Faah-Faahin Labo Qarax Oo Ka Dhacay Kenya
NAIROBI (RBC Radio) Labo Qarax ayaa xaley waxa ay ka dhacayn meel ku dhow caasimada Kenya ee Nairobi, gaar ahaan xaafaadda Islii, waxana ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidanka Kenya, mana jirto cid ku dhaawacantay.
Waa qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Kenya, tan iyo markii ciidan ay u direen Soomaaliya bishii October ee sannadkii hore, kaddib markii kooxo Islaamiyiin ay weerareen halkaas.
Weerarkii u dambeeyay waxa uu ka dhacay magaalada Islii , gaar ahaan kaniisadda Juja Road bishii September 30 waxana ku dhintay ilmo sagaal jir ah.
Magaalada Nairobi dhowr jeer waxaa ka dhacay qaraxyo kale duwan, kuwaasi oo ay Kenya ku eedeysay kooxda al-Shabaab ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay booliska Kenya, Eric Kiraithe ayaa u sheegay Reuters in qaraxyada labada ah uu ku dhaawacmay sarkaal boolis ah, waxana intaas uu ku daray in xaaladiisa caafimaad aysan sii darneen”
Kiraithe ayaa sheegay in qaraxyada lala bartilmaameesanayay goob mashquul badan.
TV ku yaalla gudaha dalka Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan seddax sarkala oo boolis ah in ay ku dhaawacmeyn qaraxyadaas.
Ciidanka Kenyan waxa ay hadda maamulaan magaalada dekadda leh ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay ku xooganeed Al-Shabaab, howgal sannad qaatay kaddib.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












[...] Read More: Faah-Faahin Labo Qarax Oo Ka Dhacay Kenya [...]