wax fahamsan ee Xamar dowlada federaaalka u shaqeeya, sida ina Macalin Fiqi (taliyaha nabadsugida Somaliya) iyo rag kaloo badan oo dhiig cusub idinku shubo, wax magaratayaheey.