Faah-Faahin Madaafiic Lagu Garaacay Garbahaarrey
Garbahaarrey (RBC Radio) Wararka aan ka heleyno degamada Garbahaarrey ee xarunta u ah gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaley madaafiic halkaas lagu garcaay, kuwaasoo ay soo tuureen Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan dadka ku sugan magaalada madaafiicda ayaa la sheegay in khasaaro geesteyn, inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhintay in ka badan lixna waa ay dhaawacmeeyn kuwaas oo u badan rayid.
Madaafiicda ayaa la sheegay in labo xilli ay soo dhaceyn, kuwaasoo dadka qalqal galiyay.
Dadkii dhaawaca ahaa ayaa loo qaaday isbitaalo ku yaalla degmada, halkaasoo hadda lagu daweynayo.
Saraakiisha ciidanka dowladda oo magaalada ka arrimiya ayaa sheegay in wax khasaaro ah dhinacooda uusan soo gaarin, isla markaana ay dib u riixeen kooxdii soo weerartay magaalada.
Magaalada oo hadda ay gacanta ku hayaan dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna hadana wali qeybo ka mid ah gobalkaas waxa ku sugan Al-Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] More here: Faah-Faahin Madaafiic Lagu Garaacay Garbahaarrey [...]